Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Ceel-huur: Qiimaha biyaha oo kor u kacay iyo ilaha biyaha laga helayo oo gabaabsi ah

Radio Ergo by Radio Ergo
July 30, 2020
in Arrimaha Bulshada, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo-la’aan boqollaal qoys ka barakicisay tuulooyin hoostaga Xudur

Sawir-Kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadka deegaankan Ceelhuur waxay hadda biyaha ka cabbaan ceel-gacmeedyo ku yaalla xeebta badda, iyagoo ka iibsada dad leh gaari-dameerro magaalada biyaha geeya, kuwaas oo qiimaha fuustadii hadda ku iibiya saddex doollar iyo wax ka badan. Sare-kaca qiimaha biyaha magaaladan ayaa ugu wacan iyadoo ay biyo-yareeyeen ceelal gacmeedyadii laga soo dhaamin jiray biyaha.

Dahabo Xasan Maxamuud oo ah hooyada qoys ka kooban 12 qof waxaa ay nolosha reerkeeda ka maaraysaa shaah ay ku kariso bartamaha magaalada, waxayna sheegtay inay maalin walba biyaha ay isticmaasho uga baxdo lacag dhan shan ilaa toddobo doollar, arrintan ayaa si weyn hoos ugu dhigtay faa’iidadii ay ka heli jirtay shaaha, maadama lacagta ay biyaha ku iibsato iyo faa’iidada ay filato ay is le’eg yihiin.

“Labadii maalmood maalin baan fuustaan shubaa, maalin fuusta iyo bar ayaan shubaa toodoba doollar ayay isku noqonayaan” Waxay sheegtay in lacagtaas iyo faa’iidada ay ka hesho makhaayadda ay mararka qaar is le’ekaadaan.

Dahabo oo shaqadaan ku soo jirtay mudo 15 sano ah waxay makhaayaddeeda shaaha maalintii ka fishaa afar doollar oo faa’iido ah, lacagtaas oo aan ku filnayn xataa biilka qoyskeeda ballaaran oo iyagu ku tiirsan waxa ay soo saarto.

“Waxaan ku baddalo ma garanaayo, shaahaas ayaan ilaa aan shaqaba faraha ku taagay aan ka shaqaynayay, xilligaan oo kale waa xilliga annaga daynta nalaku yeesho oo aan daynka is laameed cunno,”ayay tiri Dahabo.

Xaaladdan dhinaca biyaha ah ee magaalada Ceelhuur oo qiyaastii 70 km dhanka woqooyi-bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sii xoogaysatay markii ceel-riig biyo ah oo magaalada ku tiirsanayd uu bacaadku xiray jidadkii loo mari jiray.

Ceelkan oo la sameeyay toban bilood ka hor ayaa magaalada u jira 18 km, waxaana ka soo dhaamin jiray booyado qiimo jaban ku keeni jiray magaalada, kuwaas oo hadda shaqada joojiyay, maaddaama aysan mari karin bacaadka, halisna uu ku yahay gaadiidkooda.

Maamulaha Ceelka Cabdulqaadir Maxamuud Xuseen ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in Koroonaha ka hor uu jiray qorshe lagu doonayay in lagu qiimeeyo sidii magaalada lagu gaarsiin lahaa biyaha oo ay tuubooyin qaadayaan, arrintaas oo hakatay markii uu Koronuha yimid.

“Waa iska Ilaahay qaddartiise waxaan Fayriska ayaa iska dhacay, injineerkii noo ballansanaa wuxuu soo raacuu waayay, marka waxay ku xiran tahay oo aan ku ballansannahay, wax kasta cabbirkaa ka horreeya, markii la cabbiro kaddib ayaa biya-galinta la bilaabayaa,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Ceelal-gacmeeyda ay gaari dameerradu ka soo dhaamiyaan ayaa magaalada u jira 3 km, dadka magaaladuna ma wada awoodaan in ay biyaha iibsadaan ama dayn ku qaataan, sida Mahad Cabdullahi Axmed oo Raadiyo Ergo u sheegay in toddobaad walba uu saddex jeer tunkiisa ugu soo dhaamiyo biyihii uu reerkiisu isticmaali lahaa.

“Biyaha caagadaan ku soo dhaansadaa, gacantaan ku soo qaadaa, xaafadaan keenaa markaas kaddib ayay ilmuhu shushubtaan; ceelku waa fog yahay, marka maalinkiiba saddex jirgaan ayaan keenaa, sadexdaas waxa ay ku qadaan labo maalin, ”ayuu yiri.

Cabdiqani Maxamed Cawaale waa mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka waxa uu sheegay in ceel-gacmeedka laftiisa marka la qodo aan laga cabbi karin wax ka badan labo fuusto oo ah kuwa ugu horreeya ee uu soo maaxdo, ayna dhaamiyayaasha dameeraha ay qasab ku tahay in ay qodaan ceel hor leh  maalin walba; maaddaama ay baddu ku dhawdahay oo ay biyahu isku baddalayaan biyo maanyo wax ka yar 24 saac.

“Ceel sii raagaya maaha, maaxdaa laga cabaa labada fuustoo ugu horraysa. Marka waa kan qod ka tag,” ayuu oday Cawaale yiri.

Previous Post

Dhadhaab: Ganacsatada Jallaatada iyo cabbitaanka oo ganasigood uu hoos u dhacay

Next Post

Muqdisho: Heerka shaqo la’aanta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo sii kordhaya

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Joojinta duulimaadyada oo saameysay dadkii ka shaqeynayay shirkadaha tigidhada jara

Muqdisho: Heerka shaqo la'aanta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo sii kordhaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo