Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhadhaab: Ganacsatada Jallaatada iyo cabbitaanka oo ganasigood uu hoos u dhacay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 27, 2020
in Arrimaha Bulshada, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Ganacsatada Jallaatada iyo cabbitaanka oo ganasigood uu hoos u dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdimajiid Jaamac Sanxarir oo ah milkiilaha Sokeeye Ice Cream oo ka mid ah seddex xarumood oo ku yaalla xerada Dhagaxleey ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab, oo soo-saari jiray noocayada cabbitaannada iyo jalaatada ayaa waxaa ganacsigiisa saamayn ku yeeshay cudurka COVID-19-ka.

Inta badan cabbitaannada iyo jallaatada ay sameeyaan waxaa ka iibsan jiray ardeyda iskuullada, kuwaasoo la fasaxay bishi Maarso ee sanadkan oo ahayd markii u horraysay ee lagu arkay dalka Kenya COVID-19.

Cabdimajiid wuxuu sheegay in maalinti uu soo saari jiray afar kun oo xabbo oo jallaato ah oo loo iib-gayn jiray goobaha waxbarashada oo xabbaddi uu gadi jiray toddobo shilin halka dadka ka qaata ee sii iibin jiray ay toban shilin gadi jireen si ay faa’iido uga helaan, haddase uu wax soo-saarkiisii uu hoos u dhacay.

“Hadda waxaan sameeyaa kun xabbo, dad aad u tira badan baa iga qaadan jiray oo hooyooyin u badanaa waxayna gayn jireen iskuullada hortooda xilliyada bareegga iyo galabkii oo kale, way igusoo noqon jireen, haddana way qaadan jireen,hadda waxaa iga qaata dad aad u tira yar,Karoonaha ayaa ganacsigoodi saameeyay”

Cabdimajiid ayaa ka hor COVID-19-ka bil walba heli jiray faa’iido dhan konton kun shilinka Kenya oo u dhiganta shan boqol oo dollar balse hadda waxaa bishi soo gasha shan iyo toban kun oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 150 doollar. Muddo sannad ah oo ay shaqaynaysay xaruntan wuxuu ka iibsaday matoorka dabka dhaliya iyo agab kale oo looga shaqeeyo meheraddiisa. Cabdimajiid wuxuu raadiyo Ergo uga sheekeeyay dhaqaalaha soo galaya iyo siyaabaha uu u maareeyo.

“Qayb waan biilan jirnay, inta kalana waxaan u dhigan jiray kayd, meesha wax badan maysan sii jirin oo iyadan isku kabaayay oo kor u soo qaadayay, hadda waxaan is leeyahay aadku dartid cuntadafudud si meeshu ay isku kabto, ” ayuu yiri.

Anas Maxamed Cali oo Da’adisu tahay 23 jir kana mid ah ardayda fasalka 3aad ee dugsiga sare ee Dhagaxley ayaa wuxuu xilliga habeenkii ka shaqeeyaa xarunta Sokeeye Ice Cream, wuxuuna radio Ergo u sheegay inuu shaqadaas ku qaadan jiray habeenki 500 Sh.Kenya, una dhiganta shan doollar taasoo uu ku maarayn jiray nolasha qoskiisa haddase laga dhimay.

“Hadda suuq-xumi maaddaama ay dhacday lacagti aan qaadan jiray mid an u qalmin baan qaata oo ah 300 shilin hadda, habeenka anan shaqaynin waxba malihi”

Anas oo ah curadka qoys ka kooban lix qof ayaa colaad uga soo cararay magaalada Kismaayo 21 sano ka hor. Wuxuuna biilaa shan gabdhood oo la dhalatay iyo labadiisa waalid.

“Lacagta hooyaday iyo abbahay baan u gayn jiray oo qaxooti iska ah, waxna aan haysanin, lacag kayd ah baan dhigan jiray saddex boqol ciddaan u gayn jiray, laba boqolna meel ayaan dhigan jiray, lacagtas hadda waan u baxsaday, suuq xumida markay imaatay reerki inaan sii siiyo ayay noqotay oo dib ugu celiyo kaydkii hadda waa dhammaad,”ayuu yiri Anas.

Cabdullaahi iyo walaalkiis ayaa sanadki 2012-ki furtay xarunta Misbaax Ice Plant oo ah warshad soo saarta jallaatada kuna taalla xerada Dhagaxley. Xaruntaas waxaa iminka soo wajahay hoos-u-dhac dhaqaale, kaasoo sababtiisu tahay COVID-19-ka.

“Hadda waxay noqotay inaan soo saarno 500 xabbo, waxay qaadanaysa ilaa iyo sadex maalin inay naga baxdo, waxaan dhihi karnaa ilaa boqolkiiba toddobaatan wuuna saameeyay, suuqa xooggiisa wuxuu ahaa qoladan iskuulayda, waxaan ku shaqayn jirnay ilaa shan qof waxay ku soo koobmatay labo qof oo kaliya, waxay qaadan jireen ilaa 500Sh. ilaa 600Sh. maaddaama ay suuq xumo jirto ma awoodi karno shaqaalihi inay sidii hore noogu sii shaqeeyan,”ayuu Cabdullaahi yiri.

Dakhliga ka soo gala jallaatada waxay ka biilaan qoyskooda oo ka kooban kow iyo toban qof kuna nool magaalada Muqdisho, Wuxuu sheegay in ku dhawaad 35 qof oo u badan dadka wareejiya jalaatada iyo kuwa ku hor gadi jiray iskuullada ay maalin walba ka qaadan jireen ku dhawaad boqol xabbo oo jumlo ah ka hor inta aan la xirin iskuullada, haatanse ay ilaa siddeed qof maalinkii ka qaadato.

Previous Post

Gaalkacyo: Qoysas sanad ka hor dib-u-dejin loo sameeyay oo wajahaya cunno xumo iyo biyo yari

Next Post

Ceel-huur: Qiimaha biyaha oo kor u kacay iyo ilaha biyaha laga helayo oo gabaabsi ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Biyo-la’aan boqollaal qoys ka barakicisay tuulooyin hoostaga Xudur

Ceel-huur: Qiimaha biyaha oo kor u kacay iyo ilaha biyaha laga helayo oo gabaabsi ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo