Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gaalkacyo: Qoysas sanad ka hor dib-u-dejin loo sameeyay oo wajahaya cunno xumo iyo biyo yari

Radio Ergo by Radio Ergo
July 25, 2020
in Arrimaha Bulshada, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Gaalkacyo: Qoysas sanad ka hor dib-u-dejin loo sameeyay oo wajahaya cunno xumo iyo biyo yari

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nasteexo Cawil Cabdullaahi waa hooyada lix carruur ah, waxayna ka mid tahay lix boqol oo qoys oo ku nool xerada Wadajir oo 7 km galbeedka ka xigta magaalada Gaalkacyo. Nasteexo oo xeradaas la dejiyay horraantii bishii Sebtembar ee sannadkii hore ayaa waxaa ku adkaatay helidda cunno iyo biyo.

Qoyskeeda ayaa ku nool guri labo qol ka kooban oo qayb ka ahaa 200 oo guri oo ay hay’adda UNHCR ka hirgelisay halkaas. Nasteexo waxaa kale oo ay raadiyo Ergo u sheegtay in guriga uu ku wareejiyay maamulka gobolka Mudug, isagoo isla markaasna u ballanqaaday inuu ka kaalmayn doono adeegyada ay u baahan yihiin.

“Magaaladaan u lugaynaa, gawaari ma leh, meeshu jid ma leh; dhug-dhuglay baa marmar timaadda saddex doollar beyna qaadanaysaa, annaguna ma haysanno waan iska lugaynaa marka aan magaalada u baahanno, wixii nala siiyo waan soo xambaarsadaa, gaari ma jiro, markan imaado ilmaha habeenkii casho baan u kariyaa, cashadaas wixii ka hara baan subixii siiya,” ayay tiri Nasteexo.

Ceel-biyood riig ah oo xerada ay ku nooshahay ku dhow ayay biyaha ka iibsadaan qoysaska awooda, Nasteexa ayaa xustay inaysan si joogta ah u heli karin maalin walba labo kun oo shilin-soomaali ah oo u gooysa labaatan liitar oo biyo ah sidaas darteedna qoysaska dariskeeda ah ee biyaha iibsada ayay inta badan qoyskeedu la cabbaan.

Deegaanka Balli-midgaan oo ka tirsan dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayay ka soo barakacday bilowgii sannadkii 2017, xilligaas oo abaartu ay ka laysay xoolahoodii. Xerada Taallo-cad ayay sheegtay in labo sano ay ku noolayd, balse dhulkii ay dagganaayeen oo kiro ahaa baa lagu qasbay in ay ka guuraan.

Waxaay sheegtay in dhibaato badan aysan ku qabi jirin cunnada iyo biyaha markii ay magaalada u dhawaayeen, balse hadda oo ay dhul iyo guri ay leedahay daggan tahay bay duruufta nolosha ku sii adkaanaysaa.

Farxiyo Carab Axmed waa 50 jir qoyskeedu ka kooban yahay 12 qof, waxayna ka mid tahay dadka la halgamaya nolosha qoyskooda, iyagoo ka soo barakaceen miyiga deegaanka Bacaadwayn ee gobolka Mudug. Farxiyo waxay ka dayrisay xaaladda nololeed ee xerada ay deggan yihiin, waxayse tilmaamtay halka faa`iido ay ka helaan iney tahay iney deggan yihiin guri ay leeyihiin.

“Waxaa naga ballan-qaaday hay’adihii guryaha na keenay kulligood iyo dowladdaba oo wada-jooga, cunno la’aan biyo la’aan baad la’aan dee nolosho waa bariis iyo baasto iyo bur iyo wax markaas la cuno, haddii saddexda waqti la waayo ankee hal waqti in la helaa muhiimadda ah,” ayay tiri Farxiyo.

Sakariye Siciid madaxa arrimaha bulshada dowladda hoose sidoo kalana u qaabilsan maamulka degmada la-socodka xaaladda barakacayaasha ee Gaalkacyo oo la hadlay raadiyo Ergo ayaa hoosta ka xarriiqay in xaaladdan ay ka siman yihiin barkacayaasha Gaalkacyo, si gaar ahna iyagu ay ugu nugul yihiin maaddaama ay ka durugsan yihiin magaalada.

Waxa uu sheegay in dib-u-dajinta qoysaskan oo qayb ka ahaa barnaamijka xalka waara uu xanuunka Korona Fayris saameeyay adduunka maaddaama mashruucyadii dhanka biyaha, waxbarashada, caafimaad iyo ganacsiga-abuurka oo halkaa laga hirgalin lahaa uu meesha ka saaray.

“Wax yar baa la helay, wixii yaraana dadkii baa ka badan, waayo lix iyo toban xero ayaa dadka laga soo xulaa, wax bey u baahan yihiin, dad loo dadaalay weeye sida anigu aan qabo, dowladduna u dadaashay, hay’aduhuna u dadaaleen, xalka waara baa loo sameeyay, laakiin wali looma samaynin wax ay ku shaqo tagaan maaddaama dad reer baadiyaa ay ahaayeen oo xoolo ka yimid,”ayuu yiri Sakariye.

Cabashadooda la xariirta cunno xumida iyo duruufaha kale ayuu sheegay in markasta ay soo gaaraan xafiiskooda, iyaguna ay dadaalkii loogu gurman lahaa ay ku howlan yihiin. Ku dhawaad shan kun oo qoys ayaa ku nool Gaalkacyo sida uu sheegay, waxaana la soo darsay xaalado adag markii uu dillaacay xanuunkan dunidii aafeeyay ee Covid-19, taasoo keentay hoos-u-dhac ku yimid hawlihii gargaarka ee hay`adaha.

Previous Post

Afgooye: Fatahadda webiga oo sababtay barakaca in ka badan laba kun oo qoys

Next Post

Dhadhaab: Ganacsatada Jallaatada iyo cabbitaanka oo ganasigood uu hoos u dhacay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhadhaab: Ganacsatada Jallaatada iyo cabbitaanka oo ganasigood uu hoos u dhacay

Dhadhaab: Ganacsatada Jallaatada iyo cabbitaanka oo ganasigood uu hoos u dhacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo