Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Heerka shaqo la’aanta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo sii kordhaya

Radio Ergo by Radio Ergo
July 30, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Joojinta duulimaadyada oo saameysay dadkii ka shaqeynayay shirkadaha tigidhada jara

Sawir/ Mid ka mid ah dadka ka shaqeeya shirkadaha/Cabdiwahaab Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdillaahi Maxamed Dhaqane waa 32 jir oo sanadkii 2016-kii ku soo dhameeyay waxbarashadiisa heerka kowaad ee jaamacadda dalka Bangaaladeesh, isagoo soo bartay culuunta kombiyuutarka.

Cabdillaahi wuxuu dalka ku soo laabtay toban bilood ka hor, ilaa iyo haatanna ma jiraan wax shaqo ah ee uu helay, wuxuuna Raadiyo Ergo uga warramay niyad-jabka ku yimid markii uu waayay wax shaqo ah.

.“Wallaahi waxaa weeye anigoo aqoontii leh oo maanta is dhahayey dalkaagana ku intifaac adigana nin dhallinyar aa tahay, mustaqbal iyo ayaatiinkaaga ka gun-gaar, balse caqabadaa iska jira, marka meeshaa tagtaba shahaadada laguugu qiimayn maayo,” ayuu yiri Cabdillaahi.

Heerka shaqo la’aanta dhallinyarada Somaaliyeed ee wax baratay ee ku sugan gudaha dalka ayaa sii kordhaysa, xilli tiro badan oo dhalliyaro ahna ay ka qalin-jabinayaan Jaamacadaha dalka, taasoo weliba ay sii dheer tahay kuwa wax soo bartay ee ka soo laabanaya debadda.

Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyaradu wajahayaan waxaa loo sababaynayaa ineyan helin tababarro xirfadeed oo ay ku shaqaystaan iyo inay yar tahay abuuritaan shaqooyin ay iskood uga shaqaystaan, intii ay sugi lahaayeen iney u shaqeeyaan dawlad ama dad gaar ah, waxayna ka bixi lahaayeen shaqo la`aanta, waana sida ay qabaan dadka u ololeeya shaqo abuurka.

Dr. Sacad Farah waa mid ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee u ololeeya shaqo-abuurka dhallinyarada ayaa wuxuu Raadiyo Ergo uga warramay in dhallinyarada ay badankood ka soo baxaan kulliyado cilmigoodu u badan yahay iney ardayda ka soo baxdaa ayan lahayn wax xirfad ah, taasoo keeneysa iney raadiyaan cid ay u shaqeeyaan, halkii loo abuuri lahaa iney noqdaan mustaqbalka dad isku filan oo iskood u shaqaysta. Wuxuu kaloo intaas raaciyay Dr. Sacad ineyan dhallinyaradu u jeesan wax soo-saarka gudaha xaggiisa sida, beeraha, kalluumaysiga iyo dhamaan khayraadka taasoo uu sheegay iney dayacan yihiin.

“Culaysyska dhallinyarada waxa ugu wayn ay saaran waxaa waaye inuu qofka shaqeeyo, ee diiradda ma saaro inuu isagu shaqo-abuur sameeyo oo maskax la imaadan.” ayuu yiri Dr. Sacad.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Siddiiq Warfaa oo u warramay Radio Ergo ayaa sheegay in shaqo la’aanta dhallinyarada ay sabab u tahay xirfad la’aanta.

“Qof aan xirfad lahayn ma horumaro, annaga wasaarad ahaan waxaan xoog saarnay siyaasadda shaqo-abuurka, golaha wasiirraduna ansixiyeen, haddaad eegto qorshaha horumarinta dhaqaalaha ee qaranka waxaa ku jira in dhallinyarada shaqo loo abuuro,’” ayuu yiri Warfaa.

Wasiirka ayaa sheegay inay qorshaynayaan abuurista dugsiyo lagu barto xirfadaha kala duwan, wuxuuna intaa ku daray in ilaa siddeed Iskuul oo farsamada gacanta ah laga hirgelin doono meelo kala duwan, kuwaasoo uu ka xusay Hargaysa, Garowe, Muqdisho, Waaciye, Kismaayo, Jowhar iyo Baydhabo.

“Xarumahaas waa xarumo la asteeyey, kharashkoodana intii badnayd la diyaariyey, waxaan kaloo diyaarinnay manhajka waxbarasho ee xirfadaha sidii loo heli lahaa xirfado suuqa ka shaqayn kara; hadda qiyaas ahaan $12 milyan oo doollar ayaa ku baxaya iskuulladaas. Hay’adda horumarinta Jarmalka ayaa naga caawinaysa,” ayuu yiri.

Cali Ibrahim Cabdi waa aabaha shan carruur ah, afar gabdhood iyo wiil kuwaasoo laba ka mid ah ay wax bartaan. Cali markii uu wadi kari waayay waxbarashadiisii jaamacadda ayuu wuxuu sameystay xirfad uu ku shaqaysto, taasoo ah farsamaynta alaabta guryaha iyo qalaba xafiisyada, wuxuuna sheegay inuu iskufilan yahay oo dhaqaalaha ka soo gala uu ku maareeyo noloshiisa, kagana baxay welwelkii ka haystay dhaqaale la`aanta.

Cali ayaa hadda ku dhiirrigeliya dhallinyarada aan shaqayn iney goobtiisa shaqada yimaaddaan si ay xirfaddan u bartaan sida uu Raadiyo Ergo u sheegaay.

“Ninka shaqada hayn duhurkii uu soo kacaa, markaas ayuu ku tashanaa nin kale jeebkiisa waxa uu soo shaqaystay; markaa ugu yartay miis meel la fariiso, wax gad, wax soo dhacso, dadka waa ku jeclanayaan, lakiin markaa shaqo la’aan tahay oo shaxaad ku sii nooshahay, maanta ninkii wax ku siiyo, berri ma ku siinayo,” ayuu yiri Cali oo talo siinaya dhallinyarada aan shaqaynin.

Previous Post

Ceel-huur: Qiimaha biyaha oo kor u kacay iyo ilaha biyaha laga helayo oo gabaabsi ah

Next Post

Xoolo-raacato ay fatahaadda Shabeellaha dhexe ka go’doomisay qoysaskooda iyo seyladaha

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Xoolo-raacato ay fatahaadda Shabeellaha dhexe ka go’doomisay qoysaskooda iyo seyladaha

Xoolo-raacato ay fatahaadda Shabeellaha dhexe ka go’doomisay qoysaskooda iyo seyladaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-SEP-202

IDAACADDA 09-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo