Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-raacato ay fatahaadda Shabeellaha dhexe ka go’doomisay qoysaskooda iyo seyladaha

Radio Ergo by Radio Ergo
August 4, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolo-raacato ay fatahaadda Shabeellaha dhexe ka go’doomisay qoysaskooda iyo seyladaha

Seyladda xoolaha Jowhar/Maryan Sheekh/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Fatahaadda webiga ee biyaha badan dhigtay gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kala go`doomiyay dad xoolaha daaq ugu raadiyay deegaanno kale oo gobolka ah, qoysaskooda iyo seyladaha. Waxay fatahaadda intii ay cusbeyd xoolaha u kaxeeyeen deegaanno doog fiican leh si ay ugu naaxaan oo dhoofka Carrafada ay uga faa’ideystaan. Laakiin dhoofka xoolaha waxaa sanadkan saameysay xayiraadda Koroona.

Axmed Xuseen oo ka mid ah xoolo-dhaqatadaas kuna go’doonsan tuulo lagu magacaabo Ceelcad oo qiyaastii 40 km galbeed uga beegan Jowhar ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhulka ay joogaan iyo kii ay ka tageen labadaba ay biyuhu fadhiyaan. Iyaga iyo xoolahaba waxaa raashinka loogu qaadaa doonyo. Buunshada bariiska oo loorkii laga siiyo ShSo300’000 ($12) ayaa xoolaha loo qaadaa maaddaama ay biyuhu baabi’iyeen daaqii ay meesha u tageen.

Axmed ayaa xusay in deegaankiisa Ceelcad iyo magaalada Jowhar oo ay kula kulantay weriyaha Raadio Ergo ay u dhexeeyaan saddex biyo-fariisad oo ka dhashay fatahaadda, taasina ay kalliftay inuu soo raaco saddex doonyood si uu seyladda u yimaado. Labo neef ayaa uga dhimatay doon ciriiri ah oo uu la soo raacay shan neef si uu isaga bixiyo deyn uu qoyskiisu raashin uga qaatay bakhaar ku yaalla magaalada.

“Suuqii markaan keenay waxaan lahaay Arafa waaye, laakiin hal ayaa layga gatay. Wixii waa cagaaran yihiin oo cadar ayaa saaran, roobkaa ka batay, meeshii u noqosho ayay rabtaa, doontii sagaal doollar ayaan ku soo raacay,” ayuu yiri Axmed oo ka xun suuq-la`aanta ku dhacday iyo dhibka safarka uu soo maray.

Neefka keliya ee laga iibsaday oo ahaa mid weyn waxaa laga siiyay ShSo700,000 ($27), taas oo kala bar ka yar lacagtii uu ku xisaabtamayay. Qiimo-dhacaas wuxuu ku sababeeyay safarka dheer ee biyaha uu la soo dhex maray iyo roob ku soo da’ay iyadoo duruufta dhaqaale ee uu xoolaha u soo safarsaday darteed uu ku khasbanaaday inuu iska iibiyo.

Xoolo-dhaqatadan kuma tashaneyn inay waddada xirmi doonto markii ay fatahaaddu cusbayd ee ay xoolaha kaxeynayeen. Fatahaadda ka hor xoolaha waxaa la soo saari jiray baabuur, meelaha magaalada u dhowna waa lagala soo lugeyn jiray.

Deegaanka uu joogo Axmed waxay ku wada go’doonsan yihiin xoolo-dhaqato uu ku qiyaasay afartan qof, kuwaas oo ay ka wada yimaadeen tuulada Lebiga. Waxaa meesha uu joogo ku weheliya wiil uu dhalay oo 12 jir ah oo soo raacay markii ay ariga daaqa u soo raadiyeen. Waxay sidoo kale kala go’doonsan yihiin qoyskiisa oo ka kooban 11 qof, kuwaas oo deggan tuulada Lebiga oo aan ka fogeyn Jowhar. Waxay ku tiirsan yihiin caanaha labo sac oo u irmaan iyo raashinka deynta ah ee doonta loo saaro.

“Lacag badanaa leygu leeyahay, toban iyo labo malyan iyo saddex boqol anaa ogaa adeeggaanna kuma jiryo,” ayuu yiri Axmed.

Xoolo-dhaqatada qaar waxay haystaan lo’, taas oo si ay iib ugu helaan ay adag tahay inay soo saaraan doonyaha oo ah nooca yaryar ee matoorka uu saaran yahay. Faarax Jimcaale oo xoolo-dhaqatadaas ka mid ah wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu ku jiro xaalad adag oo uu u kala qeybsami la’yahay qoyskiisa iyo xoolihiisa oo labo meel ku kala go’doonsan.

“Dhibaatada ugu badan waxay tahay ilmahoo iga jira Dhaay-gawaan [duleedka Jowhar], … minaan isleeyahay xoolihii suuqa gey meelaan marsiiyo  ma leh,  meel waliba biyaa xiray, doomankana waa iska dhib badan yihiin lo` la saari ma karo. Islaantiyo umul ah, ilmo shan cunug oo yar-yar waa is dulfadhiyaan Ilaahaan u sheegeeynaa”, ayuu ku calaacalay Faarax.

Magaalada Jowhar wuxuu u yimid si uu raashin dayn ah uga qaato bakhaarro uu la macaamili jiray, inkastoo lagu leeyahay Sh.So 17.7 milyan oo u dhiganta $68, haddana waa maciinka keliya ee uu heli karo, maaddaama uusan xoolaha iib u heli karin.

Ganacsatada xoolaha ee u safra tuulooyinka ayaa sidoo kale wajahaya dhibaatada ka dhalatay fatahaadda, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Axmed Sheekh oo ka mid ah ganacsatada seyladda Jowhar. Wuxuu intaa ku daray in haddii dhibaatadan lagu sii jiro uu u wareegi doono seyladda xoolaha ee Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, maaddaama dhankaas dhulka uu qallalan yahay gaadiidna uu saaran karo xoolaha.

Previous Post

Muqdisho: Heerka shaqo la’aanta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo sii kordhaya

Next Post

Baydhabo: Xoogsatada Muruqmaalka ah oo shaqo la’aan soo wajahday

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
170 Carruur ah oo qabto shaqooyin kala duwan si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda oo abaarti cayrtayso

Baydhabo: Xoogsatada Muruqmaalka ah oo shaqo la'aan soo wajahday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo