Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Xoogsatada Muruqmaalka ah oo shaqo la’aan soo wajahday

Radio Ergo by Radio Ergo
August 7, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
170 Carruur ah oo qabto shaqooyin kala duwan si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda oo abaarti cayrtayso

Kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xoogsato muruqmaal ah oo ku tiirsanayd shaqooyinka dhismaha ayaa waxaa la soo gudboonaatay shaqo-la`aan keentay iney waayaan wixii ay ku maarayn lahaayeen noloshooda iyo kan qoysaskooda.

Dadkan oo ku nool magaalada Baydhabo ayaa afartii bilood ee u danbeysey aanan qaban wax shaqo ah, taasoo keentay cudurka Koroonaha.
Maxamed Cabdi Ibraahin waa 37 jir mas`uul ka ah qoys ka kooban shan qof , wuxuuna mudo ka badan toban sano kamid ahaa dadka ka xoogsada dhismayaasha, wuxuuna ka mid yahay dadka ay saamaysay dhibaatadaas.

Maxamed wuxuu ka walaacsan yahay inuu ku fillaan waayey maaraynta nolosha qoyskiisa oo sababtay in saddex guri laga saaro mudo kooban gudahood isagoo iska bixin waayay kirada awgeed.

“Waligeyba shaqo middan aheyn ma aanan ku shaqeysan, carruurteyda waxbarashadooda, dugsigooda iyo nolosha qoyska ayaan ka maareynayey oo ay u dheer tahay kiradii guriga,” ayuu Maxamed yiri.

Maxamed Cabdi Ibraahin ayaa sheegay in markii ugu horreysey ay tahay shaqada dhismaha guriyaha oo hakad gasha Koroon Fayris dartii, wuxuuna sheegay inuu ka walaacsan yahay goorta laga bixi doono arrintan.

“Subax kasta waxaan ku soo toosnaa annagoo leh culeyskan shaqo la’aanta goormad ka baxeysaan, waa ciqaab adigoo xooggii ku shaqeysaneysey heyso oo haddana waxba qaban karin,” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed.

Cabdiraxmaan Macalin Cabdi waa aabbe leh qoys ka kooban sagaal ruux, wuxuu kamid ahaa boqolaalka qof ee ku shaqaysta hawlaha dhismayaasha guriyaha, Xaaladdan hadda taagan ka hor wuxuu ahaa qof maalintii celcelis ahaan shaqaysta lacag dhan 15 doolar, reerkiisana qurac, qado iyo cashaba cuni jireen.

“Ma laheyn adigoo xooggan leh, caafimaad qaba ayaad qadeysaan oo dabkiinna damaa, waa caqabadii ugu weyneyd aan dareemo nolosheyda, waligey kuma fakarin kaararka hay’adaha bixiyaan in aan helo,” wuxuu intaas sii raaciyay Cabdiraxmaan isagoo rajo xumi muujinaya,” ..haddii xaaladdu sidan sii ahaato ma ogi wax dhici doona aad baan uga welwel sanahay meesha aan cunto ka heli doono,”

Haweenka danyarta ee ku nool magaalada Baydhabo waxay ahaayeen kuwo ugu badan oo reeraha noloshooda maareyntooda gacanta ku hayay, islamarkaana mararka qaar qabanayay shaqooyin ay haweenka ku adag tahay iney qabtaan.

Anbiya Cabdi Isxaaq muddo lix sano ah waxay ku shaqayn jirtey oo ay nolol maalmeedka reerka ku raadin jirtey jajabinta dhagxaanta jayga, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa waddooyinka lagu dhiso ama kuwa guryaha lagu dhiso.

Sida haysata shaqaalaha kale ee dhismaha ayay Anbiyo iyo odaygeeduba ay ku dhacday shaqo la`aantaas Koroona dsababay, waxayna noqdeen kuwo jooga labadooduba guriga.
“Cudurkan inta uu yimid carruurta sasab ayaan ku seexinnaa, iyagoo gaajo la ooynaayo, markasaa subaxdii shah loo saarayaa, haddana ka fikir habeenki wax la siin karo lagu sababo, marxaladdan Alle ha naga bixiyo wax aan fileyney ma aheyn,” ayay tiri Anbiya.
Xaaladdaas adag ee shaqo la`aanta ma haysato oo keliya xoogsatada dhismaha, waxaase jira haweenka ka shaqeeya hawlaha guryha sida dhar-dhaqidda ama nadaafadda kuwaasoo iyaguna uu haysto xaalad la mid ah xaaladahaas uu keenay Koronaha.

Xabiibo Isxaaq Aadan oo qoys ballaaran ah oo ka kooban ilaa toddobo ruux oo ay ku jirto hooyadeed waxay ka mid tahay haweenka shaqooyinkooda uu saameeyay Korona Fayris, waxayna wayday dadkii macaamiisheeda ahaa oo ay dharka u soo dhaqi jirtay toddobaadkiiba saddex jeer, haddase way ka joogsatay. Xabiibo waxay ku xisaabtami jirtay maalintiiba shan ilaa siddeed doollar oo ay ku maarayn jirtay qoyskeeda.

“Awalkii hore waxan ahaa qof shaqaysta, dhowaanahan ma shaqeyn, ma jiraan wax nolol ah oo aan heysanno, carruurta waa lafo iyo maqaar, tabartii ma jirto iyo xooggii, waayo wax la cuno waa la rabaa, haddana wax lagu soo iibiyo ma heysanno,” ayay tiri Xabiibo.

Previous Post

Xoolo-raacato ay fatahaadda Shabeellaha dhexe ka go’doomisay qoysaskooda iyo seyladaha

Next Post

Dhegeyso barnaamijka Tacab aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka Tacab aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Dhegeyso barnaamijka Tacab aan uga hadalnno hormarinta beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo