Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nalalka cadceedda oo daboolay baahidii iftiinka guryaha iyo ganacsiyada ee danyarta Kismaayo

Radio Ergo by Radio Ergo
June 30, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Xeryaha barakacayaasha ee Jowle oo lagu xiray leyrar qorraxda ku shaqeeya

Kayd/Radio Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Geeddow Cismaan Xuseen wuxuu ka mid yahay dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Kismaayo, waana aabbe leh qoys ka kooban toddobo qof, wuxuuna maciishaddooda ka soo saaraa garaash yar oo uu muddooyinkan dambe unkay. Geeddoow oo markii hore shaqayn jiray xilliga maalinnimada ayaa iminka wuxuu helay fursad uu habeenkiina ku shaqeeyo, isagoo ka faa`iideystay nalalka ku shaqeeya iftiinka cadceeddda.

Geeddow wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qiimo $60 ah uu ku iibsaday solar uu u isticmaalo iftiin keliya, kaasoo uu adeegsado xilliyada fiidka hore, maaddaama uusan iska bixin karin korontada qiimaha sare joogta ah ee magaalada. Wuxuu intaas ku daray markii uu bilaabay isticmaalka tamarqorraxeedka ee solar-ka in uu kordhay dakhliga maalinlaha ee ka soo gala shaqadiisa, wuxuu hagaajin jiray markii hore ilaa saddex gaari, iminkase wuxuu gaarsiiyaa ilaa lix.

“Aniga geerishlaan ahay, maalintii iyo habeenkii dabkiisa aad iyo aad ayuu ii anfacay, habeenkii waliba waan ku shaqaystaa, shaqadii maalintii iga habsaanta habeenkii ayaan ku shaqaystaa” ayuu yiri.

Kow iyo toban dhallinyaro ah oo ka mid ah qaxootigii ka soo noqday Dhadhaab iyo barakacayaasha Kismaayo ayaa xeryaha iyo goobaha dadka danyarta ah ka bilaabay qalabka solar-ka ee qorraxda oo iyagoo qiimo hoosena ka siiynaya  dadka, sida Geeddow oo kale oo hore u isticmaali jiray korontada ayaa kaga raystay markii uu helay solar-ka.

“Maalintii $50 dollar ayaan faa’iido hellaa, carruurtayda waxaan bishii u diraa $250 dollar, awal hore aniga iyo hooyadood waan isku dhagganayn, waxaan u diri jiray $70 dollar.”

Madaxa suuq-geynta iyo iibka ee dhallinyarada maalgelinta loo sameeyey ayaa sheegay in lixdii bilood ee ay shaqaynaayeen ay iibiyeen ilaa 700 solar-ka cadceedda ku shaqeeya, kaasoo ay ka iibiyeen dadka danta yar ee deggan magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda.

Cabdullahi Maxamed Maxamuud oo ah Madaxa suuq-gaynta Jubba Solar ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay arrintaan u noqotay fursad shaqo oo ay maanta ka maareeyaan nolashooda, waxaa uu intaas ku daray in ay u dhisan yihiin qaab shirkad oo kale ah, iyagoo samaystay hawl-qaybin ay ku fuliyaan shaqooyinkooda.

“Qalabka aan iibinno waxaa uu ka kooban yahay, kuwo aradaydu isticamaalaan, kuwo miisaslayda (Ganacsatada yar yar) loogu loogu talagalay iyo dukaamada dhammaan, kuwaas waan wada haynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Dhalinyaradan uu Cabdullahi ka mid yahay ayaa tababarka dhamaystay bishii koowaad ee sannadkan kadibna waxaa maalgeliyay  hay’adda GIZ ee dalka Jarmalka iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland oo markii hore tababarkooda ka dambeeyay, arrintaas ayaa si wayn wax uga tartay baahida itiinka ee qoysaska dantyarta ah, iyagoo ku heli kara qiimo u dhexeeya $70 ilaa $7 oo ku iibiyaan soolarka halka nal oo keliya iftiimin kara. Wax akhriska ardayda ee qoysaska saboolka ah iyo nabadgelyadooda xilliyada habeenkii ah ayuu iftiinku ka caawiyay qoysaskan.

Maxamed Aadan Faarax oo ka mid ah dadkii ka soo labtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya ayaa ka mid ah dadka isticmaalaya solar-ka oo guryahooda gashtay, wuxuuna uga sheekeeyay Raadiyo Ergo faa`iidada uu ku qabo.

“Aniga gurigayga iska daayo iftiinkiisa dariskaa ku adeegta, mobaylladana wuu jaaj gareeya, saddex botton ayuu leeyahay, mid waxaa loogu talagay iftiinkiisa, midna waxaa loogu tala galay markaad seexanaysid, midna waxaa loogu talagalay akhriska,” ayuu yiri.

Guddoomiye ku-xigeenka xaafadda Midnimo oo ay deggan yihiin qaxootiga soo noqday Foos Cabdi Maxamed ayaa Raadiyo Ergo uga sheekeysay sida looga faa`iideystay marshruucan dhallinyarada ee tamarta cadceedda, waxayna tiri, “Anigaan kula hadlaaya haddii ilmaha  maqrib soo tukadaan, waan wada xaroon jirnay oo qof qof u gudbi jiray ma jirto oo guriga kugu dhow haddii wax ka dhacaan waa aadkaan jirtay sida aad ugu baxdo, haddana Ilaahay ayaa mahad leh xilligaan doonno ayaan soconnaa.”

Previous Post

Luuq: Xoola-dhaqato hore oo fursado shaqo ka helay cusbo-jebinta tuulada Cusbo

Next Post

Muqdisho: Haween lagu caawiyey miisas qudaarta ay ku gataan oo ganacsigoodu isbaddelay

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Ganacsato cabasho ka muujiyay baaritaano ay kala kulmaan jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye

Muqdisho: Haween lagu caawiyey miisas qudaarta ay ku gataan oo ganacsigoodu isbaddelay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo