Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Luuq: Xoola-dhaqato hore oo fursado shaqo ka helay cusbo-jebinta tuulada Cusbo

Radio Ergo by Radio Ergo
June 26, 2020
in Arrimaha Bulshada, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsiga cusbada Xinlabi oo billowday kaddib shan sano oo roob-yaridu saameysay

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Inta badan dadkii ay abaaruhu xoolaha dhaafiyeen balse weli miyiga ku lug leh, iyo dadka tuuladan Cusbo oo 40 km dhinaca woqooyi ka xigta degmada Luuq ayaa ka faa’iidaystay shaqo cusub oo cusbo soo saaris ah oo deegaanka dhowaan ka bilaabatay.

Cabdulqaadir Cali Sheikh oo ah Aabbaha qoys ka kooban shan qof waxa uu qeyb ka yahay in ka badan 350 dhallinyaro ah oo qodata cusbada. Waa mid ka mid ah ragga leh godadka ugu badan ee cusbada laga qodo ee tuulada, wuxuuna xilligan maamulaa boqol god oo cusbo ah oo xilligan la jebiyo. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in muddo sannad ah uu ahaa shaqaale, balse markaas wixii ka dambeeyay uu bilaabay inuu maal-gashto godad badan oo cusbo ah.

Sannad walba xilligan oo kale ayuu Cabdulqaadir diyaariyaa cusbada oo waqti qaadata in la kala haadiyo iyada iyo ciidda.

“Cusbada badeel baa marka hore lagu qodaa, dhulkaa la qodaa hal mitir, mitir iyo bar, nus mitir. God kasta xilli buu leeyahay, markaad qoddo, carrada ka bixiso, biyaa ka imaanaya, labo usbuuc ama ugu badnaan bil ayay cusbo ku noqonayaan.”

Cabdulqaadir wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in uu shaqadan ku biiray laba sanno muddo haatan laga joogo, xilliyadaasoo ay deegaanka ka bilaabantay cusub-qodis, isagoo markaas ka yimid miyiga gobolka Bakool oo ay abaaro is xig-xigay ku dhufteen, kuwaasoo dhaafiyay 180 neef oo ari ah ee uu lahaa.

Cusbada oo la jebiyo lix bilood sannadkii ayuu Cabdulqaadir bishiiba ka soo saaraa 145 jawaan oo uu ka helo $900, lacagtaasoo uu la wadaago xaqoodana uu ka siiyoo dadka cusbada kala shaqeeya.

“ Annagu badanaa waxaan ka gadnaa dadka kor ka imaado, waa dad Soomaali ah oo soo safro oo naga iibsado, ku xiran Bay iyo Bakool; boqolka jawaan mararka qaarkood isma soo gaaraan, shan iyo toban, soddon, markaan soo baxsado waan sii gataa.”

Deegaanka cusbada ayaa xilligan waxaa ku dhaqan 120 qoys, kaas oo raggiisu yihiin xoogsatada qodata milixda, inkastoo aysan lahayn Iskaashato ay ku mideysanyihiin, haddana qof kasta wax-soo-saarkiisa ayuu si madax-bannaan u iib-geystaa hadba halkii uu faa’ido dhaqaale ka heli karo.

Maxamuud Cabdulqaadir Xuseen oo 31 jir ah, haystana saddex carruur ah, kana mid ah ragga cusbada jebiya, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in sannadkii la soo dhaafay dakhligii ka soo galay cusbada uu ku iibsaday mooto saddex lugood ah oo uu cusbada ku qaado, kuna geeyo degmada Luuq. Maxamuud sheegay inuu sanadkii hore uu cusbada ka helay lacag dhan $3,250 oo faa’iido ah. Hase yeeshee ay iminka iminka ay dhibaato u geysteen roobabkii da`ay godadkii la jebiyay oo diyaarka u ahaa in la intifaacsado.

“Waxaa jiro marar ay cusbada yaraanayso, markaa oo biyo maraan dhulka cusbada aan ka soo saaranaynay wey duugmeysaa, marka cusbo yar ayaa soo baxayso, marka ay cusbo yar noo soo baxdo ayaan ka faa’idnaa oo lacag farabadan ka helnaa,” ayuu yiri.

Cusbada halkan laga soo saaro ayaa jawaankii la siistaa $6, waxaana inta badan loo iib-geeyaa gobollada Bay, Bakool, Gedo iyo qayb ka mid ah dhulka Soomaalida ee Itoobiya.

Maxamed Qaasim Cabdi ayaa markiisii hore wuxuu ku bilaabay inuu hal jawaan jebiyo kaddibna u iib-geeyo magaalada Luuq, haddase wuu kordhiyay wax-soo-saarkiisa sida uu Raadiyo Ergo u sheegay, cusbada ay iminka soo saaraanna ay u haystaa suuq wanaagsan.

“Waana cusbo dhanaan ah, macaanna gadaal ka reebeyso dadkana wey u roontahay, fudaydka loorkeeda iyo loorka sonkorta ama loorka bariiska ah waa isku culeys xagga culeyska,”ayuu yiri.

Xoogsatadan cusbada oo asal ahaan ka soo jeeda xoolo-dhaqato ayaa sheegay in shaqadan cusbada ay wax wayn ka beddeshay noloshooda, kuna sii dadaali doonan iney sii kordhiyaan wax-soo-saarkooda.

Previous Post

Dhadhaab: Dhallinyaro sameynta afxirka uga qeyb-qaadanaya xakamaynta cudurka Koroona

Next Post

Nalalka cadceedda oo daboolay baahidii iftiinka guryaha iyo ganacsiyada ee danyarta Kismaayo

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Xeryaha barakacayaasha ee Jowle oo lagu xiray leyrar qorraxda ku shaqeeya

Nalalka cadceedda oo daboolay baahidii iftiinka guryaha iyo ganacsiyada ee danyarta Kismaayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo