(ERGO) – Haweenkan oo markii hore u badnaa warato waddooyinka dhinacooda ganacsiyo yaryar ku iibiya ayaa lacag la daymiyay si ay kor ugu qaadaan ganacsigooda.
Ruqiyo Cadaayo Ciid oo ah hooyada qoys ka kooban 7 qof, waxay kamid tahay haweenka ka faa’iideystay barnaamijka Hodmiye oo Amal bank ay saddexdii sano ee la soo dhaafay ku taageeraysay haweenka ganacsigoodu hooseeyo ee u baahan gacan-qabashada.
Ruqiyo oo ka mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee mashruucaan lagu bilaabay bishii 6-aad ee sanadkii 2017-kii, $900 ayay shirkaddu amaahisay si ay ugu kabto ganacsigeeda oo markii hore ahaa kiilooyin qudaar ah oo waddada dhinaceeda ay ku iibin jirtay.
Hadda waxay dukaankeeda ku iibisaa raashinka, dharka, qudaarta iyo nuucyada kala duwan ee bagaashka. Saddex sano kaddib waxay iska gudday lacagtii la amaahiyay iyadoo ganacsigeedu uu kobcay. Waxa ay ka warramaysa sida ganacsi fiican ay ugu baddashay lacagtii daynta ahayd iyo sida ay ugu suurogashay.
“Waxaan ku bilaabay in aan raashin ku dhigto, Baabuur baan raashin ka qaatay oo qayb kamid ah lacagta u dhiibtay, raashin buu ii keenay, raashinkaan haaf haafka ah oo xaafadaha la siiyo baan ku bilaabay, dad dhowr ah oo adeegga iga qaadan jiray ayaa dukaanka ii fuulay. Wallaahi lacagtaas si fiican baa looga faa’iidey, dad badan oo anigaas aad i arkaysid ee iskaga kaa warbixinaya, dad iga sii hooseeyaa jiray oo iga dhaqaalo liitay. Lacagtaasna waxaan u malaynaya sida aniguba aan uga faa’iiday in ay uga faa’iideen, ganacsigayguna wuu ii fiican yahay, lacagtii amaahda ahaydna sidii la igu yiri tartiib-tartiib baan u celiyay. Akoon la ii sameeyay ayaan lacagtaas ku diri jiray, $25 ayaan bishii bixin jiray, wixii kaloo ii hara ama $10 ha ahaato ama haka badato oo $20 ama $15 ha ahaato akoonkaan dhiganayay,” ayay tiri Ruqiyo
Ruqiyo markii ay ka war heshay in ay jiraan lacago la dayminayo haweenka ganacsigoodu hooseeyo ee deegaanka, waxay tagtay xarunta shirkadda si ay u dalbato waqti badan kuma qaadan maaddaama shuruudaha laga rabay ay ahaayeen, qof damiin ah iyo in ay furato akoon lacagaha billaha ay ku dirto iyaduna danaheeda gaarka ah ku fushato.
Waxay sheegtay inkastoo ganacsigu maalinba si yahay haddana inta badan ay faa’iido ahaan u hesho wax ka badan $10 maalintii uu dhaqdhaqaaqa ganacsigu fiican yahay.
“Amal lacagta ay i amaahisay markii la i siinayay waxyar buu ganasigaygu ahaa, wixii ugu muhiimsanaa oo aan is lahaa ganacsigaaga waad ku kordhin kartaa baan ku kordhiyay, way ii sii socotay oo lacagtii xoogaa way isku kay sii dhashay, kabacdi waxaan u dallacay in aan bagaashkii sii kordhisto oo hadba wixii aan is leeyahay dalab bey leeyihiin baan ku dirsadan jiray. Marka waan dadaalayay dadaalkii baanan heerkan ku soo gaaray, meel kaleoo aanwax ka helay ama ilmo ii shaqeeyay ama dad ehel ah oo i taakuleeyay ma jiraan,” ayay tiri.
Ganacsiga ay ku billowday sida adag ee hadda maraya heerka fiican, waxa ay u sahashay hooyo Ruqiya in nololmaalmeedka qoyskeeda wax badan uu iska beddelo, sida in saddexda waqti ee maalintii cunno ku filan ay helaan, sidoo kalana laba kamid ah carruurteed ay ku biireen iskuulka hoose dhexe ee Bacadwayn sanadkii 2018-kii. $12 ayay ku bixisaa waxbarashada carruurta, sida ay ii sheegtay.
Ruqiyo waxay kamid ahayd 120 haween ah ee uu bankiga Amal amaahiyay lacag ay ku shaqeystaan, taasoo ay si wacan uga faa’iideystay muddadii barnaamijkan uu socday sida uu Maxamed Amiin Cumar maamulaha Amal bank qaybta Bacaadwayn u sheegay raadiyo Ergo. Wuxuuna maamulaha intaas raaciyay in bankigu uusan jirin wax ribix ah uu saartay lacagtaas haweenka la amaahiyay.
Maamulaha ayaa xusay inta badan haweenkii bangigu amaahiyay lacagaha ay dib u soo celiyeen daymihii lagu lahaa islamarkaana ay hormariyeen ganacsigooda. Waxaa kaluu tilmaamay in sanad walba uu bankigu amaahiyo lacago 40 haween ah oo ku nool Bacaadwayn, sidaas oo kalena sanadkan 2020 ayuu maamulhu sheegay inuu bankigu caawiyay haween kale si ay u kobciyaan ganacsigooda. Wuxuuna kaloo Maxamed Amiin qeexay sifooyinka lagu soo xusho haweenka la siinayo amaahdaas.
“Haweenka waxaa lagu dooranayay iney ganacsatada yaryarka ay yihiin, in ay yihiin dad ka faa’iideysanaya fursadda tan oo wax ku qabsanayo ee aan ahayn dad dhaqalahan meelo kale galinaya, shuruudahaas marka ay buuxiyaan bangigu waxa uu ka caawinaya in lacagtaas ay siiyaan oo aan dulsaar lahayn,” buu hadalkiisa raaciyay.
Falis Xuseen Diiriye oo shaaha ku iibinaysay muddo afarsano ah Bacadwayn waxay iyana ku jirtaa haweenka deynta ka faa’iidaystay. Waxay sheegtay in ay tahay qof ganacsiga ku wanaagsan, balse awoodda dhaqaale oo ku yarayd darted bay horumar la samayn kariwaysay.
Billowgii sanadkii 2018 ayuu bangigu amaahiyay lacag dhan $950, Lacagtaas waxa ay ku bilowday ganacsigeeda oo hadda ah goob lagu iibiyo cunnooyinka iyo cabitaannada.
Carruurteeda oo lix ah oo iyadu ay korsato ayaa noloshooda isbeddeshay kuwaas oo markii hore ay ku adkayd in cunno ku filan ay u hesho, haddase taasi meesha way ka baxday.
“Awal waxaa laga yaabaa in maanta ay helaan beeriyoo kalena waayaan oo biilka uusan soo bixin, illayn shaah uun baa meesha lagu gadijiraye, marka hadda wax badan baa iska beddelay waxooda way ka helaan meheradda; isbeddel badan baan ka faa`iiday lacagtii aan Amal ka qaatay , sidoo kale tallaagad baan ku gatay, sharaabkaas baan ku soo gatay, waxyaabo badan baa iska baddalay,” ayay tiri Falis.
Waxay Falis awood u yeelatay in markii ugu horreysay saddex carruur ah oo labo ay gabdho yihiin ay iskuul gayso bartamihii sanadkii hore ee 2019-kii. Waxay waxbarashada carruurteeda bil walba ku bixsaa $18.
“Faa’iidadii aan ka helay iyo ganacsigii aan ku waynaystay dartiis ayaan carruurta iskuulka u gaystay, markii horena waxaan u gaysan waayay lacag la`aan darted, haddana faa`iidada aan ka helay gacan-qabashadii Amal faa`iidadii iiga so baxday ayaan carruurta iskuulka ku gaystay, haddana iigu dhigtaan. Ganacsigayga waxaan ka rajaynayaa intaas in ka badan iyo in uu ii sii waynaado,” ayay tiri Falis.










