Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Boqollaal qoys oo ka barakacay Beled-Xaawo oo ku dac-darreysan xeryo ku yaalla Dollow

Radio Ergo by Radio Ergo
March 26, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ahaa oo ay roobabku mar kale ku barakiciyeen Baardheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)– Ardo Xasan Yuusuf waxay ka mid tahay siddeed boqol oo qoys oo ka barakacay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland bishii Febraayo ee sanadkan.  

 Ardo iyo qoysaska kale oo iminka ku sugan Doolow waxaa haysta dhibaatooyin ay kamid yihiin cunno yaraan, hoy xumo iyo biyo-yari. Midda iminka ugu daranse waa raashinka oo ay ku adag tahay inay helaan wax ka badan hal waqti kaas oo ay ugu yaboohaan dadka xerada horay u degganaa.   

Waxaa nolol maalmeedka u soo dhicin jiray aabbaha reerka oo dallaal ka ahaa suuqa xoolaha Beled-xaawo, taas oo hadda meesha ka baxaday. Ardo ayaa nooga warrantay sida wax karsigoodu yahay.  

“Wallaahi subaxaan xitaa dab ilmaha uma shidin. Xag Ilaahay unbaan ka nool nahay. Nolol xun baan ku jirnaa, ilmaha baahi ayay nooga dhamaanayaan. Caag biyo ah uma gadan karno, markaan shaah karsan rabno ibriiqa cidaha ayaan kasoo qaadannaa. Sonkor yar iyo bariis yar oo kiilo-kiilooyin ah ayaa dadka sii degganaa xerada ay i soo siiyaan. Marka inaan u karsado aan rabo weelasha cidahaan kasoo tuugsadaa, markaan ku karsadana waa u celiyaa.”  

Ardo oo haysata siddeed carruur ah waxay tan iyo labadii Maarso deggan tahay xerada barakaca Qansaxleey ee degmada Doloow. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inuu ka gubtay gurigoodii markii uu kusoo dhacay madfac ay isu adeegsanayeen dhinacyada dagallaamayay.  Waxay sidoo kale xustay in iyada iyo carruurteedu ku soo lugeeyeen waddada dheer ee u dhexeysa Doloow iyo Beled-xaawo oo isu jirta 40 km.   

Iyadoo ka warrameysa dhibaatadii safarkaasna waxay tiri ”Walaahi gaari ma soo raacin, ilmahana ankee kaba la’aan ayay iga ahaayeen. Uur aan lahaa ankee waa iga soo dilmay. Cunugtaan intaan dhan oo saddax jirka ah ayaan dusha kusoo qaaday, intaana waa soo lugeynaayay.”   

Boosteeyo Faarax Diiriye oo haysata lix carruur ah waxaa iyada iyo 280 qoys oo kale ay ku degeen xerada Kabaaso. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in helista cunnada ay kala siman yihiin dadka xeryaha barakaca ku ah oo aysan jirin meel uu hadda dhaqaale kale ka soo galo. Xeryaha oo biyo-yari ay ka jirto xilliga kuleylaha ayay ka warramaysaa sida ay ku helaan.  

”Karreeto niman wata oo iyagaba risaq u raadsanaa webiga ayaan kasoo dhaansadaa oo caag-caag ka helnaa. haddaad heshana toban shilin ku shubo, haddaad weydana oon baad ku joogi. Karreeto dhan ma iibsan karno tabaraan ku iibsannana ma lihin laakiin caag unbaan iibsannaa. Dad nool baan nahay, hadde, dad oo calal biyo gashanaa, haddaana dhaqanin maalinkas calal ilaa afar caag ka yar naguma filnaan karto”  

Haweenaydan waxay ka degganayd Beled-Xaawo guri uu qoyskeedu leeayahay waxayna noloshoodu ku tiirsanayd mushahar saygeedu ka qaadan jiray iskuul uu macalim ka ahaa.  

Magaalada oo weli la isku hor-fadhiyo ayaa saameyn ku yeelatay nolasha dadka iyadoo aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah taas oo dadka ku qasabtay in deegaanno kale ay maciiin bidaan.   

Marka laga tago qoysaska helay buushash ay ka degaan xerada waxaa iyana jira qoysas kale oo deggan bannaanka xeryaha. Maryan Cabdulaahi Sheekh oo ah hooyo leh lix carruur ah waxay kamid tahay qoysaska aanan helin meel ay degaan, iyadoo halkaas soo gaartay muddo saddex iyo toban cisho ah kahor bilowgii colaadda. 

Waxay sheegtay in carruurtu ay kaga xanuunsadeen halkaas sidaana ay halkan u doorbidday. Waxay kaloo sheegtay iney xeryaha ku haysataan baahi cunno, mid biyo iyo hoy la`aan.  

“Guriba kuma jirno, meeshaan xunta ahee darsooyinka ah ayaan ku jirnaa. kuwaan iyagaa na dhaamaba annagu wax sidaan ka daran baan ku jirnaa. Calalo ayay ka sameysan yihiin iyo geedo, anaa samaystay”. 

Maryan oo muddo 9 sano ah keligeed korsata carruurta waxay nolol maalmeedka ka heli jireen qudaar ay ku iibin jirtay suuqa degmada Beled-xaawo, waxaana dhaqaale ay ka aruursatay oo gaarayay $340 uu kaga baxay intii ay barakacaysay. Nolosha ay hadda xerada ku haystaan ayay nooga warrantay.  

”Maalin idil iyo habeenkeeda oon waxba karsanin, oo subaxda dambe islaamaha un wax noo keenaan ama haddii kale Ilaahay uun wax nasiinihaayo. Wax hay’ad iiga yimid, iyo wax walaal iiga imaaday toona ma arkin. Nolosha waan iska nool-nool nahay hadda. laakiin wax fiican oo aan ku nool nahay ma jiro  ”   

Axmed Maxamed Aadan oo ah horjoogaha baloogga sagaalaad ee xerada barakaca Kabaaso oo ah xero ay xilligan ku sugan yihiin in ka badan saddax boqol oo qoys oo u badan dadkii collaadda kasoo barakacay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inuusan jirin wax gargaar samafal ah oo lala soo gaaray qoysaska yimid.   

”Hadda kolleey qoysaska soo qaxay oo xeryahaan aan joogno ku sugan ilaa saddax boqol oo qoys wuu dhan yihiiy. Hase ahaatee nabad galyuu helay laakiin gargaar oo xag hay’adeed iyo xag maamulba kamuu helin. Aad buu dadkaa u dhibaateysan yahay, waa dad baahan, hoy haysanin, weel haysanin, biyo la’aan u sii dheer tahay. Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamka iyo maamulka inay gargaar la soo gaaraan wuxuu noqdaba.”   

 

Previous Post

Dabeyl shaqo-la’aan dhigtay kalluumeysatada Mudug

Next Post

Mudug: Maalgelin dayn ah oo la siiyay 120 haween ah oo deggan Bacaad-weyn

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Mudug: Maalgelin dayn ah oo la siiyay 120 haween ah oo deggan Bacaad-weyn

Mudug: Maalgelin dayn ah oo la siiyay 120 haween ah oo deggan Bacaad-weyn

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo