Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Doolow: Dadka deegaanka Ona oo sagaal bil oo biyo yari ah kaddib cabaya ceel soolar ku shaqeeya

Radio Ergo by Radio Ergo
February 19, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ka faa’iideysanaya biyo-gelin laga sameeyey Burtinle

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xabiibo Guure waxay ka mid tahay saddex boqol iyo toddobaatan iyo saddex qoys oo ku nool deegaanka Ona iyo baaddiyaha u dhow oo hoostaga degmada Doolow gobolka Gedo oo helay ceel ku shaqeeya tamarta cadceedda laga dhaliyo oo ay sameysay hay’adda Napad.

Dadkan oo iskugu jira xoolo-dhaqato iyo beeralay waxay horay u isticmaali jiray ceel ku shaqeeya matoor uu shadaal uga bixi jiray oo bamkii ka gubtay sagaal bil ka hor sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha Ona Ibraahim Hilowle Xuseen.

Xabiibo iyo qoysaska kale ayaa biyaha gaari dameer uga soo dhaansan jiray tuulo u jirta 2 km iyadoo fuustadii laga siin jiray nus doolar.

Haweenaydan oo iyadu biyaha u soo dhaamin jirtay qoyskeeda ayaa ka hadlaysa faa’iidada ay ku qabaan ceelkan  deegaankooda uu helay kaddib bilo ay biyo yari haysay.

“Biyaha faa’ido weyn baa noogu jirto markii hore shidaal ayay ahayd shidaalkan anaga ayaa gadaneynay marka hadda waa soolar soolarkana faa’ido weyn baan ku qabnaa in kastoo weli aan xaafadaha naloo geyn lacagtiina aad bay noogu yaraatay, bishii lix doolar baa naga bixi jirtay markii hore oomane ayay noqon jirtay shidaalka ayaa go’i jiray marka soolarka faa’ido weyn ayaan ku qabnaa.”

Xabiibo oo ah hooyada afar carruur, waa xoolo-dhaqato haysta 30 neef oo ari ah. Waxay sheegtay in intii uu deegaanku ceel la’aanta ahaa ay ariga geyn jirtay webiga oo ay ku hareeraysan yihiin beero ay leeyihiin qoysas kale.

Waxay xustay in saddex mar ay isku dhaceen iyada iyo dadka beeraha leh markii arigu uu daaqay beero ay dalagyo ku yaalleen goor ay webiga u geeyeen inay ka soo waraabiyaan.

Xabiibo ayaa intaas ku dartay in hadda ay xoolaheeda ku waraabsato biyaha ay ka soo dhaansato ceelka oo gurigeeda u jira dhowr iyo toban mitir islamarkaana ay ka raysatay dhibkii ay ku qabeen biyo la’aanta deegaankeeda. Waxay bishii oo dhan bixiyaan iyada iyo dadka kale ee Ona deggan lacag labo doolar ah.

Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda sameysay ceel ee Napad loo soo gaabiyo oo ka shaqeysa kaalmada nabadda iyo horumarinta ayaa sheegay in ka hor inta aysan howsha billaabin ay tageen deegaanka taas oo ay ku ogaadeen baahida biyo ee ay dadku qabeen.

“Baahida Ona waxaa laga soo gudbiyay wash cluster marka waxaa la yiri cid kasto oo wax ka qaban karto baahi biyood oo degdeg ayaa ka jirto, waxaan go’aansanay inaan tagno oo assisment ku samayno waxa la sheegayo inay jiraan iyo inaysan jirin aan soo xaqiijinno.’’

Ceel biyoodkan tamarta cadceedda ku shaqeynaya waxaa ku baxday lacag dhan 29,354 doolarka Mareykanka ah sida uu sheegay Maxamed. Wuxuu ka hadlayaa sida dadka deegaanka ay uga qeyb qaateen helista ceelkan waxayna dadka ceel biyoodkan iyo siday u ilaalin doonaan jiritaankiisa.

“Dadku waxay ugu qeyb qaateen in soolarka la siiyo baahidii iyaga oo ka jabaabayo waxay bixiyeen booskii ceelkana laga qodi lahaa solarkana laga dhisi lahaa. Qodobka labaad waxay ogoladeen in nin kasto oo beertiisa ay ku aaddo inuu u ogolaado wax in commission uusan ku xirin si bulshada biyo u helaan. Dhammaan dadka deegaanka way ka ilaashan doonaan biyaha sida tuugada iyo dadka xoola jirka oo kale inay iyagoo oomaan dhulka faagfaagaan markaas masaar iskaga dhufanayaan wey cabayaan biyihii oo daadanaya ayay iskaga tagayaan si waxaas oo dhan u dhicin waxay dhaheen ceelka laga bilaabo ilaa tiyoodka tuulada bulshada ayaa ilaalinaayo maalinkii iyo habeenkii .”

Guddoomiyaha deegaanka Ona Ibraahim Hilowle Xuseen ayaa sheegay in lacagta laga qaado dadka deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga oo aan badnayn loogu talagalay in lagu hagaajiyo tubbooyinka ceelka iyo farsamooyinka kale ee loo baahdo si aysan deegaanka mar kale ceel la’aan ugu dhicin.

Wuxuu intaa ku daray in deegaanku uu markii hore lahaa labo ceel oo marka labaduba ay hallaabeen markii ay duugmeen. Wuxuu Raadiyo Ergo u sharaxayaa dhibaatada dadku ay ku qabeen in deegaan kale ay biyo u doontaan.

“Waad dareemi kartaa markaa ay tuulada biyaha lahayn ay tuulo kale aaddo ama goobo kale aado. dhibka jiray wuxuu ah masaafo dheer oo la geli jiray, marka xigtana waxa inay noqdaan qofkii ama dhaanka ka xeeyay ama gaari dameerki inay adi mar walbo dhibaatada ugu weyn e taagan waxay ahayd biyo yari dhanka biyaha inay biyaha ciriiri galaan lagu xisaabtamo inay masaafo tahay lagu xisaabtamo dameerka ama gaari dameerka kareetada saaran uu Soo rafaado qofka uu Soo daalo biyaha kafil kafil ay noqdaan tuuladii biyaha may joogaan.”

Previous Post

Puntland: Inta badan carruurta deegaannada Puntland oo aan tegin goobaha waxbarashada

Next Post

Caabudwaaq: Diidista isticmaalka shilin Soomaaliga oo weli ay jirto saameynta ay ku yeelatay sarifleyaasha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Caabudwaaq: Diidista isticmaalka shilin Soomaaliga oo weli ay jirto saameynta ay ku yeelatay sarifleyaasha

Caabudwaaq: Diidista isticmaalka shilin Soomaaliga oo weli ay jirto saameynta ay ku yeelatay sarifleyaasha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo