Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland: Inta badan carruurta deegaannada Puntland oo aan tegin goobaha waxbarashada

Radio Ergo by Radio Ergo
February 15, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Howlo bani’aadannimo oo lagu xusuusan doono Hodan Naalaaye

Sawir/Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Maxamuud Daahir Aw-cali waa aabbaha toddobo carruur ah oo lix kamid ah caruurtiisa ay gaareen da’da waxbarashada. balse caruurtiisa weligood ma aadin Iskuul maaddaama uu ka soo jeedo qoys reer guuraa ah oo ku nool baadiyaha deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal.

Konton qoys oo reer guuraa ah ayaa ku nool deegaankan oo aan lahayn Iskuul. Maxamuud ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in ubadkiisu helo waxbarasho u dhow deegaankiisa, maaddaama uusan magaalada u guuri karin.

“Anagau reer baadiye ayaan nahay, reer baadiye magaalada lug kuma laha, ilama cid aan u geysano majirto, magaladana cidi nooma degana, waxaan lahayn in baadiyaha waxbarashada na loogu qabto oo dadka wax dhigi kara miyiga na loogu keeno,haddii manta dadku waxbarasho ii leeyahay wixii igu dhacay maba xasuusteen, haddii aan waxbarasho helno waan ku khasbanahay in meesha ilmaha wax nooga baranayo aan cududa saarno.” ayuu yiri.

Maxamuud oo ah xoola dhaqato wuxuu hadda baadiyaha ku dhaqdaa labaatan neef oo Ari ah, dhamaadkii sanadkii hore ee 2019 ayaa arigiisa oo ahaa 500 oo neef waxaa ka laayey duufaantii Pwan ee ku dhufatay qaybo kamid ah Puntland. Eheladiisa oo xoolo-dhaqato ah ayaa ku caawiyey labaatanka neef ee hadda uu haysto.

Maxamuud oo keliya maaha dadka aan haysan waxbarashada, hase ahaatee wasaaradda waxbarashada Puntland waxay todobaadkii hore shaacishay in boqolkiiba lixdan iyo laba dhibic shan (62.5% ) caruurta Puntland aysan waxbarasho helin, Wasaarada waxbarashada ayaa u sababaysay in dadka reer guuraaga ah aysan meel ku negaan oo marba meeshii roob ka da’o u guuraan taasina ay sababto in waxbarasho laga hirgelin kari waayo deegaanka.

Ballanqaadyo dhowr ah ayay samaysay dowladdu, waxaana wasiir-u-dowladaha wasaaradda waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble uu Raadiyo Ergo u sheegay in ay macallimiinta Qur’aanka ka dhiga baadiyaha tabarayaan inta lagu jiro sannadkan si ay carruurta u siiyaan waxbarashada asaasiga ah.

“Qofkasta oo da’dii Iskuulka gaarey waa noo tirsan yahay sidaas darteed dadka Puntland oo 75% reer miyi lagu tilmaamo, waxaan doonaynaa in ardayda ka maqan dugsiyada oo hadda aad u badan aan ogaanno xaalkooda, waxaan rabnaa in aan dib Iskuullada ugu soo celinno, meeshooda ugu tagno, waxaan rabnaa in aan reer miyiga gaadhno oo marka ay carruurtu Qur’aanka dhiganayaan waxbarashada kale loogu kabo, waxaan samaynaynaa macallimiinta aan tababarayno si ay maaddooyinka kale u bixiyaan meelaha looga baahdana u tagaan.” ayuu yiri.

Inta lagu jiro sannadkan ayay dowladdu ballan qaadday wax ka qabashada baahida waxbaarsho ee reer miyiga.Waxbarashada keliya ay helaan reer-guuraagu waa barashada Qur’aanka kariimka ah, taas oo aan meelkasta laga helin sida uu Ergo u sheegay Maxamuud Daahir. Wuxuu qabaa in sida ay barashada Qur’aanka ugu diraan ubadka ay Iskuulladana ugu diri lahaayeen haddii ay haystaan.

“Meeshii wadaaad lagu maqlo ayaa looxa loola cararaa oo salaadda laga soo bartaa, afar saac halloo socdo ama shan saac ama ka badan, marka haddii Iskuul la heli lahaana sidaas ayaa loogu cararilahaa, hadda waxa weeye shan saac baa meel wadaad joogo la aadaa oo caruurtu quraanka ku bartaan”. ayuu yiri.

Marka laga yimaaddo reer guuraaga aan fursad waxbarasho helin, ardayda magaalooyinka ayey wasaaraddu sheegtay inay sidoo kale ka haraan waxbarashada. iyagoo aan Iskuulka dhamaysan.

Duruufo nololeed oo la soo darsa qoysaska danyarta ah oo aan iska bixin karin lacagta Dugsiyada Sare ayay sheegtay wasaaraddu in ay sababaan ka tegista ardayda ee waxbarashada.

Previous Post

Ganacsiga cusbada Xinlabi oo billowday kaddib shan sano oo roob-yaridu saameysay

Next Post

Doolow: Dadka deegaanka Ona oo sagaal bil oo biyo yari ah kaddib cabaya ceel soolar ku shaqeeya

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Qoysas ka faa’iideysanaya biyo-gelin laga sameeyey Burtinle

Doolow: Dadka deegaanka Ona oo sagaal bil oo biyo yari ah kaddib cabaya ceel soolar ku shaqeeya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo