Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal qoys oo ku barakacay daadad ku dhuftay magaalada Xudur

Radio Ergo by Radio Ergo
November 11, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqollaal kun oo qof oo ku barakacday dadaad ku rogamaday xeryaha barakacayaasha ee Baydhabo

File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ayuuro Maxamed Kheyre waxay ka mid tahay kun iyo lix boqol oo qoys ayaa ka barakacday xaafadda Buulow ee Degmada Xudur kaddib markii roobab daadad xoogan wata ay ku dhifteen kowdii ilaa seddexdii bishan.

Waxay Raaadiyow Ergo u sheegtay in iyada carruurteeda ay guriga kala soo baxsadeed naftooda.

Qoyskeeda oo 10 ka kooban ayay sheegtay in ay degan yihiin goob qoysaska barakacay ay u soo guureen.

“Habeenkii isniinta ayaa annagoo hurdeyno biyo nasoo galay ka war helney, taleefono ayaan dirsanay si caruurta noogu la badbaadiyo. Nafteena ayaa la baxnay, guriyihii biyo ayaa dhax fadhiyo, waa dhibaato weyn,” ayay tiri Ayuro

Cabdulaahi Maxamuud Madkeer oo qoyskiisa ay ka kooban yihiin 12 ruux ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa ay dulsaar ku yihiin qoys kale oo ay qaraabo yihiin.

Wuxuu sheegey in 48 saac roob ku socdey islamarkaana daadka si tartiib tarbiib usoo galayay xaafadooda aakhirkii barakaceen.

Cabdulaahi ayaa sheegay in hadda caqabad ka haysato dhanka nolosha oo reerkiisa hal wakhti haddii ay helaan dabka shitaan.

Sidoo kale seddex ka mid carruurtiisa la jiifa cudurka duumada.

“Annaga roobka habeen iyo maalin ayuu nagu da’ayay, aniga gurigeyga wuu maran yahay wixii dhan daadka la tagay, masiibo tii ugu weyneyd ayaa nagu dhacdey,” ayuu yiri Cabdulaahi.

Qoysaskan barakacay ayaa xaalka ka sii xumaadey kaddib markii sicirka raashinka magaalada uu kor u kacay labadii todobaad uu u danbeeyey.

Magaalada Xudur ayaa waxaa ganacsiga baabuurta uga yimaanayaan magaalada Baladweyne oo daadad xoogan badan saameeyeen isbuucyadii la soo dhaafay.

Kiilada sokorta ayaa hadda uu qiimaheeda gaaray 25 kun oo shilinka Soomaaliga ah, barista iyo burka ayaa si la mid ah, sida uu Raadiyow Ergo u sheegey Nuur Raaxooy Maxamed.

“Laba kala daran ayaa nagu dhacday, barakac daad uu sababay iyo sicirkii rashiinka oo nagu qaaliyoobay, hoy la’aanta waxaa ka daran gaajada nagu hayso iyo lacag iyo shaqo la’aan,” ayuu tiri Maxamed.

Guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macalin Aadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in inta badan guryihii ku yallay xaafaddaas laga guuray oo ay haawinaayaan.

“Daadadka ayaa ka yimid meel bariga magaalada ah oo roobab ka da’een, habeen iyo maalin dadka oo ogayn ayay soo galeen,,mararka qaar iyadoo magaalada roob ka da’ayo ayaa daadkana imaadaa, marmarna daad keliya ayaa soo galo,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in biyaha daadka ay dumiyeen musqulihii xaafadda Buulow oo ah dhul hooseeya oo god ah ku yaalla.

“Walwalka ugu weyn waa qatar caafimaad la ma kala garanayo biyaha daadka iyo wasaqdii musqulaha, way isku furmeen, ceelashii biyaha halis ayay galeen, dhibaatadan oo kale waa wax nagu cusub,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 9-NOV-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 11-NOV-2019

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 11-NOV-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUN-2026

IDAACADDA 20-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo