Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo ka faa’iidaysanaya biyo-gelin laga sameeyay xeryo ku yaalla Baardheere

Radio Ergo by Radio Ergo
October 11, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ah oo ka faa’iidaysanaya biyo-gelin laga sameeyay xeryo ku yaalla Baardheere

Kaydka sawirrada/Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun iyo labo boqol iyo toddobaatan qoys oo barakac ku ah seddex xero oo ku yaalla duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa markii ugu horreysay 15-kii bishii hore loo sameeyay lix baraag iyo saddex haamood oo ay biyaha ka dhaansadaan.

Qoysaskan oo intooda badan xeryaha deggan tan iyo sannadkii 2016 kaddib markii ay abaaro uga soo barakceen deegaannadooda waxay biyaha ka heli jireen webiga Jubba oo xeryaha u jira 3km.

Waxaa mararka qaar ku dhacda inuu webigu biyo yareeyo taas oo ku qasbi jirtay inay cabaan biyo aan nadiif ahayn, sida uu sheegay Maxamuud saalax agaasimaha biyaha, fayo dhowrka iyo nadaafada ee hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay IOM. IOM ayaa baraagahan u sameeyay dadkan ku nool, xeryahan. Maxamuud wuxuu sheegay in arrintan ay ugu gol leeyahiin sidii dadka soo barakacay looga taageeri lahaa helitaanka biyo nadiif ah.

Ruqiya Xuseen oo deggan xerada Kaam-jirix waxay ka mid tahay qoysaska helay biyaha. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in maalintii 18-aad ay cabayso biyo nafiid ah oo xeradeeda loogu geeyay.

Guddi loo xilsaaray in ay qaybiyaan biyahan ayaa qoysaskiiba siiya 40 liitar oo biyo ah. Waxay xustay in biyahan ay keliya u isticmaalaan cabaal iyo inay cunnada ku karsadaan iyadoo biyaha ay dharka iyo alaabta ku dhaqdaan u doonta webiga.

Ruqiya oo qoyskeedu uu ka kooban yahay toddobo qof waxay ka mid ahayd qoysas ka soo barakacay abaar sannadkii 2017-kii ka dhacday deegaanka Faafaxdhuun ee govolka Gedo.

“Muddo ka badan ilaa labo sanno ayaan deganaa xeradan markii ay i dhaafeen xoolahii aan ku dhaqaneyay baadiyaha Faafacdhuun,nolosha baadiyaha inaan ku laabtana iima suura gelin xeradan  ayaan aniga iyo caruurteyda an ku nool nahay, marna waxbaa helnaa marna waxba ma helno, haddii aan kaaga waramo xaga isbedelka biyaha ilaah ayaa mahad leh ilaa bartamahii bishan biyo ayaan helnay, waan ka reysanay biyahii aan u doonan jirnay webiga,” ayay tiri Ruqiya oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay dhaqaale ka soo gala miis yar oo ay ku iibiso khudaarta oo uga furan yahay xerada gudaheeda.

Seynab Cabdi Aadan oo ka mid ah haweenka deggan xerada Horseed waxay ka faa’iiday biyahan ka faa’iiday laga hirgeliyay. Waxay sheegtay in ay ka mid ahayd qoysas shan sano ka hor ka soo barakacay miyaga tuulada Buusaar ee ka tirsan degmada Ceelwaaq kaddib markii xoolahii ay dhaqanayeen ay ku baaba’een abaartii xilligaas.

Seynab oo 49 sano jir ah wuxuu qoyskeedu ka kooban yahay ilaa 14 ruux. Waxay sheegtay in abaarta ay ku waysay boqol neef oo ari ah, soddon geel ah iyo toban neef oo lo’ah taas oo ku kaliftay in qoyskoodu ay degaan xero barakac. Waxay sheegtay in noloshoodu ay hadda ku tiirsan tahay $2 oo maalintii ay ka hesho qaadista qudaarta oo ay u sameyso dadka iibiyo.

Baraagahan waxay biyaha ka heli doonaan haamaha oo ka soo qaadaya matooro webiga tubbooyin lagu la xiriiriyay. waxaa haama lagu shubay biyo sifeeyaha koloriinka. Waxaa xero walba la siiyay haan iyo labo baraag oo biyaha kedinaya.

Cismaan Muuse oo ah guddoomiyaha xerada Horseed oo ay ku nool yihiin dad ka badan shan boqol oo qoys ay ka faa’iidaysanayaan biyaha loo sameeyay xerda taas oo rajo fiican u abuurtay. Wuxuu sheegay in hadda caqabadda haysata ay tahay in dadku ay saf dheer oo saacado qaata u galaan helista biyaha.

Maamulka iyo hay’adaha gobolka ayaa dhowr jeed isku dayay inay ceelal ay ka qodaan Baardheere iyagoo sheegay inaan lagama sameyn karin deegaannadaas iyadoo kuwa la qoday ay dhanaan noqdeen oo dadku aanay biyo ka cabi karin.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA JIMCO 11-OCT-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 12-OCT-2019

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 12-OCT-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo