Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Xaalad biyo yari oo ka taagan deegaanka Seemare

Radio Ergo by Radio Ergo
September 3, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Bay: Ceelal laga hirgeliyay tuulooyin biyo-la’aanta darteed looga barakici jiray abaar kasta

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaalad biyo yari ah ayaa muddo seddex toddobad ah ka taagan deegaanka Seemare oo qiyaastii 37 km Galbeedka uga beegan Degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Arrintan ayaa ka dambaysay kaddib markii ceelka riig ah oo ku yaalla deegaanka ay cillad dhankan bamka ah ay ku timid, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay guddoomiyaha deegaankaas Warsame Cimi Cumar.

“Ceelku waa ceel kalyaale oo mid lamaane ah ma leh, mida kale waxaa ku go’an birihii iyo bambkii oo ku furtay oo biyaha ku dhex dhacay, wax biyo ah oo ka imaanaya ma jiraan, Labaatan maalmood ayuu dansan yahay,” ayuu yiri Warsame.

Wuxuu sheegay Warsame in ceelka ay ku tiisanaayeen dad farabadan iyo xoolo.

“Waxaa dulsaarnaana waa nafle dad iyo xoolo leh, fuustada biyaha ah, waxaa dadka laga siiya $15, shilin Soomaali ah, booyaduna $300 oo doolar bay biyaha kaga keenta Jariiban, sababtoo ah gadiidka waa ku dhib in ay isticmaalan wadooyinka bacaadka ah ee deegaanka soo gala,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

1,300 oo qoys oo isugu jira xoolo-dhaqato iyo dad ku tiirsan ganacsiyo yar yar, isla markaana ku nool lix tuulo oo Seemare hoostaga ayaa si bilaash ah biyaha uga heli jiray ceelka. Baraagaha iyo waraha roobku uu biyo galiyo ayaa iyaguna qalalan.

Nadiifo Muxyidiin Xasan oo qoyskeedu ka kooban yahay 5 qof, muddada ka badan labaatanka maalmood ee ceelku cilladaysan yahay waxa ay ku tiirsanayd 24tii saacba 5 litar ama wax ka yar oo biyo ah oo ay ka hesho qoysaska deegaanka ee biyaha iibsankara.

Waxay xustay in qoysaska dagan Seemare badankood aysan iibsan karin biyaha laga keeno Degamada Jariiban, maadaama ay qaali yihiin. Waxaa ay sheegtay in dad isku tagay oo iskugu jira ganacsato iyo dad lacag helikara ay booyad biyo ah dalbadaan todobaadkiiba mar, kuwaas oo ay ka soo barido biyo ay cuno ku karsadaan

“Iguma filna biyahaas aan soo baryo waayo qof caagad la wareegaya oo biyo baryo ah raadinaya filnaansho ma heli karo. Waxaa ay ku hayn karto ayaa iska yar todoba-qaad biyo ah. Haddii aad wax ku karsatid, waxba ka soo hari maayaan, Waxaa igu daran mararka aan waayo biyo aan shaaxa ku karsado oo ilmaha oo ooynaya intaan ka tago iyaga oynaya aan ku soo laabto aniga oo caagadii aan biyaha ku doontay ku soo waayay,” ayay tiri Nadiifo.

Shan neef oo ari ah oo uga bad-baaday 100 neef oo abaarta ay ka dishay ayay ka soo saarata nolol maalmeedk carruurteeda, iyada oo caanaha ay ka listo oo dhan ku iibsa 40 kun oo shilin Soomaali ah.

Balse walwalka haya ayaa ah haraadka haya neefafka yar ee u haray oo aysan u awoodin in ay biyo u iibiso.

“Waxaa jira dad badan oo biyaha aan heli karin oo noloshooda ay cariiri ku jirto, biyahana ay ku adag yihiin, Waxaan nahay reer danyar ah oo aan heli karin wax biyo ay ku iibsadaan, Ganacsi ma lihin,” ayay tiri Nadiifo.

Gudoomiyaha Deegaanka Seemare Warsame Cilmi ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah qoysaska xoolo dhaqatada ah ee miyiga tuulada ku noola ay u barakaceen dhanka Jariiban. Balse waxa uu xusay in maamulkiisu uusan hayn tiro sax ah oo dadka barakacay ah.

Warsame ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda biyaha Puntland ee Baaso-wayn uu kala hadlay arrinta cilladda ceelka islamarkana 18 maalin ka hor ay balan qaadeen in bamka la iibin doono, Ceelkana la hagaajin doono balse wali balan qaadkaasi uusan fulin, Xaaladda bini’aadannimo ee deegaankuna ay kasii darayso.

Deegaanka Bacaadwayne oo 200 km Gaalkacyo u jira roobkii gu’ga iyo dayrtii ee ka horayay uusan si wanaagsan u helin taasi waxay horseeday in ceel gacmeedyadii ay biyo yareeyaan oo ay adkaatay in biyo dadka iyo xoolo deeqa laga helo.

Cali Xasan Farax waa aabbaha qoys 9 qof ah, duleedka Bacadwayne ayuu ku dhaqdaa 100 neef oo ari ah.

Waxa uu Raadiyow Ergo u sheegay in xaaladda biyo yari ay ka sii dartay markii roobkii u danbeeyay uu seegay halka dayrtiina aysan si wanaagsan u helin.

Marka qoyska iyo xoolaha uu ceelka keeno ayuu sheegay in maalin iyo habeen ay ku qaadato in uu biyo u helo, mararka qaarna uu dib u laabto isaga oo aan biyo u helin sababta oo ah ciriiriga dadka biyo doonka ah iyo biyaha oo yar.

“Boqolka neef waxaa dhacda in ceelasho oo dhan aad biyo uga waydo oo waqti badan ay kugu qaadato raadintooda, kalka danbe waxaa ku qasban tahay in aad ceelka aad qodo si aad biyo u hesho, maxaa yeelay waxaa ceelasha xabaala bacaad, ceelashu ma aha kuwa si fiican u qodan, bacaadna uu ugu darsamay, sadex ceel baad qodaysa si aad biyo u hesho, adiga oo gareetooyin iyo qalabka kale ee wax lagu qodo isticmaalaya, marka qoddid kadib waxaa ku qasban tahay in aad dhurtid taasi saacado badan kugu qaadanaysa,” ayuu yiri Cali

Gudoomiyaha Bacadwayne Axmed Daahir Cabdullahi ayaa sheegay in barakac uu ka dhashay xaaladan biyo yari ee taagan, xoolo dhaqatadana ay u guureen deegaannada ay biyo ka heli karaan, halka dadka deegaanka iyo xoolo dhaqatada safarka dheer galiwaayay ay deegaanka ku hareen.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 03-SEPT-2019

Next Post

Wiil naafo ah oo jaamacad dhameeyay kuna hamminaayo in uu u adeego bulshada

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Wiil naafo ah oo jaamacad dhameeyay kuna hamminaayo in uu u adeego bulshada

Wiil naafo ah oo jaamacad dhameeyay kuna hamminaayo in uu u adeego bulshada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo