Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Shaqo la’aan haysata dhallinyada ka qalinjabiya jaamacadaha Soomaaliya

Radio Ergo by Radio Ergo
September 27, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Shaqo

Gabdho iska diiwaangelinaya xafiis dadka u raadiyo shaqoyinka/Keydka Sawiradda/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dhallinyarada ka qalinjabinaysa jaamacadaha Soomaaliya ayaa tiradoodu kordhaysaa sanad kasta iyadoo celceliska heerka tirada dadka shaqada helaya ay aad u liidato. Sanadkan oo kaliya waxaa jaamacadaha ka baxay arday tiradooda ay tahay 14,971 arday, sida ay diiwan galisay hay’adda Iftin foundation oo ka shaqeeysa arrimaha waxbarashada.

Axmed Maxamuud Cali oo ah madaxa waxbaarshada Iftin foundation ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sanadkan ardayda qalinjabisay ay ka badan yihiin kuwii sanadkii hore jaamacadaha ka baxay.

“2018ka guud ahaan jamacadaha xogta ka helnay waa 54 jamacadooda tirada guud, sidoo kale jamacadahaas oo 54 ah muqdisho ha u badnadnaato laakiin waxay ku yallaan ilaa 16 magaalo oo guud ahaan Dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Axmed oo walaac ka muujinaayay heerka shaqo yari ee uu dalka wajahayo.

Sida uu sheegay Axmed, inta badan ardaydu waxay ka soo baxaan dhowr kulliyadood oo isku mid ah taas ciriiri ka sii dhigta suuqa shaqada islamarkaana yareysa dadka shaqada heli kara.

Ardayda sannadkan qalinjabisay waxaa kuliyadaha ay ka soo baxeen u badan maamulka ganacsiga oo ay ka soo baxeen 2,149 halka kuliyada caafimaadka ay dhammeeyeen 1,859, sidoo kale maamulka dadweynaha ayaa waxaa ka qalinjibiyay 1,859 arday.

Maxmed-deeq Cabdulaahi Ciise oo sanadkii 2017-kii ka qalinjibiyay jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho ayaysan u suurtagelin in uu helo shaqo ilaa hadda.

Maxamed oo bartay cilmiga injineeriyadda ayaa sheegay in kuliyadda uu soo bartay ay ahayd mid uu ilaa yarantiisa jeclaa inuu ku shaqeysto.

“Waxaan aad u xiiseen jiray injineerinka ama in aan waxyaabo soo hindiso, aniga aad ayaan uga fakiray, haddana xilligaas ma jirin project dadka qaas ah ay qataan, sida wadooyinka oo kale, waxaana ku rajawaynaa inaan ka qaybgalo dhismooyinka wadooyinka iyo qebahaasi waxyabaha la midka ah, ka dibna marka  aan dhammeenay jaamacada, waxaa soo baxeen in qandaraasyadda dad qaas ah ay qateen wadooyinkii iyo waxyaalihii anaga jecleen ama shaqada aan ka bilaabi lahayn,” ayuu Maxamed oo hadda ka walaacsan sida ay xaalladu tahay hadda.

Wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya uusan waqti kale ku bixin doonin shaqo raadin balse ay rajediisu tahay inuu sameysato ganacsi uu gaar u leeyahay.

Shaqo la’aanta dhallinyarada ku haysata waddanka waxay qaarkood ku hagtaa inay tahriibaan iyadoo ay meesha ka baxdo dedaalkii ay u galeen inay waxbartaan oo dhaqaale iyo waqtiba uu uga baxay.

Maxamed Mustafe Xaajii oo kamid ah aqoonyahanada soomaaliyeed ayaa sheegay in loo bahan yahay iskaashi badan ay ka sameyaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha daneeya arrimaha shaqo abuurka iyo shaqaalo siinta si loo abuuro loo wadadhan yahay.

Jaamacadaha dalka qaarkood ayaa aaminsan in culeeska dhallinyarada ka baxaya jaamacadaha ee xagga shaqada ay tahay mid jirta, si taasi looga gudbana waxay soo kordhiyeen sanadihii dambe kuliyada ay dhallinyaradu ay xirfado lagu barayo.

Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya (SIU) ayaa ka mid jaamacadaha qorshaynaya in ardayda ay baraan kuliyado marka ay suuqa shaqada tagaan aysan ku adkaan doonin shaqo helistu, sida uu sheegay Axmed Cabdi Haadi, madaxa arrimaha bulshada ee jamacada.

“Jaamacadaha siyaasado kala duwan ayay bilaabeen, anaga waxaan bilownay siyaasad ah in ardayda xirafadloyaal laga dhigo, oo xirafado loo diyaariyo inta ay jamacada dhigtaan, waxaan geynaa meelaha kala duwan kuliyaadka ay dhigtaan. Waxaan geynaa meelaha shaqooyinka lagu barto, xafiisyada dowladda iyo kuwa ganacsigana waan gaynaa. Kuwa dhaqaalaha rabana waan geynaa,”  ayuu yiri Axmed.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA JIMCO 27-SEPT–2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 30-SEPT–2019

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 30-SEPT–2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-FEB-2026

IDAACADDA 08-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo