Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Ganacsade dhaqaalo ka hela xulbadda

Radio Ergo by Radio Ergo
September 18, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Mohamed Yarow Ibrahim Maxamed Yarow Ibraahim oo ka ganacsada cabitaanka diinsaha/ Sawir hore/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Si uu uga kaaftoomo caawinaadda hay’addaha ayuu Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud waxaa uu bilaabay ganacsi aanan sidaa looga aqoon jirin xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Cabdiraxmaan oo ka mid ah shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee ganacsigan ayaa waxaa uu cabitaan ka sameeyaa Xulbadda.

Miraha xulbadda oo ah kuwa lagu aqoon jiray in loo isticmaallo min-daawaadka ayaa uu Cabdiraxmaan waxaa uu u baddalay ganacsi uu ka soo saarto masruufka qoyskiisa. Miraha ayuu tummaa ka hor inta uusan biyo iyo sokor ku darin si uu uga iibiyo macaamiishiisa.

Xulbadda ayaa ah mid la cabbo oo loo isticmaallo in la is kaga daweeyo cudurro dhowr ah sida laabjeexa, calool-xiranka, cudurka macaanka, buurida xad-dhaafka ah iyo weliba in caloosha lagu socodsiiyo. Maxamuud oo ku noolaa xerada Xagardheer tan iyo 2008 ayaa hadda ganacsigan ka helo lacag dhan 450 doolar. Qoyska Maxamuud ayaa ah kuwa hadda awooda in ay seddex mar maalinkii wax karsadaan.

“Waan ku qanacsannahay faa’iidada aan ka helo ganacsigan. Iyada ayaa ah midda kaliya ee ay qoyskaygu ku tiirsan yihiin. Cabitaankan waxaan ku diyaariyaa tarmuusyada barafka kadibna waxaan ka iibshaa macaamiishayda,” ayuu yiri Maxamuud oo la hadlay weriyaha Radio Ergo mar uu goobtiisa ku booqday.

Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka kale ee xeryaha in ay isku dayaan in ay shaqaystaan oo ay ka maarmaan gacan kale.

Maxamuud oo aabbe 11 carruur ah ayaa gurigiisa ka soo ambabaxa inta uusan weli waagu beryin, wuxuuna yimaadaa goobtiisa shaqo si uu u sii diyaariyo cabitaanka xulbadda oo dadka ka iibsadaa jecel-yihiin sida uu sheegay in ay cabbaan aroorta hore markii ay soo galaan shaqooyinkooda.

“Aad iyo aad dulqaad bay u baahantahay, caqabado badan iyo dhibaatooyin badan ayay leedahay, adkaysi bay u baahan tahay, inaad ka shaqeyso oo habeenkii diyaariso oo subaxdii iyada oo diyaara ah la timaado oo aad maalinkii wareeg ku darto oo orod aad ku darto, waxyaabo badan bay u baahan tahay, iska shaqee ma ahan, nin adkaysi badan uun baa ka shaqayn kara,” ayuu yiri Maxamuud.

In kastoo oo uu ka ganacsiga xulbadda uu bilaabay sanadkii 2017, Maxamuud wuxuu ganacsigiisa kobcay bilihii u dambeeyay kadib markii uu bilaabay in uu xulbadda uu macaamiishiisa goobahooda ugu geeyo. Maxamuud waxaa la shaqeeyo wiil yar uu bishii mushaar ahaan u siiyo $200.

Inta uusan bilaabin ganacsigan Maxamuud wuxuu ka shaqayn jiray maqaayad, halkaas oo uu bishii ka heli jiray $75, taa oo aan ku filnaan jirin qoyskiisa.

“In badan baan dad u shaqaynayay, waxaan arkay in ay dhibaato badan tahay oo wakhti lagu qabanaayo, adiga na banii’aadam ayaad tahay oo aad ka soo daahi karta oo waa lagugu qaylinayo marwalba oo caqabad iyo dhibaato aad kala kulmayso, markaa waxaan ku fekeray in aan abuuro Xirfad  aan ku shaqeysto keligay oo aan nolol-maalmeedkaygaka deberto,” ayuu yiri Maxamuud.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 17-SEPT-2019

Next Post

Muqdisho: Gabar UK uga timid xanaanaynta agoonta

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Muqdisho: Gabar UK uga timid xanaanaynta agoonta

Muqdisho: Gabar UK uga timid xanaanaynta agoonta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo