Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato hore oo la baray sida loo abuurto beeraha dedan

Radio Ergo by Radio Ergo
August 7, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Garoowe: Beeralayda Jibagaale oo tamarta cadceedda uga faa’iidaysanaya waraabka

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ilaa 40 qoys oo ah xoolo-dhaqato ku cayroobay abaarihii 2016-2017 oo hadda ku nool xero barakac oo ku taalla deegaanka Ballimataan oo Hargeysa 85KM dhinaca koonfureed kaga beegan ayaa bishan Agoosto ka faa’iiday dalagyo uga soo go’ay beeraha dedan (green house) ay muddo laba bilood ka hore ay ku abuureen duleedka xerada.

Dalagyada ay beereen ayaa waxaa ka mid ah saladka, yaanyada, kabashka, khajiga iyo barbarooni.  Beeralaydan ayaa todobaadkan waxaa u soo go’ay yaanyo iyo salad gaaraya ilaa 60 kiilo.

Beertan oo cabirkeedu uu gaaraya 250 mitir oo dhirir ah iyo 150 mitir waxaa dadkan ku caawiyay dhalinyaro ka soo jeeda deegaanka Ballimataan oo ku nool gudaha dalka iyo dalka dibadiisa iyo Hay’ada DRC.

Diiriye Xuseen Jaamac, guddoomiyaha ururka horumarinta barakacayaasha Balliamataan ee Baabuu ayaa sheegay in loogu talogalay in dadka ay noqdaan kuwa isku filan oo ka maarma gargaarrada hay’addaha.

“Beertan waxaan ugu talagalnay dadka ay xoolaha ka dhamaadeen oo halkan mudada sanadaha ah dagannaa, ahmiyada ugu wayn ee aan sidaan u sameenay na waa in dadkaan ay noqdaan dad iskood u istaaga oo nolashooda ku filan tahay,“ ayuu yiri Diiriye.

Biyaha waxaa ay beertu ka heshaa laba baraagood oo biyaha roobku galaan iyo ceel riig ah oo la qoday bishii April ee sanadkan.

Diiriye ayaa xusay in qoysaskani tababar loo bilaabay oo uu wali u socda.

Cali Maxamuud Liibaan oo ku nool xerada barakaca ee Ballimataan kana ka mid ah dadka la siiyay beerta ayaa si maalin ah u waraabiyaa dalagyada.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay falashada beerta, waxaan wax lasiisto lahayn xirfada cusub ee aan baranay anaga oo nolasheena danbe ina anfacaysa,“ ayuu yiri Cali oo ku xoola beelay abeertii dalka ku dhufatay 2017.

“Nolasha beer falashada iyo xoola-dhaqasha runtii aad ayay u kala duwan yihiin, beer falashadana hada nolasheena ayay wax weyn ka badalaysaa aniga iyo bahdaan ka mid ahayba,“ ayuu yiri Cali

Muddada labada bilood ah waxaa dadkan beerta la siiyay u socday tababar lagu barayo qaabka beeraha casriga ah loo beero, sida cayayaanka looga dilo, loo waraabiyo iyo habka carrada loo kala rogo.

Daahir Cismaan Cabdilaahi wuxuu ka mid yahay dadka la siiyay beerta waxaa uu halkan yimid sanadkii 2016 kadib markii xoolihiisa abaarta ka leysay.

Lix bilood oo tababarka ah kaddib waxaa uu qorsheesan in uu beertiisa kobciyo.

Faadumo Cabdisalaan Cabdullaahi oo ka mid ah howl-wadeennada Golaha Qaxootiga ee Dermark (DRC) ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in caawimaad dhaqaale-wadaag ah ay hay’addooda iyo urur ay leeyihiin qurbajoogta iska kaashadeen si loo caawiyo xoolo-dhaqatada ay abaartu saamaysay si ay xirfad uga dhigtaan beero-falashada. Waxay xustay in ay jiri doonaan afar beer oo kale oo dadkaas loo sameyn doono.

Mashruucan ayaa sida ay tilmaantay dadkan uga wada shaqeyn doonaan qaab iskaashato beeraley ah si u kobciyaan dhaqaaalahooda iyo faa’iidada ka soo galeysa beerta. Waxa ka soo go’a beerta ayaa boqolkiiba hal waxay qoysaskan soo barakacay ku taageeri doonaan dadka deegaanka ee saboolka ah.

 

 

Previous Post

Sanaag: Xoolo-dhaqato barakac ah oo aan haysan cad iyo caano

Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 8-AUG-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 8-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo