Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sanaag: Xoolo-dhaqato barakac ah oo aan haysan cad iyo caano

Radio Ergo by Radio Ergo
August 7, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
700 boqol oo qoys oo abaaraha ku soo cayrtoobay oo tegey Ceelberde

Sawir keydka/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Barnaamijka xeryaha ayaa todobaadkan laga soo diyaariyay mid ka mid xeryaha ku yalla gobolka Sanaag. Weriyaha Raadiyow Ergo ayaa warbixintan ku eegaya dad reer miyi hore ahaa oo ku soo barakacay gobolka. Dadkan ayaa hadda ku nool xero u dhaw magaalada Xingalool. Dadkan ma haystaan wax gargaar ama caawinaad ah oo aanan ka ahayn taakulayn ay ka helaan qaraabadooda. 

Shamis Caydiid Warsame oo saddex sano ka hor ay xooleheedii abaaro ka dhameeyeen ayaa ilaa hadda waxaa ay wajahaysaa caqabado dhanka nolosha ah.

Iyada iyo 74 qoys oo kale oo ah reer miyiga ka soo barakacay deegaanno ku yaalla bariga gobolka Sanaag waxaa ay ku nool yihiin xero barakac oo ku yaalla deegaanka Sibbaaye.

Dadka ayaa markii hore u yimaaday halkan in ka helaan biyo balse hadda ay u noqotay deegaan ay ku noolaadaan.

Shamis waxaa ay ka mid ahayd hantiilayaasa reer guuraaga ah in aysan abaartu ka laayn xoolaheeda oo gaarayay 300 oo neef oo adhi ah iyo 30 geel ah balse hadda ay uga soo hareen 12 neef oo ari ah  iyo laba halaad oo geel ah, kuwaas oo ay u gaysay qoys oo ay qaraabo yihiin.

Waxaa ay rajaynaysay in ay tuulada ka hesho adeegyada asaasiga ah ee nolosha balse waxba kama aysan helin.

“Meeshan wax shaqo abuur ah ma laha, dugsi ma leh, dhagax ma dhisan karno, waxaan u baahnnahay waxtar; biyo iyo caafimaad, meeshan biyaheedu waa biyo adag haddii aan helno booyad qof xigta ah oo nagu qora deyn ayaan uga qaadanaa, biyaha adag ee halkan lama cabbi karo oo caruurta ayaa nagaga shubanta,”. ayay tiri Shamis oo haysata 7 caruur ah.

Qoyska Shamis waxaa ay hadda ku tiirsan yihiin hadba caawimaadda uga timaadda dad ehelkeeda ah oo isla gobolka ku sugan.

Deegaanka hal dugsi oo keliya oo hoose ayaa ku yaal, kaasi oo ay dhigtaan ilaa 40 arday, iyada oo ardaygiiba laga qaado afar dollar.

Shamis waxaa ay tilmaantay in ay markii ay deegaanka soo degeen ay dugsiga u dirtay afar cunug oo ay dhashay balse dhowr jeer oo loo soo diray lacagta Iskuul in ay awoodi wayday oo ay carruurteeda ka joojisay aadista iskuulka.

Inkasta oo barakacayaashan ay ku nool yihiin tuulo miyi ku taal oo aysan suurogal ahayn in ay fursado shaqo abuur helaan haddana waxaa jira qaar meherado shaah nolosha qoyskooda ku maareeya, sida Faadumo Gaanni oo qoyskeeda uu ka kooban yahay 8 qof.

Faadumo afar ka mid ah carruurteeda ayaa dugsiga deegaanka dhigta. Nolosha qoysk, lacagta waxbarashada caruurteeda iyo howlaha kale ee qoyskaba waxaa ay ku maareysaa dhaqaalaha ka soo gala mehradan.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa naawilaya in ay mar un dib ugu laabtaan miyigii iyo noloshii ay yaqaaneen haddii ay helaan taakulayn, sida uu Ergo u sheegay Cabdulqaadir Faarax Maxamuud oo ka mid ah dadkaas.

“Miyigii xoolo aan ugu laabto ma haysto dhulku waa naq laakiin, maxaa noo daaqayaba, shaqadii aan naqaanay ee xoolaha ayaan jeclaan lahaa,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

14 neef oo ari ah ayaa Cabdulqaadir uga soo doogtay 200 ari ah oo uu lahaa.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO 7-AUG-2019

Next Post

Xoolo-dhaqato hore oo la baray sida loo abuurto beeraha dedan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Garoowe: Beeralayda Jibagaale oo tamarta cadceedda uga faa’iidaysanaya waraabka

Xoolo-dhaqato hore oo la baray sida loo abuurto beeraha dedan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo