Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Warshad saabuunta samaysa oo laga hirgeliyay Kismaayo

Radio Ergo by Radio Ergo
August 29, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Warshad saabuunta samaysa oo laga hirgeliyay Kismaayo

Warshadda Saabuunta ee Wanaag/Axmed Cadulaahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shucayb Barre Cilmi waxaa uu ka mid yahay dadka shaqo abuurka ka helay warshad soo saarta saabuun marista oo laga hirgeliyay magaalada Kismaayo bishan.Waxaa uu hadda qaabilsan yahay nadaafadda xarunta iyo diyaarinta agab-ka wax lagu qasso.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu hadda ku shaqeeyo lacag dhan $150 dollar,oo uu ku maareeyo nolasha qoyskiisa oo ka kooban siddeed qof.

“Mushahar joogta ayaan helay, reerka Raashin ayaan u soo qaadanayaa  oo aan walwal lahayn , dukaamadii waa i aaminayaan oo daynta ayaan ka soo qadaanaya, meeshaas ayaan ka shaqeeya ee igu simma reerka oo raashin u soo dhiiba ayaan leeyahay,” ayuu yiri Shuceyb oo labo sano ka hor ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab..

Shuceyb ayaa horay ugu shaqayn jiray gaari gacan kaas oo suuqa kaga xaamalan jiray balse waxaa uu sheegay shaqadda gaadhi gacanka ay tahay shaqo aan si joogta ah.

Shan dhalinyaro ah ayaa bilaabay fikraddan ganacsi ee warshad soo saarta saabuunta marista ee dharka lagu dhaqo, sida uu Raadiyow ergo sheegay Xassan Aadan Cabdi oo ah maamullaha Warshadda Samaysa Saabuunta Wanaag Soap.

Warshadaan ayaa wax soo saarkeeda bilowday 19kii bishaan waxaana maalintii ay soo saartaa 37 Kartoon. Xassan ayaa sheegay in warshadaan ay tahay middii ugu horaysay ee nooceedda ah ee laga hirgaliyo  Kismaayo.Waxaa uu intaas raaciyay in ay iibiyeen 120 kartoon oo saabuun ah tan iyo markii ay warshada shaqada bilawday.

. Ganacsigaan ayaa waxaa dhalinyaradaan u maagalisay hay’adda ARC oo dhaqaale ka helaysa hay’adda Sileacht oo fadhigeedu yahay dalka Qadar,waxaana mashruucaan oo la bilaabey bishii sagaalad ee sanadkii aan soo dhaafnay ee 2018  loogu talagalay in uu shaqooyin u abuuro ilaa 3000  dhalinyaro ah .

Warshadaan ayaa waxaa ay shaqo abuur u Samaysay ilaa 12 qof oo shan ka midda ay yihiin dumar kuwaa oo ka imaaday qoysaska danyarta ah ee xaafadda midnimo oo ah goobta ay ku taalla warshadda.

Maamullaha Shirkadda Wanaag Soap ayaa sheegay in waxyaabaha kiimikadda ah iyo dareerayaasha kale ee laga sameeyo saabuunta ay uga yimaadaan dalka Kenya.

Madaxa xafiiska maalgalinta ee hay’adda ARC, Cabdulaahi Xasan Cali ayaa sheegay in dhalinyaradan ay buuxiyeen shuruudihii lagu maalgalinaayay dadka.

Cabdulaahi ayaa intaa ku daray in dhalinyaradan hal abuurka ganacsi ee ay la imaadeen loogu maalgaliyay lacag dhan $7250 dollar.

“Shuruudaha waxaa ay ahayd in dhalinyarada u dhaxaysa 18 ilaa 35 loo sameeyo maalgaliyo, sidaa awgeed waxaan aragnay dhalinyaradan in ay ku jiraan shurudihii loogu talla galay in ay buxiyaan in ay buxiyeen, haddii la arko in ay shaqaysan karana waxaa laga yaaba in wax loogu darro,” ayaa yiri Cabdulaahi.

Previous Post

Tirada gabdhaha ka qalinjibiya jaamacadaha Muqdisho oo korortay

Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE-30-AUG-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE-30-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo