Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Tirada gabdhaha ka qalinjibiya jaamacadaha Muqdisho oo korortay

Radio Ergo by Radio Ergo
August 29, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Hargeysa: Shir weynaha haweenka Somaliland oo maanta la qabtay

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Bilan  Cabdulaahi Maxamed waxaa ay ka mid tahay in ka badan 200 oo gabdho ah oo ka qalinjibiyay mid ka mid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Waxaa ay baratay Caafimaadka bulshada oo ay dhiganaysay muddo afar sanno ah, iyadoo u dhabar adeegtay dhibaatooyin soo maray. Iyada oo yar ayuu abbaheed geeriyooday balse taa caqabad kuma aysan noqon waxbarashadeeda sababtoo ah hooyadeed ayaa dhabarka u xiratay. Bilan xilligii ay waxbarashada ku jirtay ayay walaalaheed wada tahriibeen balse iyadu hammigeedu wuxuu ahaa in ay dhamaysato waxbarashaeeda.

“Reerkeena gabdhaheena inta badan waa wada tahriibeen, walaalahay kalena Kenya ayay joogaan, anigaa xamar u joogay, anigaa wax u bartay. Aniga waxaan jeclaa inaan dhammeeyo jaamacadda heerkaas ayaan isla jeclaa inaan gaaro,” ayay tiri Bilan.

Caqabadaha soo wajahay intii ay waxbarashada ku jritay waxaa ugu darnaa xilliyada wadooyinka Muqdisho la xiro taa oo marar ka qaar saamayn ku yeelan jirtay waxbarashadeeda.

“Marka uu imtixaanka yimaado oo kale, wadooyinka oo xiran, imtixaankii aad ka soo daahday, iridka ayaa laga xiran karaa, adiga oo manta dhan soo lugaynaayay ayaa waxaa lagu leeyahay imtixaan ma galeesid,” ayay tiri Bilan oo sharxaysay dhibkii ay ka soo martay waxbarashadeeda.

Sidaa oo kale waxaa iyana gabdhaha qalinjibiyay ka mid ah Safiya Axmed Shire oo ka mid ahayd 46 arday oo dhameeyay kulliyadda caafimaadka guud iyo qaalinka. Safiyo waxaa dhiirigeliyay hooyadeed oo ku dadaashay in ay dhamaysato waxbarashadeeda.

Xilliyada ay wadooyinka xiran yihiin, Safiyo waxay ka soo lugayn jirtay Km4 ilaa jaamacadeeda oo ku taallo Xamarwayne.

“ Horta ma sahlaneen, mararka qaar waxaad arkaysaa xilli kuleel ay tahay, wadadii oo xiran, lambar afar illaa xamar-weyne ayaan kugayn jirnay. Xilliga iskuulka ayay u darnayd adoo gaajeesan, duhur tahay mararka qaar, waxaad isleedahay waxaan adeeg waye, haddana waxaad is xasuusineysaa hadaf ayaad leedahay hore u soco,” ayay tiri Safiyo.

Safiya Axmed waxa ay ku faraxsantahay tirada gabdhaha kala gudbay heerka koowaad ee jaamacadda dhabar adeeg lix sano ah ayay  ku soo jureen.

“ Waxaa saaciday aan u malaynaa in la sii fahmaayo waxbarshada in hormar lagu gaarayo, haddii uu qofka waxbrato uu shaqaysan karo iyo in ay gabadha isku kalsoonaato oo qof kale aysan ku tiirsanaan hadhow,” ayay tiri Safiyo.

Guud ahaan Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya waxaa ka gudbay heerka koowaad ee jamacadda sanad dugsiyeedkan 2018-2019, 530 oo 231 ay gabdho yihiin, sida uu Raadiyow Ergo Axmed Cabdi Haadi oo madaxa xiriirka Bulshada jaamacadda SIU.

“Labka iyo Dhedigga waa isku dhawyihiin tiro ahaan, waxaan rabaa inaan kuu sheego sanadadaan dambe waxbarashada gabdhaha xoog ayey usoo badaneysaa. Fasal kasta oo SIU kamid ah ama kulliyad walbo oo SIU ka mid ah kaalimaha gabdho ayaa ugu sareeya  marka sanadka la is abaal marinayo,” ayuu yiri Axmed.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 29-AUG-2019

Next Post

Warshad saabuunta samaysa oo laga hirgeliyay Kismaayo

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Warshad saabuunta samaysa oo laga hirgeliyay Kismaayo

Warshad saabuunta samaysa oo laga hirgeliyay Kismaayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo