Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gabar kaalinta 1aad ka gashay imtixaanaadka dugsiyada dhexe ee Jubbaland

Radio Ergo by Radio Ergo
August 2, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Caqabadaha gabdhaha ka haysta waxbarashada

sawir kayd /Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ikraan Abdiasiis Cumar oo 16 sano jir waxaa ay kaalinta koowaad ka gashay imtixaanaadka fasalka siddeedaad ee dugsiyada dhexe ee maamulka Jubbaland oo natiijadooda la shaaciyay toddobaadkii hore oo ay u fariisteen oo1837 arday.

Ikraan oo dhiganaysay Iskuulka Gogol ee hoose iyo dhexe ee degmadda Garbahaarey waxaa ay keentay 640 dhicood oo ah wadarta guud ee maaddooyinkeeda taa oo ahayd in ka yar 60 wadarka-guud ee imtixaanka oo ah 700 dhibcood.

Inantan oo la hadashay Raadiyow Ergo ayaa sheegtay in waqtigeeda badan inta badan ay ku bixin jirtay wax akhris oo ay saaxiib la ahayd bugaagteedda.

“Aniga maaddaama aan gabadh ahaa, aniga ciddeennaan wax ku akhrisan jiray, subaxii toban saac oo kale waan soo kaci jiray, casharadda waan muraajacaysan jiray, iskuulka markaan tago waqtiga break-ga oo kale ee ardayda ay soo baxaan, aniga casharka halkaas ayaan ku akhrisan jiray, maaddada markaas ama  igu hoosaysa, ama aan leeyahay xooga way ku dhiman tahay, macalinka markaas maadada dhiga ayaan ka codsan jiray in uu jaanis isiiyo, oo casharka ii muraajaceeyo” ayay Ikraan oo sharxaysay dedaalkii dheeraa ee ay ku bixisay waxbarashadeeda.

Ikraan oo ah curadka qoyska waxaa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in guriga ay ka qaban jiray howlo badan balse taa aysan ka mashquulin howlaheeda waxbarasho.

“Aniga jadwal baan lahaa, waqti aan ku nasto, waqti aan casharadda akhriyo iyo waqti aan guriga shaqadisa qabto, aad bay igu fududay, wax culaysa ah iguma haynin in aan wax akhristo,shaqadda gurigana aan qabto,” ayay tiri Ikraan oo ku hamminayso in ay mustaqbalka noqoto dhaqtarad.

Farax Cabdi Xassan waa hooyada dhashay Ikraan Cabdicasiis waxaa ay sheegtay in Ikraan ay ahayd qof waxbarashadda Jecel ilaa yaranteedii.

“Iskuuladka markii la geeyey kaalinta kama dhici jirin inta badan, waxaa ay ahayd dadka inta badan dadaala, marka dadaalkeeda aad ayuu u sareeyay,” ayay tiri Farax oo ku dadaali jirtay in Ikraan iyo seddex kale oo dhigta iskuulka ay lacag dhan $30 bil kasta.

Cabdirisaaq Ibraahim Mohamed oo ah maamulaha Iskuulka hoose dhexe ee Gogol ee degmadda Garbahaarey oo ay Ikraan ka qalin-jibisay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in Iskuulkoodda ay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka sideedaad ee dugsigga dhexe ay u fadhiisteen 43 arday oo 21 gabadho yihiin.

Maamulaha ayaa sheegay in Ikraan Cabdiasiis Cumar oo ah gabadha kaalinta ka gashay imtixaanka ay waxbarashadeeda ka bilowday Iskuulka Gogol, ayna ahayd gabadh fasalka ay dhigato mar walba kaalinta kowaad iyo labaad ka gali jirtay imtixaanka oo ay aad ugu fiicnayd waxbarashadda .

“Waxyaabaha ardayda ay kaga duwanayd waxaa ka mid ah, inta badan ardayda macalimiinta wax su’aala ayay ahayd, macalinka kama bixi jirin inta badan  ilaa casharka fahamsiiyo, oo su’aalihii marka iyada ah mugdiga uga jiray loo cadeeyo. qof waxaa ay ahayd markaa ku  fiican ka qayb qadashada casharka, waxaa ay ku fiicnayd sidoo kale marka loo diro layliga ama shaqo guri way ku fiicnayd,’’ ayuu maamulaha.

Tobankii arday ee ugu sareeyey imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyadda dhexe ayaa lix ka mida waxaa ay ahaayeen gabadho, waana sanadkii ugu badnaa ee gabadho tiradaas ah ay galaan kaalmahaas, iyadoo tirada guud ee imtaaxka gashay ay gabdho ka ahaayeen 693.

Gabadhaha kale ee kaalimha hore galay ayaa waxaa ka mid ahaa Fatxi Mohamed Kadiye oo dhiganaysay iskuulka Al-Anwar ee degmadda Garbahaarey. Caasha Ahmed Aadan oo iyana ka socotay iskuulka Faanoolle ay gashay kaalinta lixaad halka kaalinta todobaadna waxaa isla qabsaday labo gabadhood oo lagu kala magacaabo Nasteexo Abdi iyo Caasha Maxamed Xussien oo kala Socda Iskuulladda Al-furqaan ee degmada Baardheere iyo Iskuulka Barwaaqo ee magaalada Kismaayo. Kaalinta Sagaaladna waxaa gashay Khadra Xussien Aadan oo ka socotay iskuulka Jubba ee magaalada Kismaayo.

Gabadhaha Sanadkii hore u fadhiistay imtixaanka ayaa gaadhya ilaa 435 gabadh halka sanadkaan ay gabadhuhu yihiin 693 gabdhood taas oo aad uga badan tiradii sanadkii hore.

Cabdullahi Sahal Cige oo Madax waxbarashadda ee degmadda Kismaayo oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in Ardayda kaalimaha hore galay ay wasaaradda waxbarashadu u qorshaynayso in lacag la’aan looga dhigo waxbarashadda dugsiga sarre maaddama ay horay waalidkood u bixin jireen lacagta waxbarashadda.

 

 

Previous Post

Ganacsato ka faa’iidaystay nalalka cadceedda ku shaqeeya oo laga hirgeliyay Matabaan

Next Post

Umuliso soddon sano ku shaqeynaysay mushahar la’aan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Umuliso soddon sano ku shaqeynaysay mushahar la’aan

Umuliso soddon sano ku shaqeynaysay mushahar la’aan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo