Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Umuliso soddon sano ku shaqeynaysay mushahar la’aan

Radio Ergo by Radio Ergo
August 2, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Umuliso soddon sano ku shaqeynaysay mushahar la’aan

Saynab Cabdi Warsame oo ah kalkaaliso muddo 30 sano ku shaqaynaysay mutadawacnimo/ Maxamed Saalah/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saynab Cabdi Warsame waxaa ay si mutadawacnimo ah magaalada Xingalol ee gobolka Sanaag uga shaqeysaa gargaarka hooyada iyo dhalaanka muddo soddon sano, iyadoo isxilqaanka caafimaad bilowday 1988-kii kaddib markii ay ka baratay machad caafimaad oo ku yaallay degmada Buraan ee isla gobolka Sanaag.

Dadka caafimaadka yaqaan oo yaraa iyo carruurta iyo haweenka oo dhibaato kala kulmi jiray dhakhaatiir-yaraanta ayaa Saynab ku kallifay barashada caafimaadka sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay.

“Hooyada iyo carruurta siiba dadka nugul, kuwa laga tirada badan yahay, barakacayaasha dadkaas jilicsan ayaan u adeegaa, haddana si bilaash ah ayaan ugu shaqeeyaa xaruntana si mutadawacnimo ayaan uga howlgalna,” ayay tiri Saynab.

Saynab Cabdi oo ah hooyo saddex caruur ah haysto ayaa hadda ahmadaxa xarunta hooyada iyo dhalaanka ee Xingalool oo ay ka howlgalaan 11 shaqaalo caafimaad oo hadda ku shaqeeyo si mutadawacnimo ah.

“Haddii aan la kulmo hooyo dhiban xarunta ayaan geeyaa halkaas oo daryeel laga heli karo, beryihii hore baabuur ma jirin hooyo dhiig baxaysa ayaad gaadhi u waayeysaa, waxyaabahaas ayaan xasuustaa haddase waxkastaa fudeyd. Markasta oo aan jaanis helo laba saacid baan aadaa dadka dhibban waan dhex maraa, xarumaha caafimaadka taga ayaan dhahaa, wixii aan qaban karo waan qabtaa wixii kalena xarunta ayaan u diraa,” ayay tiri Saynab oo lix saacadood oo ay xarunta ka howlgasho kaddib kormeer ku dhexmarta danyarta aan gaadhi karin xarumaha caafimaadka.

Saynab ayaa tilmaamtay in ay aasaastay urur ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah haweenka deegaanka si ay wacyigelin ugu sameeyaan haweenka kale.

Inkastoo aysan xasuusan tirada saxda ah ee haweenka ay u umulisay si mutadawacnnimo, haddana waxaa jira gabdho ay hooyadood ka umulisay markii ay dhalanayeen haddana ay iyaga ka umulisay waliba si mutadawacnimo ah.

“Howl muhiima ayay haysaa eddo Saynab, waqti dheer ayayna haysay oo dadka hadda aysan qaban karin, dadka hadda lacag uun bay doonaan bilaashba ma jecla, waan u abaal gudi, hooyaday ayay iga qabatay (iga dhalisay), ilmahaygii curadkana way qabatay abaal weyn ayay igu leedahay mana ilaawayo,” ayay tiri Aaamina Axmed Cabdirisaaq oo ah jiilkii Saynab hooyadood ka umulisay haddana mar kale ayaga la keenay xarunta caafimaad si ay ugu umulaan.

Aamina hadda waa ardayad barata cilmiga caafimaadka waxayna rajeynaysaa in ay Saynab oo kale ay noqoto islamarkaana uga dayato in ay gargaarto kuwa u baahan adeegyada caafimaad.

Previous Post

Gabar kaalinta 1aad ka gashay imtixaanaadka dugsiyada dhexe ee Jubbaland

Next Post

Gabdho kaalinta hore ka galay imtixaanaadka dugsiga dhexe ee Jubbaland

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Dugsiyada waxbarashada Gaalkacyo oo dib u furmay

Gabdho kaalinta hore ka galay imtixaanaadka dugsiga dhexe ee Jubbaland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo