Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas abaaro ka soo barakacay oo ka faa’iidaystay mashruuc lacag qaybin ah

Radio Ergo by Radio Ergo
August 5, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Siraad Cabdilaahi Samatar waxaa ay ku nooshahay xerada Fadhigaab oo ku taal duleedka magaalada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Qoyskeeda oo ka kooban 5 qof uu ka mid tahay 725 qoys oo ah dadkii abaaraha 2016-2017 ka soo barakacay oo hay’ada Action siinayso lacag 75$ muddo lix bilood ah. Bilihii  June, Jully  ee sanadkan 2019 ayay qaadanaysaa waxaana u dhiman afar bilood.

30 doolar oo ka mid ahayd lacagta gargaarka ah ee la siiyay ayay ka sameesatay maqaayad yar oo shaaxa laga cabo 20-kii june, waxayna ku taalaa xerada dhaxdeeda. Maalinkasto waxaa ay faa’ido ahaan mehrada uga heshaa 5 doolar.

“Wax badan ayay iiga qabatay oo ay ka mid yihiin in aan carruurtayda caano u iibsado, daawo u siisto, waxbarasho geestay. Midda kale maqaayada nolasheyda ku soo korortay runtii waxa iisoo kor dhay camal iyo inaan aniga naftayda u shaqaysto.,“ ayay tiri Canab oo ah hooyo haysta 3 caruur ah.

Siraad oo 100 neef oo ari ah abaartii ku dhufatay dalka ayaa mid ahayd dadkii ka soo barakacday baadiyaha Waraabe oo ah xuduudka ay Soomaaliya iyo Itoobiya wadaagaan.

Xaashi Cabdilaahi Xasan madaxa qeybta arrimaha bini’aadanimada ee Ha’yada Action Aid ayaa sheegay in lacagta ay siinayaan dadka ay ku filan tahay nolol maalmeedka qoyska oo ay u madax banaan yihiin waxaa ay ku gadanayaan. Qorshahan waxaa uu tilmaamay in ay uga fiican tahay raashinkii la siinayay oo qoysku kaydsan karo wixii uga soo hadha marka ay raashinka ka iibsadaan.

“Sharuudaha aan ku xulanayno dadka la siinayo lacagta waxaa ka mid ah in uu qofka yahay mid soo barakacay, in uu yahay qof nugul oo ugu mudan in wax la siiyo oo mashruucan ka faa’daysan karo in uu qoyskaas yahay mid hal qof ku tiirsan sida aabaha ama hooyada ama carruurta,“   ayuu yiri Xaashi oo intaas ku daray in ay dib daba gal u sameeyaan dadka oo ay hubiyaan in ay yihiin dadkii mudnaa in la caawiyo.

Canab Maxamed Geelle oo ah hooyo qoyskeedu ka kooban yahay 9 qof waxayna ku nooshahay xerada Guryo-same oo 18 KM dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Canab oo bilooyinkii dambe ka faa’iidaysatay mashruucan ayaa sheegtay in qoyskeeda ay heleen raashin dhameystiran.

“Nolasha qoyskayga xaqiiqatan way mahdiyeen lacagtan maxaa yeelay hadda waxaan awoodnaa in aan meel wax dhigano, in aan raashiin ku soo gadano, in aan iidaankii reerka meel fiican saarano iyo in aan meel mustaqbalka danbe meel wax u dhigano,“ ayay tiri Canab.

Qoyskan Canab ayaa 2017 ka soo barakacay tuulada baadiyaha Gacma-dheere  ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

“Gargaarkan inta aanan helin walaal nolasheenii hore aad u ahayd mid laciif ah, waxaan xasuusanaa 3-da waqti curruurta in aan hal waqti wax u karineenay oo aanan heysan wax aan carruurta siino,“ ayay tiri Canab.

Previous Post

Labo isbitaal oo Cabudwaaq iyo Balanballe ku yaallo oo dhaqaalo la’aan wajahayo

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 6-AUG-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 6-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo