Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Labo isbitaal oo Cabudwaaq iyo Balanballe ku yaallo oo dhaqaalo la’aan wajahayo

Radio Ergo by Radio Ergo
August 5, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Mashruuc weyn oo caafimaad oo laga daah-furay Dhahar

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hay’adda caalamiga ah ee ka shaqeysa arrimaha caafimadka oo loo soo gaabiyo IMC oo muddo shan sanno ah maamuleysay isbitaallada magaalooyinka Caabudwaaq iyo Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa bishii June joojisay howlihii ay ka wadday labadaas isbitaal.

Waxay bixin jirtay dhaqaalaha isbitaallada ku baxaya sida mushaarka shaqaalaha, korontada, shidaalka gadiidka gurmadka degdegga ah iyo biyaha waxaana xarumuhu bixin jireen adeegyo caafimaad oo bilaasha ah.

Isbitaalka Cibaado ee magaalada Caabudwaaq ayaa bishii June adeegyo caafimaad u qabtay 7,500 oo qof oo Caabudwaaq iyo iyo tuulooyinka hoostaga deggan.

Waxaa bishii July adeegyo baaris ah oo aan daawo lahayn loo qabtay 2,300 oo qof sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha isbitaalka Dr Nuur Xuseen Sheekhdoon.

“Isbitaalka wuxuu yahay isbitaal balaaran, waxaana looga imaan jiray Caabudwaaq iyo inta ku xeeran. Shilaabo ilaa Galaadi ayaa loga imaan jiray marka, wuxuu ahaa isbitaalka degaanno badan looga yimado islamarkana uu  bixin jiray adeegyo caafimaad oo kala duwan, haddi ay noqoto qalliinka hooyada dhaliweysa, haddii ay noqoto dhalmada caadiga ah, haddii ay noqoto bukaan jiifka  iyo sidoo kale qeybta nafaqo darida,” ayuu yiri Agaasimaha  oo hadda ka walaacsan gaabiska ku yimid adeegyada isbitaalka.

Agaasimaha ayaa shegay in markii hay’adda ay ka baxeysay isbitaalka ay joogeen 35 qof oo iskugu jira dhaqatiir kalkaaliyaal, shaqaale nadaafadded iyo wardiye dhammanna ay sidii u shaqeynayaan isbitaalka si mutadawacnimo ah.

Madaxa hay’adda IMC ee gobolka Galgaduud Cabdifitaax Qooryare ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in sababta ay u joojiyeen shaqadii ay ka heysay hay’addu labo isbitaal oo ku kala yaala magaalooyinka Caabudwaaq iyo Balanballe ay tahay arrimmodhaqaalo.

Ka bixitanka hay’adda IMC ee isbitaalka Cibaado ee magaalada Caabudwaaq waxaa ay saameyn ku yeelatay dadka danyarta ah ee aan iska bixin karin baaritaanka iyo daawooyinka xarumaha caafimaad ee lacagta ah.

Xabiibo Cismaan oo uu  qoyskeeda ka kooban yahay 12 qof waxaa ay ku nooshahay xerada barakacayasha Mahad-Alle ee Caabudwaaq.

Waxaa mudadii hay’adda IMC ka maqneyd isbitaalka Cibaado ay xarun Caafimaad geysay xaaska wiilkeeda oo xerada kula nool.

Gabadha uu wiilkeeda qabo ayaa ahayd mid uur leh balse markii dambe ay door-biday in ay gayso xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay taa oo ay ku bixisay 30 doolar halka iyadana jug madaxa kaga dhacday oo ku soo kacday ay daawo loo siiyay lagu yeeshay 29 doolar taaso aysan hubin waqtiga ay bixin doonto.

Nolosha qoyska Xabiibo waxaa ay ku tiirsan tahay gargaar marmar ay ka helaan hay’adda samafalka iyo shaqo guri-dhis ah oo uu maraarka qaar aado wiilkeeda.

Si la mid ah Caabudwaaq waxaa weli shaqeynaya dhaqatiirta iyo shaqaalaha kale ee isbitaalka Balanballe. Inkasta oo aysan jirin cid ay mushaar ka sugayaan haddana waxaa u yaalla daawo ay IMC uga tagtay isbitaalka oo ay toddobaad sii isticmaali karaan, faashado iyo sharootooyin, sida ay Ergo u sheegtay Saaqo Siyaad Cadde oo kalkaaliso ka ah isbitaalka Balanballe.

Bishii June oo ay hay’ddu la joogtay waxaa ay qaabileen 4,200 oo qof oo loo sameeyay baaris iyo daweyn halka bishii Julay ay adeegyo baaris iyo dhalmo u qabteen 900 oo qof.

Saaqo Siyaad Cadde iyo 29 kale oo dhaqatiir iyo shaqaale nadafadeed ah waxaa mushaarka ay ku shaqeyaan siin jirtay hay’adda IMC haddase wax mushaar ah ma qataan oo waxaa ay ku shaqeyaan si bilaash ah.

Farxiyo Maxamed Cilmi oo ah hooyo hayasata saddex carruur ah muddo 4 sanno ah ayay ku xirneyd isbitaalka, waxaana muddadaas ay ka heli jirtay adeegyada caafimaad ee ay u baahato.

“Aniga waxaan u doonan jiray tallaalka, ilmaha ayaan ka soo tallaalan jiray, ilmaha kuwa nafaqa darro aan ka dareemo waan la aadi jiray, karar buskudka lagu qaato ayay bixin jirtay oo ilmaha aad geyneyso arbaco kasta, sidoo kale sheybaarka waan aadi jiray, sida malaaryada oo kale, Baaritan badan ayaan ka heli jirnay, ayagina meesha hadda waa ay ka baxeen,”ayay tiri Farxiyo.

Wasaradda Caafimaadka Galmudug ayaa xirir la sameysay labada isbitaal ee Caabudwaaq iyo Balanballe, waxayna ka wada hadleen sidii howsha labadaas isbitaal u sii socon laheyd mar haddii hay’adda IMC ee gacantka ku heysay ay iskaga baxday bishii June dhammadkeedii.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 5-AUG-2019

Next Post

Qoysas abaaro ka soo barakacay oo ka faa’iidaystay mashruuc lacag qaybin ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Qoysas abaaro ka soo barakacay oo ka faa'iidaystay mashruuc lacag qaybin ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo