Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Arday dadka reer miyiga ah baraya qorista iyo akhrinta farta-Soomaaliga

Radio Ergo by Radio Ergo
August 6, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Mudug: Arday dadka reer miyiga ah baraya qorista iyo akhrinta farta-Soomaaliga

Qaar ka mid dadka reer miyiga ah oo la baraayo aqrinta farta-Soomaaliga

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ardayda iskuulka oo wax-ka-barata  deegaanka Camaara oo hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa mudaddan labada bilood ah ee uu iskuulada xiran yahay waxaa ay si mutadawacnimo wax u baraan dadka miyiga ah.

150 qof  oo isugu jira dad waaweyn iyo carruur ku kala nool deegaanada Qoraley, Koradi, Silgo, Meygag, Qonjar iyo Dhagaxley oo dhamman hoostaga degaanka Camaara ayaa ilaa hadda la baray qorista farta-Soomaaliga iyo Xisaabta.

Xasan Cali Axmed oo ka mid ah macalimiinta soo fulinaya hawshaan ayaa sheegay in ay arrintaan ku dhalisay in wakhtigooda ay fasaxa yihiin ay uga faaiideeyaan in dadka aan iyagu helin goobo waxbarasho ay wax baraan. 

“Aad ayay u danaynayaan, qoraalka ayaa noo muhiim ah in aan barno, Waa dad waa weyn kuwa ugu badani, wax waxbarasho gaarsiiya ayay waayeen sidaan ka arkay,” ayuu yiri Xasan oo hadda kormeer ku soo maray dhowr tuulo oo ay howshaan ka wadaan.

Ardaydan iyo macallimiinta waxaa ay sidoo kale xoolo–dhaqatada ka caawiyeen in ay helaan buugaagta iyo qaliimaanta ay wax ku baran lahaayeen.

Xasan Daahir Xuseen oo ku nool deegaanka Qoriley oo 15km dhinaca bariga ka xigta Camara wuxuu ka mid yahay dadka la baraayay qoris farta-Soomaaliga muddadan labada bilood ah ee la soo dhaafay. Xasan oo ah 40 jir iyo wiilkiisa oo 12 jir ah ayaa subax kasta ka soo kalaha gurigooda si ay u kororsadaan cilmi. 

 “Horay wax u ma arkhin karin, waxna ma aanan qori karin, labadeenuba hadda waa akhrin karnaa afsoomaaliga, xisaabtana inta isku darista iyo tiradeeda iyo isku dhufashada waan naqaan” ayuu yiri.  

Xasan wuxuu leyahay 10 neef oo geel ah iyo 100 ari ah, isaga iyo wiilkiisa waxaa ay uga soo tagaan hooyada iyo lixdiisa carruurta. 

Yuusuf Salaad Maxamed oo ah gudoomiyaha Caamara wuxuu sheegay in maamulka uu macallimiintan caawiyay gaadiidka ay ku tagaan deegaanada.

“Dadka in ay xisaabta iyo akhriska bartaan noloshooday muhiim u tahay, lacag kaash ah cidi ma isticmaasho, waxaa la isticmaalaa teleefoonno xisaabta la isugu daro, qofkaan wax akhrin dhib ayay ku tahay,” ayuu yiri Yuusuf. 

Yuusuf ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in hadda ay qorshaynayaan sidii xilliga iskuulada la furo ay ugu raadin lahaayeen fursadaha waxbarashada in ay u sii wadaan.  

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 6-AUG-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO 7-AUG-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO 7-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo