Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqatada gobolka Hiiraan oo ka faa’iidaystay xarun lagu daaweeyo xoolaha

Radio Ergo by Radio Ergo
July 23, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Xarun lagu daaweeyo xoolaha oo laga furay magaalada Beledweyne

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dhaakhaatiir xoolaha ayaa xarun lagu daaweeyo xoolaha ka hirgeliyey degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xoolo-dhaqatada gudaha magaalada iyo kuwa miyiga ku nool ayaa xoolaha ka jiran ee socon kara keena goobta, marka loo daaweeyna la noqda, halka kuwa aan socon karin ay dhakhaatiirtu ugu tagto goobaha ay ku sugan yihiin.

Xaruntaan oo shaqaynaysay afartii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ay daaweeyeen 380 neef oo ari, geel iyo lo’ isugu jira, iyagoona cuduro kala gedisan ka daaweeyey.

Dr. Xasan wali Cumar wuxuu ka mid yahay lix dhakhtar ee xaruntan hirgeliyey.

Wuxuu sheegay in cudurrada ugu badan ee xoolaha laga daaweyo ay kala yihiin Sambabka iyo waliba gosha ku dhacda lo’da.

“Waxaa kale oo aad uga daaweyna xoolaha dibiryada sababto ah xoolaha qaar guriga ayaa lagu fasaxa, waxayna cunaan raashiinka guryaha yaalla sida burka iyo bariiska, sokortii kuwaa oo ku keenaya dibir ay u dhiman karaan,” Dr. Xasan.

Wuxuu sheegay in ay sababaha loo furay xaruntaan ay tahay in lagu yareeyo saamaynta cudurrada ay xoolaha u dhintaan.

Maxamed Cali Aamin waxaa uu ka mid yahay xoolo-dhaqatada ku nool miyiga magaalada Beledweyne. Waxaa uu ka mid yahay xoolo-dhaqatada sida aad ka ah ugu baahi qabay helitaanka dhaqaatiir xoolaad.

Wuxuu sheegay in dhaqatiirta xoolaha u daaweyeen 12 neef oo ka mid ah 64 neef oo uga soo samata baxay abaarahii lasoo dhaafay.

“Labo ka mid ah lugaha ayay ka jabnayeen oo way ii kabeen 10-ka kalana waxa laga daaweyayay cudurada dhabiijada iyo sambabka ayay ka dureen,” ayuu yiri Maxamed.

Waxuu sheegay in markii hore ay daweysan jirnay aanan waafaqsanayn sida saxda ah taa oo marar badan sababtay dhimashada xoolo badan.

“Sababto ah ari badan oo qufac iyo xanuun qandho watay oo dhogortooda baddalantay, markii ay daawada in oo siiyeen, dhogortoodii nadiif ayay noqotay. xanuunkiina wuu ka baxay,” ayuu yiri Maxamed

Hodan Cabdi Xuseen waxay ka mid tahay qoysas magaalada dhexdeeda ku dhaqaalaysto xayn xoolo ah. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in xaruntan ay ka caawisay la socodka dhanka caafimaadka xoolaheeda.

“Mudo 5 maalin laga joogo ayaan u geystay 3 neef oo ari ah oo ka mid ah 20 neef oo aan ku dhaqdo guriga, way iga xanuunsadeen, qufac iyo qandho ayaa ku dhacay. Marka si fican ayay iigu daaweyeen. Wayna ii fiican yihiin xoolaha hadda,” ayay tiri Hodan.

Dhaqaatiirtaan ayaa sheegaya in qorshahooda uu yahay in ay ku balaariyaan gobolka Hiiraan howlahan xanaannada iyo daaweynta xoolaha oo aan horay uga jirin guud ahaan gobolka.

Daawooyinka ay kula tacalaan xoolaha xanuunsan waxay kasoo iibsadaan suuqyada daawada xoolaha.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, TALAADO 23 JULY 2019

Next Post

Dhadhaab: Haween barnamaij dhaqaale wadaag ah ku guulaystay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Dhadhaab: Haween barnamaij dhaqaale wadaag ah ku guulaystay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo