Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysaska xoolo-dhaqato iyo beeralay ah oo ka soo barakacay gobol Bay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 26, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys beeralay iyo xoolo-dhaqato oo ay saameeyeen roob-yarida oo ka jirta qaybo ka mid dalka ayaa ka soo barakacaaya degmooyinka Qansaxdheere, Diinsor, Bardeele iyo Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Qoysaskan ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo gaarayay xeryaha ku yaala magaalada Baydhabo oo ay ku nool yihiin qoysas horay uga soo barakacay abaaro.

Roobkii guga ee sanadkan iyo kii deyrta ee ka horreeyay oo aan si wanaagsan uga di’in deegannadan ayaa saameeyay wax-saasaarki beeraaha oo ay qoysas badan ku tiirsanaayeen.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Baydhabo, Aadan Carab ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bilihii Juun iyo Julaay ay magaalada soo gaareen in ka baan kun qoys. Qoysaskan imaanaya ayaa u badan beeralay inkastoo ay ku jiraan qaar xoolaley ah oo abaarihii ku cayrtoobay.

Gudoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in ay socdaan qorshayaal loogu gurmanaayo dadkan cusub ee abaaraha ka soo barakacay. Isagoo sheegay in kaalintooda tahay soo dhaweynta qoysaska imaanaya iyo in ay ku ogaadaan dhulka ay degayaan si loola socda xaaladooda iyo tirada maalin kasta kusoo kordha.

Hilowlaay Cali Maxamed,  oo qoyskeedu ka kooban yahay lix ruux oo beeralay ahayd ayaa ka mmid ah qoyskas. Waxay ka so barakacaday  deegaanka Deeb-weyne oo hoostaga degmada Qansaxdheere. waxay soo lugeyneysey iyada iyo lix qoys kale seddax maalin, iyadoo caruurta soo saartay gaari-dameer ay wadatay halka dadka waaweyna lugeynayeen.

Hilowlaay waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in aysan wadan wax sahey ah sida  biyaha iyo cuntada, muddadas  ayay sheegtay in hadba tuulooyinka ay soo marayeen ay dadka degan waydiisanayeen in ay ku caawiyaan biyo ay cabbaan. Waxay ku jirtaa Kaamka cusub ee Qansaxdheere ee barakacyasha cusub hadda soo dageen oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.

“Waad noo jeedaa, waxaa ii dhisan aqal yer geedo iyo maro keliya ka dhisan. Dhaxanta iyo boobka xagaayga da’aya nagama celiyo, toban maalin ayaan joogaa. Nolol ma heysano halka wakhti waa nagu dhib, aniga xaabo ayaa duurka u doonaa, marka keeno toban kun oo shilin ayaan ka helaa, sonkor shah ku karsano iyo Rooti hadii noo gooyaan waa nasiib,” ayay tiori Hilowlaay oo xustay in ilaa hadda aysan helin wax-gargaar ah.

Seddex xilli roobaad ma jirin wax-abuur ah oo u soo baxay inkastoo ay isku dayeen haddana roobka oo yaraa awgeed waxba uma soo bixin. Kaydadkii ugu danbeeyey ee ay haysteen ayay abuur ka dhigateen beeralayda balse wuu  ka qalalay.

Hilowlaay oo ka mid ahayd dadkaas ayaa iyadu abuurtay beerteeda oo 8 higtar ah lakiin ku hungoobday taasna keentay in ay nolol  u soo raadsato magaalada Baydhabo.

Misago, galay iyo dayaa ayaa u bixi jiray xilliyadii hore.

Qoysaska cusub ayay ka muuqatay daruuf iyo dhibaato dhaqaale taa ooay weliba u sii dheer tahay in aysan xerada ku heysan noloshii ay islahaayeen waad ka heleysaan Baydhabo. Waxaa ku adag in ay helitaanka biyaha, cuntada iyo iyagoo aan heysan Musqulo ay isticmaalaan. Sida uu maamulka sheegay xeryahaan ayaa biyo aanan ku filnayn ka heo booyado loo soo ijaaray.

Maxamed Nuur Maxamed isaga iyo caruurtiisa todobada ah,mudo toddobo maalin ah ayaa ku qaadatay iney kusoo gaaraan Magaalada Baydhabo,iyagoo soo lugeeyey 90KM oo Baydhabo iyo Qanaxdheere u dhaxeysa,iyagoo marba meel kusoo nasanayay.

Sida uu Raadiyow Ergo uu sheegay, Maxamed caruurta dhabarkiisa ayuu marba mid ku soo xanbaarayay wiilkiisa caruurta iyadoo la soo kulmeen rafaad iyo gaajo.

“Haraad iyo Gaajo wax la sheego ma ahan, kaliya dhimasho ayaa ka soo bad baadney. Anaga dadka waa weyn sidii anagoo sooman ayaa xaaladad kaga soo gudubnay, cid inta aan soo soconay na caawisay ma arkin, caruurta marba nacnac kulayl ayaan afka u gelinaynay,” ayu yiri Maxamed.

Sacido Sheekh Cali waxay ka mid tahay qoysaska cusub ee dhowaan ka soo barakacay degmada Diinsor ee Gobalka Bay. Waxay wadataa afar caruur ah oo aabahooda dhintey, Iyada iyo afar qoys oo kale ayaa gaari-dameer kaga soo baxay degmada Diinsor. Aqal laba mitir ah oo dhaxdiisa darin dhamaad ah ku fidsan tahay ayaa kaamka uga yaal kaa oo aan ka celinayn qabowga iyo dhaxanta jirta.

 

Previous Post

IDAACADA MAANTA JIMCE 26 JULLY 2019

Next Post

Mudug: Deegaanka Bursaalax oo ay ka taagan tahay adeeg-caafimaad la’aan

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Kismaayo: Ardayda barata caafimaadka oo daweeyn u fidiyay in ka badan 500 oo bukaan

Mudug: Deegaanka Bursaalax oo ay ka taagan tahay adeeg-caafimaad la’aan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo