Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Mudug: Deegaanka Bursaalax oo ay ka taagan tahay adeeg-caafimaad la’aan

Radio Ergo by Radio Ergo
July 26, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Ardayda barata caafimaadka oo daweeyn u fidiyay in ka badan 500 oo bukaan

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Isbitaalka deegaanka Bursaalax ayaa waxaa uu xiran muddo lix bilood ah, kadib markii loo waay dhaqaale lagu fuliyo howlihii isbitaalka.

Dhaqaalaha isbitaalka ayaa waxaa uu ka iman jiray qurba joogta deegaanka ka soo jeeda ee ku kala nool wadamada Yurub iyo Maraykanka.

Isbitaalka oo ka kooban qeybaha bukaan-jiifka iyo hooyada iyo dhalaanka ayay istaagtay dhammaan shaqadii ka socotay. Isbitaalka ayaa bixin jiray adeegyo iyo daawo lacag la’aan ah kuwaa oo ay ka faa’iidaysan jireen dadka deegaanka. Waxaana ka shaqeenayay shaqaale gaarayay 18 qof oo iskugu jiray dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal iyo kuwa nadaafada.

Maxamed Cabdi Mursal waa madaxa mashruuca maamula isbitaalka ee deegaanka Bursaalax ee gobolka Mudug, wuxuu sheegay in isbitaalka qurba-joogtii gacanta ku heysay ay soo waday muddo 5 sano ah oo ay dhaqaale u soo dirayeen, waxayna sheegeen intaas ka badan in aysan sii wadi karin muddo hadda laga joogo lixbilood.

Isbitaalka markii uu xirmay waxaa baahi-weyn laga dareemay qeybta hooyada iyo dhalaanka, waxaana ka dhashay dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin in hooyooyinka uurka leh aysan haysan meel ay kulasocdaan xaaladooda caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad xilliga ay foosha taa oo ku kalifta in ay adeegyadaas u raadsadaan Isbitaalka Gaalkacyo oo 74km u jira deegaanka.

Deegaanka gaadiidka laga helo oo yar iyo baabuurta oo qaali ah oo lacagtoodu tahay 130 doolar ayaa xaalada sii adkeeyay.

Saddaxdii bilood ee la soo dhaafay waxaa geeriyooday inta jidka Gaalkacyo loo sii waday  ilaa afar dumar ah oo umul-raacday, sida uu xaqiijiayay iskuwaha Wasaarada Caafimaadka Puntlanad ee deegaanka Bursaalax, Cabdirisaq Cabdi Cusman Caddeysay.

“ Isbitaalka xiran wuxuu sababay in dumar iyo caruur badan oo loo qaaday isbitaalka magaalada Gaalkacyo, ay qaar jidka ku dhintaan qaarna ayaga oo dhiig la’aan ah isbitaalkaas la geenayo. Inta aan oo wasarada caafimadka diiwaan galisay waa afar dumar ah iyo seddax carruur ah oo dhintay,” ayuu yiri Cabdirisaaq

Shugri Geeddi Khaliif waa hooyo uur 8 bilood ah leh, waxaa ay ka walwalsan tahay xirnaanshiyaha isbitaalka Bursaalax.

“Waxaan maqlay gabdho badan in jidka ay ku dhinteen taasina waxay sare u qaaday walwalkayga. Lixdaan bilood ee uu xiran yahay isbitaalka waxaan ku qabnay dhib,” ayay tiri Shugri

2017-kii ayay Shugri ka soo barakacaday deegaanka Maaneed ee dagmada Booq kadib markii ay abaari ku dhufatay deegaanka.

Xaliimo Maxamed Ciise waa umuliso dhaqameed muddo 9 sano ah ka shaqeynaysay deegaanka Bursaalax, waxaa ay sheegtay in intii uu isbitaalka ay la kulantay ilaa 20 gabdhood oo laga keenay miyiga fog ee Itoobiya. Waxay xustay in ay ugu darneeyd hooyo laga keenay tuulada Jiracle oo dagmada  Booq u jirta 20km dhamaadkii bishii 5aad ee 2019.

Sida ay sheegtay Xaliimo, hoyadaan uurk lahayd ayaa uu cunuga ku weynaaday, waxna laga qaban kari waayay, taa oo qasabtay in loo qaado magaalada Gaalkacyo.

“Waxaa lala kulmaa dhacdooyin naxdin leh waxaa iigu darnaa qof  meel fog laga keenay oo la yiri Bursalax ayaa isbitaal leh markii la keenay asaga oo ay xaaladiisu adag, in meesha isbitaal laga waayay,” ayay tiri Xaliimo.

Previous Post

Qoysaska xoolo-dhaqato iyo beeralay ah oo ka soo barakacay gobol Bay

Next Post

Dad barakac cusub ah oo soo gaaraaya magaalada Muqdisho

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dabeylo khasaare u gaystay barakacayaal

Dad barakac cusub ah oo soo gaaraaya magaalada Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo