Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka soo barakacay dagaallo iyo abaaro oo soo gaaray Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
July 29, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex boqol iyo sideetan qoys oo hor leh kana soo barakacay colaad iyo duqaymo ka jira gobollada Shabellaha Hoose, Jubadda Hoose iyo Jubba Dhexe ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay soo gaaray Waaxda-Koowaad ee xeryaha barakaca ee ku yaal degaanka Kaxda ee magalada Muqdisho.

Qoysaskaan oo u badan yihiin waayeel iyo carruur ayaa waxaa ku jira kuwo naafo ah. Jamiilo Aadan Xaji Cumar oo araga la’  iyo lix carruur oo ay dhashay ayaa ka mid ah dadka soo gaaray Kaxda.

“Kismaayo meelaha ay dagaalada kasocdaan ayaan ka soo baxnay, innagoo dhex soo mareena ayuu odaygeyga dagaaladaas wax ku noqday oo waa dhintay, dad ayaa isoo ka xeeyey oo halkaan i keenay, ciyaalka waa lix, aniga iyo caruurta waxba kuma noqon,” ayay tiri Jamiilo oo hadda ka mid ah dadka cusub ee soo gaaray.

Jamiilo oo ay noloshooda ku tiirsanayd xoolo ay dhaqan jirtay ayaa markii ay duqaymo isxigxiga ay deegaankeeda wax-yeeleeyeen go’aansatay in ay Muqdisho timaado.

“Meelahaas dagaal ayaa ka socda ma joogi karin, xabad markii ay bilaabato ilmaha dhan waa kala weyneysaa, saa darteed ayan halkaan u soo aadnay. Markaan xagga joognay odayga xamali ayuu ahaa, hadda walaashey ayaa la joognaa waxa ay iyada soo hesho ayaa ka cunna,” ayay tiri Jamiilo oo caruurteeda kan ugu weyn uu jiro 16.

Deegaanka dadka ay yimaadeen waa dhul 70 boos ah oo ay horayna u sii deganaayeen 600 oo qoys, intoodaba baddanna ma haystaan guryo oo dulsaar ayey kuwo kale ku noqdeen.

Xaajiyo Cabdullahi Nuur waa 25jir hal isbuuc ka hor ka soo barakacday deegaanka Bariire halkaas oo ay ka soo lugaysay. Muddadii ay dhexda ku soo jirtay, ayay Xaajiyo ku wayday labo caruurteeda ka mid ah kuwaa oo u geeriyooday shuban-biyood.

“Degmada Bariire ayaan ka soo baxnay, dagaallo iyo colaado ayaa ka jira. Bariire illaa Afgooye ayaan soo lugaynay, hadda mar dhar-dhaqow ayan adaa, mar tuugsi, marna dadka kaamka na caawiya, labadaan bari ayaa indhaha ii furmeen oo magaalka adaa,” ayay tiri Xaajiyo oo hadda iyada iyo carrurteed ay la daalaan dhacayaan sidii ay ula qabsan la haayeen nolasha cusub ee xeryaha.

Qoysaska kale ee soo barakacay waxaa ka mid ah Muumino Xasan Cabdi oo iyadu ka soo lugaysay deegaanka Sabiib. Muumino iyo carruurteeda oo siddeed ah waxay hadda ku nool yihiin aqal ka sameesan maryo iyo qoryo.

“Annaga horta beero falato ayaan aheyn, beeralay markaa tahay oo ay meeshii aamin lahyn, haddaad shaqo tagto aadan shaqo qabsan karin, marka ay xabad dhacdo ilmaha dhan ayay u baxayaan, dadkii kalana dhan kale u ordayaan. Sidaa darteed waxaan ghoaansaday in aan iska soo baxo oo aan halkaan iska imaado,” ayay muumino

Xukun Cumar Maxamed waa hor joogaha xerada Sagal oo ka mid ah xerayah shanta ah oo ay ku soo barakaceen dadkan waxaa uu Raadiyow Ergo u sheegtay in dadku kaliya aysan ka soo bixin dagaallo balse ay jiraan kuwa ay abaar soo barakicisay.

“ Tirada guud ee hadda na soo gaartay waxaa weeye afar boqol oo qoys oo kala degay  shantaas kaam. Afartaas boqol aad u jeedid waa dad aan biyo haysan, baco haysan oo aan dawo iyo agab haysan,” ayay Xukun oo ugu baaqday hay’addaha gargaarka in ay caawiyaan dadkaas.

Previous Post

In kabadan 3000 oo qoys oo ka faa’iidaystay ceelal ku yaalla Degmada Jowhar oo la dayactiray

Next Post

IDAACADDA MAANTA, TALAADO 30 JULY 2019

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, TALAADO 30 JULY 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo