Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

In kabadan 3000 oo qoys oo ka faa’iidaystay ceelal ku yaalla Degmada Jowhar oo la dayactiray

Radio Ergo by Radio Ergo
July 29, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Ceelwaaq: Ceel laga qoday tuulo oomane aheyd

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex kun iyo saddex boqol toddobaatan iyo shan qoys oo isugu jira xoolo-dhaqato iyo dad barakacay oo deggan tuulooyin hoos taga degmada Jowhar ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa labadii bilood ee u dambeeyay ka faa’iidaysanaya toddobo ceel oo bilaash ah oo dib u hagaajin lagu sameeyay kaddib saddex sano oo aan biyo laga dhaansan.

Ceelashan ayaa saddex loo hagaajiyay bamka ceelka biyaha ka soo saara halka afarna la saaray qalabka ileyska cadceedda dabka ka dhaliya ee soolarka. Waxaana dhammaantood loo sameeyay haamo biyaha lagu keydiyo oo midiiba qaaddo 25 fuusta.

Waxaa sidoo kale xoolo dhaqatadana deegaannadaas loo  sameeyay baraago ay biyaha ka cabaan. Dadkan ayaa nool tuulooyinka Bayaxaaw, Kaluundi, Koongo, Baaroow-weyne, Jowhar-Somali, Timirre iyo xerada Isnaay, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdirisaaq Bare Cali oo madaxa maamulka ee shirkadda Power Grid oo barnaamijkan ka shaqeysay.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in mashruucan ceelasha lagu hagaajiyay ay maalgelisay hay’adda IMC kaddib markii dadka deegaanku ay cabasho u gudbiyeen.

”Lacagta mashruuca gashay waa $39,800, xagaay walba ama qabow kasta oo jira solarka wuu shaqeeynayaa ceelka tuubooyin ayaan ku xirnay oo naasooleey ah, biyo yaraan haddii ay dhacdo haan ayey ku keydinayaan, baraago xoolaha ka cabaana waan dhisnay,”  ayuu yiri Cabdirisaaq.

Dadka deggan tuulooyinkan oo horay biyaha uga cabi jiray ceelashaan ayaa markii ay ceelashu ciladoobeen biyaha ka cabijiray webiga.

Waxaa marka ceelasha la dayactiray kaddib dadka la siiyay biyo sifeeyaha loo yaqaanno koloriinka iyadoo ay jiraan guddiyada haween ah oo u xilsaaran hagaajinta iyo ka warqabka fayadhowrka biyaha.

Faarax Xuseen Cali oo ah xoolo-dhaqato-beeralay deggan tuulada Koongo ee duleedka magaalada Jowhar oo qoyskiisu yahay 10 qof waxaa hadda u beeran 3 1/2 higtar galeey iyo digir ah halka saddex hegtar oo kale uu xoolaha bal-masaggo ugu beeray.

Wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay dhibaatooyin ay ku qabeen ka hor inta aan ceelashan loo sameyn oo meesha ugu dhow ee biyaha uu ka doonan jiray ay ahayd kaliga-Maseyroow.

”Waxaa la iga qaadi jiray calaa neef 3,00 shilin Soomaali ah, xilliyada robabaka da’aanna 1,000 shilin ilaa kun iyo shan boqol oo shilin Somali ah, lodeydu waa 48 neef oo 16 ka mid ah ay tahay irmaan iyo xoogaa ari iyo ido ah, laakiin biyahan waan ku nasanay, waxaa noo badbaaday oo aan ka faa,iidnay xoolahii aan suuqa geyn jirnay,” ayuu yiri Faarax oo sheegay in hadda uusan lacag ku bixinin biyaha.

Dadka deegaannadaan loo dayactiray ceelasha ayaa sameystay gudiyo ka kooban 15—12 xubnood tuuladiiba oo ceelka gacanta ku haya si aysan u dhicin dayacaad ku timaada ceelasha.

Maxamuud Cismaan oo ah beeralay ku nool tuulada Barow-weyne oo Jowhar u dhow ayaa wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in tuulada oo seddex ceel lahayd ay labo ka mid ahaayeen  qaraar iyo dhanaan halka midka kalena uu ka ciladoobay.

Hay’adda ayaa u dayactirtay kan ciladoobay oo ahaa mid xilligii dowladdii dhexe la qoday islamarkaana ay awood u waayeen in ay sameystaan.

”Waxaan helnay ceel aad u macaan oo waagii Siyaad Bare la qoday, annagu waxaan nahay beeraleey ma awoodno in aan dayactirno. Saaxibul ciyaal ayaan ahay, 8 carruur ah ayaan leeyahay, dalag leysku haley karo ma lahan balse hadda waxaan ku faraxsan nahay fursadaan,” ayuu yiri

Inta badan ceelsha laga qodo Soomaaliya waa kuwa gacan qodaal oo wadaan dadka biyaha uga soo saartaan iyo  kuwa riigga ah ee bamku biyaha ka soo saaro balse ceelashan dib loo hagaajiyay waxay ka mid yihiin kuwa yar oo ay biyaha ka soo saaraan qalabka ileyska cadceedda ku shaqeeya ee soolarka.

”Kan bamka gacanta qofka bani’aadamka xoogiisa ayuu u adeegsanayaa oo ku dhaqaajinayaa si biayah ugu soo baxaan, laakiin kan solarka ayaa dhaqaajinayo oo koronto cadceeda dhaliso,”ayuu yiri Cabdirisaaq Barre.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, ISNIIN 29 JULY 2019

Next Post

Qoysas ka soo barakacay dagaallo iyo abaaro oo soo gaaray Muqdisho

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Qoysas barakac ah oo ku tiirsan shaqooyin ay qabtaan carruurtooda

Qoysas ka soo barakacay dagaallo iyo abaaro oo soo gaaray Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-SEP-202

IDAACADDA 09-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo