(ERGO) – Saddex kun iyo saddex boqol toddobaatan iyo shan qoys oo isugu jira xoolo-dhaqato iyo dad barakacay oo deggan tuulooyin hoos taga degmada Jowhar ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa labadii bilood ee u dambeeyay ka faa’iidaysanaya toddobo ceel oo bilaash ah oo dib u hagaajin lagu sameeyay kaddib saddex sano oo aan biyo laga dhaansan.
Ceelashan ayaa saddex loo hagaajiyay bamka ceelka biyaha ka soo saara halka afarna la saaray qalabka ileyska cadceedda dabka ka dhaliya ee soolarka. Waxaana dhammaantood loo sameeyay haamo biyaha lagu keydiyo oo midiiba qaaddo 25 fuusta.
Waxaa sidoo kale xoolo dhaqatadana deegaannadaas loo sameeyay baraago ay biyaha ka cabaan. Dadkan ayaa nool tuulooyinka Bayaxaaw, Kaluundi, Koongo, Baaroow-weyne, Jowhar-Somali, Timirre iyo xerada Isnaay, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdirisaaq Bare Cali oo madaxa maamulka ee shirkadda Power Grid oo barnaamijkan ka shaqeysay.
Cabdirisaaq ayaa sheegay in mashruucan ceelasha lagu hagaajiyay ay maalgelisay hay’adda IMC kaddib markii dadka deegaanku ay cabasho u gudbiyeen.
”Lacagta mashruuca gashay waa $39,800, xagaay walba ama qabow kasta oo jira solarka wuu shaqeeynayaa ceelka tuubooyin ayaan ku xirnay oo naasooleey ah, biyo yaraan haddii ay dhacdo haan ayey ku keydinayaan, baraago xoolaha ka cabaana waan dhisnay,” ayuu yiri Cabdirisaaq.
Dadka deggan tuulooyinkan oo horay biyaha uga cabi jiray ceelashaan ayaa markii ay ceelashu ciladoobeen biyaha ka cabijiray webiga.
Waxaa marka ceelasha la dayactiray kaddib dadka la siiyay biyo sifeeyaha loo yaqaanno koloriinka iyadoo ay jiraan guddiyada haween ah oo u xilsaaran hagaajinta iyo ka warqabka fayadhowrka biyaha.
Faarax Xuseen Cali oo ah xoolo-dhaqato-beeralay deggan tuulada Koongo ee duleedka magaalada Jowhar oo qoyskiisu yahay 10 qof waxaa hadda u beeran 3 1/2 higtar galeey iyo digir ah halka saddex hegtar oo kale uu xoolaha bal-masaggo ugu beeray.
Wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay dhibaatooyin ay ku qabeen ka hor inta aan ceelashan loo sameyn oo meesha ugu dhow ee biyaha uu ka doonan jiray ay ahayd kaliga-Maseyroow.
”Waxaa la iga qaadi jiray calaa neef 3,00 shilin Soomaali ah, xilliyada robabaka da’aanna 1,000 shilin ilaa kun iyo shan boqol oo shilin Somali ah, lodeydu waa 48 neef oo 16 ka mid ah ay tahay irmaan iyo xoogaa ari iyo ido ah, laakiin biyahan waan ku nasanay, waxaa noo badbaaday oo aan ka faa,iidnay xoolahii aan suuqa geyn jirnay,” ayuu yiri Faarax oo sheegay in hadda uusan lacag ku bixinin biyaha.
Dadka deegaannadaan loo dayactiray ceelasha ayaa sameystay gudiyo ka kooban 15—12 xubnood tuuladiiba oo ceelka gacanta ku haya si aysan u dhicin dayacaad ku timaada ceelasha.
Maxamuud Cismaan oo ah beeralay ku nool tuulada Barow-weyne oo Jowhar u dhow ayaa wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in tuulada oo seddex ceel lahayd ay labo ka mid ahaayeen qaraar iyo dhanaan halka midka kalena uu ka ciladoobay.
Hay’adda ayaa u dayactirtay kan ciladoobay oo ahaa mid xilligii dowladdii dhexe la qoday islamarkaana ay awood u waayeen in ay sameystaan.
”Waxaan helnay ceel aad u macaan oo waagii Siyaad Bare la qoday, annagu waxaan nahay beeraleey ma awoodno in aan dayactirno. Saaxibul ciyaal ayaan ahay, 8 carruur ah ayaan leeyahay, dalag leysku haley karo ma lahan balse hadda waxaan ku faraxsan nahay fursadaan,” ayuu yiri
Inta badan ceelsha laga qodo Soomaaliya waa kuwa gacan qodaal oo wadaan dadka biyaha uga soo saartaan iyo kuwa riigga ah ee bamku biyaha ka soo saaro balse ceelashan dib loo hagaajiyay waxay ka mid yihiin kuwa yar oo ay biyaha ka soo saaraan qalabka ileyska cadceedda ku shaqeeya ee soolarka.
”Kan bamka gacanta qofka bani’aadamka xoogiisa ayuu u adeegsanayaa oo ku dhaqaajinayaa si biayah ugu soo baxaan, laakiin kan solarka ayaa dhaqaajinayo oo koronto cadceeda dhaliso,”ayuu yiri Cabdirisaaq Barre.









