Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Iskuullo ku yaalla tuulooyin oo kaalin fiican ka galay natiijada imtixaanaadka Puntland

Radio Ergo by Radio Ergo
July 23, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Imtixaanka dowladda oo maanta dib uga bilawday Baydhabo

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix iskuul oo ka tirsan dugsiyada sare ee ku yaalla deegaannada ka fog dhulka laamiga ah ee Puntland ayaa sanadkan ka soo muuqday qiimaynta sanadlaha ah ee dugsiyada sare ee ugu waxbarashada wanaagsan Puntland, taas oo ay sii daysay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 10kii bishan.  

Agaasimaha waaxda imtixaanaadka ee Wasaaradda, Axmed Saahid Warsame ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qiimayntan ay ku timaado cel-celiska natiijada ay helaan ardayda iskuullada kaalmaha gelaya,.

Dugsiyada sare ee kala ah Buraan, Galdogob, Salahudiin oo ku yaal degmada Dahar, Hirsi Dhabarlow oo ku yaal deegaanka Widh–widh, Axmed Ganey oo ku yaal degmada Rako-raaxo, Bursalah Nugaal ayaa liiska uga soo muuqday siday u kala horreeyaan. 

Iskuulladan ayaa ku yaalla deegaanno aan si fudud ku heli karin adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada looga baahan yaha.

“Isku agab waxbarasho ma aha, isku awoodna ma aha iskuullada laamiga saaran iyo iskuullada aan laamiga saarayn. Sidaas darteed, iskuullada aan laamiga saarayni waxay ku dadaalayaan in ay wax la qabsadaan oo ay gaaraan iskuullada laamiga saaran ama magaalooyinka waa weyn ku yaalla oo laga yaabo in ay dhex joogaan bulsho badan oo iyadu Fee fiican iska bixin karta hadii qaaraamo la isku qoro bixin karta,” ayuu yiri Saahid 

Dugsiga sare ee Buraan Secondary ee ku yaal deegaanka Buraan ee gobolka Sanaag ayaa sanadka galay kaalinta koowaad ee dugsiyada sare ee Puntland.  

Maamulaha Iskuulkaas Cismaan Cali Muuse wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in sanadkii hore ay soo galeen kaalinta 11–aad isla markaasna ay ardaydu muujiyeen akhris iyo muraajicooyin ka badan kii hore, taana ay ku yimaadeen safka hore.

“Sidii oo kale baa loo hiigsanayay oo isbeddelku u jiray, waayo kaalimahaas waa keenay hadda kaalinta koowaad waxaa keenay in ardaydu mar walba hore hiigsanayso,” ayuu yiri Cismaan oo ku faraxsan hanaqaadka uu sameeyay iskuulka.

Dadka deggan dhulka durugsan ayaa xoogga saara in carruurtoodu marka ay gaaraan dugsiyada sare in ay la doonaan waxbarasho tayo leh. Waxaana dhacda in waaliddiinta qaarkood ay ilmahooda u diraan iskuullo ku yaala magaalooyinka waa weyn iyada oo deeganadoodii ay dugsiyo sare leeyihiin.

Faarax Cumar Faarax waa maamulaha iskuulka Sare ee Axmed Ganey ee deegaanka Rako ee gobolka Karkaar. Iskuulka sanadkan wuxuu ka ka soo muuqday kaalinta 14naad ee 20ka iskuul sare ee ugu horeeya Puntland ee iskuullada

“Waxaa ay keenaysaa in dadku ku kalsoonaadaan deegaankii lagu na qanco tayada waxbarashada ee jirta, ahna mid u dhiganta tan deegaannada kale. Waxay kaalin weyn ka qaadanaysaa diiwaan-gelinta arday cusub oo uu iskuulku helo, waxay kale oo qayb weyn ka qaadanaysaa in dadku aysan deegaanka ka guurin iyagoo magaalooyinka waa weyn u raadsanaya waxbarasho” ayuu yiri Faarax oo sharxaya waxa ay uga dhigan tahay kaalinta uu galay iskuulkan oo ay sanadkan ka qalin-jebiyay lix arday oo keliya.

Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland ayaa sheegaysa in uu jiro hannaan gaar ah oo deegaannada fogfog loogu diyaariyo in ay la qabsadaan imtixaanka guud.

“Annagu waxaan samaynaa si aan u soo qaadno tayada macallimiinta iyo tayada ardayda ee dugsiyada ka baxsan laamiga, tababarro, waxaan bixinnaa tayaynta imtixaanaadka oo degmooyinka ku jihaysan tababarradaas,” ayuu yiri Axmed Saahid Warsame.

Agaasime Axmed Saahid wuxuu sheegay in marka ay timaado tusaale ahaan deeqaha waxbarashada in wasaaraddu ay qoondo gaar ah oo boqolkiiba 10 ah ay siiso iskuullada ku yaalla meelaha fogfog ee aan tartami karin isla markaasna aysan tayadoodu u sarrayn sida iskuullada ku yaalla magaalooyinka.

Previous Post

Puntland: Dugsiyada Sare ee ka baxsan magaalooyinka oo kaalimaha hore soo galay

Next Post

IDAACADDA MAANTA, TALAADO 23 JULY 2019

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, TALAADO 23 JULY 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo