Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

In ka badan kun qoys oo ka faa’iidaystay mashruuc lagu yaraynaayo jarista dhirta

Radio Ergo by Radio Ergo
July 31, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
In ka badan kun qoys oo ka faa’iidaystay mashruuc lagu yaraynaayo jarista dhirta

Sawir Kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun iyo laba boqol  oo qoys oo isugu jira dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka ayaa ka faa’idaystay burjukooyin casri ah oo dhuxusha tashiilaya. Barjukooyinka oo ay ku taargeertay Wasaaradda Deegaanka iyo Daxiiskaee Jubbaland ayaa looga golleeyahay in lagyu yareeyo jarista dhirta la dhuxuleeyo.

Burjikooyinkan cusub ayaa suurta galinaya in qoysku isticmaalo dhuxul ka yar middii ay sida maalin laha ah u isticmaali jireen.

Maxamuud Cabdi Nuur (Bayxaani),  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska  Jubbaland ayaa Radio Ergo u sheegay in qorshaha xiga middan ay tahay in ay qaybiyaan 1,500 oo burjikooyin ah.

“Halmar intii dhuxusha lagooyo dadka ha soo fadhiistaan  dhuxushii waa la gooyey lamma odhan karro,  lakiin tartiib, tartiib ayaan rabnaa in aan uga sii gudubno,oo agabkii looga kaftoomi lahaa la helo” ayuu yiri wasiirka.

Ladan Siraad Cismaan waxa ay ka mid tahay dadka ka soo laabtay xerada qoxootiga ee Dhadhaab dalka Kenya. Qoyskeedu waxaa uu ka kooban yahay saddex iyo toban qof oo 11 ka mid ah ay yihiin caruur.

Hadda waxaa ay dagan tahay xaafadda Midnimo ee magaalada kismaayo, waxa ay ka tirsaneyd dadkii loo qaybiyay Burjikooyinkan. Ladan waxaa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in ay isticmaali jirtay 2.5KG oo dhuxul ah oo ay ku soo gadan jirtay hal dolar si ay sadexda waqti ee maalinka ay qoyskeeda ugu karsato raashinka.

Ladan Siraad ayaa sheegtay in qoyskeeda uu mararka qaar awoodi jirin in ay iibsadaan dhuxul intaa dhan maalin walba iyaga oo dayn ahaan ku soo qaadan jiray dhuxusha balse hadda awooddo in ay soo gadato inta ku filan maalinkii.

Burjikadan cusub ee la siiyay oo ay hadda isticmaalayso toddobo maalmood waxaa ay sadexda waqti dhuxusha ay isticmaasho ku soo gadataa 10,000 shilin Soomaali ah oo u dhiganta 0.4 doollar.

“Adigu wax-yar oo hal mar shaaha  inta lagu kariyo ah, hadda waxaan ku karsanayaa sadex waqti,  waaana i anfacday, ciyaalka iskuulka aadaaya iyo kuwa dugsiga aadaya dhib ayaan ku qabnay  oo raashinka inta uu karaayo waxaa ay ahayd saacado, hadana way ikaafisay oo daqiiqado ayay wax iigu karisaa,” ayay tiri Ladan oo boogaadinaysoburjikadan cusub ee la siiyay.

Gudoomiye Ku xigeenka xaafadda Midnimo, Foos Axmed Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in birjikooyinka loo qaybiyay dadka danyarta ah waxaa in xaafadda ay leedahay gudiyo hoose oo loo xil-saaray soo xulista 1200 qoys oo ka faa’iidaysani qaybinta.

“Waxaa naloo keenay birjikooyin tayo leh, waxaana qaatay 1200 qof, laba boqol iyo sideetan waa dadka soo barakacay, 920 dadka ka soo laabtay Xeryaha qaxootiga dhadhaab Kenya” ayay tiri Foos.

Fardowsa Cabdi Xusseen waxaa ay ka mid tahay qoysaska loo qaybiyey burjikooyinka waxaa ay horay u isticmaali jirtay maalintii  2kg dhuxul ah oo ay ku soo iibsan jirtay lacag dhan 20,000 Shilin Soomaali ah ($0.8). Hadda waxaa ay maalintii isticmaasha 1kg oo laga iibiyo lacag dhan 10,000 Shilin ($0.4).

“Tii hore digsiga waa ay ka koraysaa, maanta dhan waa ay qaxaysaa tanna labba xabo ayaad ku ridi, markiiba waa kalay arag. markaan kan dabka saray waakan wuuba gudhsadayba, jamladii markiiba waa kartay, laba habeen camal waa lahayn karaa, qofka aan durba raashin karinaynin tobonka dhuxusha ah ee halka bac” ayay Fardowsa oo ka hadlaysay habka bayqaaminta dhuxusha.

La taliyaha dhinaca deegaanka ee Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Cabdixakiin Kadiye Cali ayaa sheegay in Wasaaradda Deegaanka  ay horay u joojisay dhuxushii laga dhoofinaaayey deegaamadda Jubbaland haddana ya qorshaynayso shanta sano ee soo socota in boqolkiiba konton la yareeyo dhuxusha lagu isticmaalyey gudaha .

Previous Post

Qoys faa’iidaystay ceelal ku yaalla Degmada Jowhar oo la dayactiray

Next Post

Kismaayo: Qoysas loo qaybiyay burjukooyin dhuxusha tashiilaya

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
In ka badan kun qoys oo ka faa’iidaystay mashruuc lagu yaraynaayo jarista dhirta

Kismaayo: Qoysas loo qaybiyay burjukooyin dhuxusha tashiilaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo