Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Howlo bani’aadannimo oo lagu xusuusan doono Hodan Naalaaye

Radio Ergo by Radio Ergo
July 22, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Howlo bani’aadannimo oo lagu xusuusan doono Hodan Naalaaye

Sawir/Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka yar labo toddobaad un kaddib markii ay geeriyootay Hodan Nalaye oo ahayd suxufiyad Soomaaliyeed oo sidoo kalena ka shaqayn jirtay arrimo bani’aadannimo ayaa waxaa uu Raadiyow Ergo warbixin ka diyaariyay mashaariicdii ay ka wadday gobollada Sool iyo Sanaag.

Deegaanka Gal-barwaaqo ee gobolka Sanaag waxay ka mid tahay meelo ay mashaariic waxbarasho oo loogu talagalay dadka danyarta ah ka wadday marxuumad Hodan. Hodan oo ku soo barbaartay Canada ayaa ku dhimatay weerarkii 12ka Luulyo lagu qaaday hotelka Madina ee magaalada Kismaayo. Tuulada Gal-barwaaqo waxaa ka dhisan Iskuul hoose/dhexe oo ka kooban lix fasal, xafiis, makhtabad iyo laba qol oo ay macalimiintu seexdaan.

Iskuulkan oo la furay laba bilood ka hor ayay dibedda ka soo aruurisay dhaqaalaha lagu dhisay. Ilaa 150 arday ayaa xilligan ku jira waxbarasho bilaash ah oo aan toos ahayn, taas oo la isku soo gaarsiinayo ardayda da’ dhaafay iyo kuwa yar yar si ay ula qabsadaan waxbarashada caadiga ah ee fasalada xilli dugsiyeedka.

Iskuulku wuxuu sidoo kale siiyaa ardaydan dharka iskuulka, buugaagta iyo qallimaanta. Hawlahan oo dhan waxaa maalgelinayay Hodan iyo Qoyskeeda sida uu Raadiyow Ergo u sheegay maamulaha mashaariicdaas, Siciid Aadan Cabdi.

“Hodan dadkii ugu dambeeyay ee ay wada shaqeeyeen ayaan ahayn, mashruucan qofka haldoorka ka ah ayay ahayd. Maalgelin intaasi le eg marka la rabo in la raadiyo oo kuminiti dibada ah laga radiyo, khibrad ayay u baahan tahay media lagu gaarsiiyo ayay u baahan tahay,” ayuu  yiri Siciid oo ka tiiraanyaysan dhimashada ku timid Hodan.

Shan macallin oo iskuulka dhigta ayaa mid kiiba la siin jiray mushaar $400 ah, si loo dardar geliyo waxbarashada bulshada tuuladaas. Mushaarka macallimiinta waxaa si joogto ah u bixin jirtay Hodan.

Siciid wuxuu sheegay in Hodan ay u taagnayd taageeridda iyo waxbaridda carruurta aan waalidiintood awoodin in ay iskuulada tagaan.

Aamina Ibrahim Cali waxay ka mid tahay dadka abaarihii dhaafiyeen xoolihii ay dhaqanaayeen. Toban ka mid ah carruurteeda ayaa dhiganayay iskuulkan bilaashka ah ee tuulada laga furay.

“Caruurtaydu waxay hadda yihiin kuwo leh mustaqba fiican oo waxbay ii bartaan markii  hore uma hayn waxbarasho laakiin hadda waxay yihiin kuwo waxbarasho lehay,” ayay tiri Aamina oo ka mid ah qoysaska ka faa’iidaystay mashaariicda ay Hodan ka fulisay gobolkaas.

Waxbarasho keliya kama aysan fulin Hodan deegaanka Gal-barwaaqo balse waxay sidoo kale waday mashaariic dhinaca biyaha ah oo loogu talagalay xoola-dhaqatad, sida uu sheegaayo Siciid Maxamed.

“Deegaanka gal-barwaayo malaha ceel biyood waxaa hadda bilaabaynaa 20 bishan ceel riig ah oo la qodayo 300 oo mitir. Kadibna biyo gelin ayaa lagu samaynayaa tuulada, waxaa loogu tala galay in dadka xoola dhaqatadu ka cabaan. Marshuucaasi wuxuu ku kacayaa lacag ka badan boqol kun oo dollar. In ay nala joogto ayay ahayd 20 bishan laakiin ilahay ma qaderin oo teedii ayaa dhamaatay” ayuu yiri Siciid.

Meelaha kale ee ay hawlaha ka wadday waxaa ka mid ah tuulada Adhi-cadeeye oo ku dhow Laascaanood, lix macalin oo dhigta Iskuulka hoose/dhexe ee tuulada ayay mid kiiba waxay siin jirtay $400, taas oo meesha ka saartay $5 oo bil walba laga qaadi jiray waalidiinta 120 carruur dhigata iskuulka.

Barnaamijyada ay Hodan wadday waxay gacan ka geysteen dhismaha dayrka Iskuulkii Abyan oo ah kii ugu horeeyay ee laga furo Laascaanood. Waxay sidoo kale ardayda iskuulkaas ka caawisay agabka wax ay ku bartaan iyo dharka iskuulka.

Hodan ayaa sidoo kale waxay wadday  barnaamij ay sannad walba toban gabdhood u diraysay waxbarasho bilaash ah oo ay ku qaadayeen Jaamacadda Barwaaqo ee ku taala duleedka magaalada Hargaysa.

Lacagaha mashaariicdan lagu fulinayay badankood waxay si toos ah uga imanayeen koontooyinka gaarka ah ee qoyska Hodan, halka qaar kalena ay  ka soo aruurinaysay bulshooyinka deegaanka ee dibedda jira.

Previous Post

Burco: Gabar da’ yar oo ol’ole ka dhan ah gudniinka fircooniga ka wada deegaanka Beer

Next Post

IDAACADDA MAANTA, ISNIIN 22 JULY 2019

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, ISNIIN 22 JULY 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo