Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Burco: Gabar da’ yar oo ol’ole ka dhan ah gudniinka fircooniga ka wada deegaanka Beer

Radio Ergo by Radio Ergo
July 22, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Gudniinka Fircooniga oo ku badan xeryaha lagu barakacay

Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Fahiima Cabdiraxmaan Cali oo 14 jir ah kuna nool deegaanka Beer oo magaalada Burco u jirta 25 Km ayaa waxay ka mid noqotay 15 gabdhood oo aan qaan-gaarin kuwaa oo ka bilaabay ol’ole ka dhan ah gudniinka fircooniga deegaankaas.

Gabadhan iyo saaxibadeed ayaa waxay wacyigalin ka sameeyaan maalin kasta oo khamiis ah iskuulkooda oo lagu magacaabo Sheekh-Cabdiqaadir.

Fahiima oo ah fasalka labaad ee dugsiga sare ayaa ol’olaheeda ku  beegsata gabdhaha yaryare ee fasalada la dhigta iyo waalidinta iskuulka yimaada.

“Waxaan ku qancinaa dadka gabdhaha iyo waalidka in aan u sheegno gudniinka fircooniga ah in uu yahay mid dhib badan oo qatar badan oo gabadha ay u geeriyoon karto inta uu xidid dilaaco oo dhiig baxdo,” ayay tiri Fahiima iyadu qodheedu ka badbaaday gudniinka labo jeer.

Sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay, Fahiima ayaa markii koobaad ka badbaaday gudniinka sanadkii 2015 markaa oo ay hooyadeed aaday safar loon dib dhigay gudniinka si loo la sugo hooyadeed.

Balse nasiib wanaag waxay mar labaad ka badbaaday markii hay’ada Action Aid oo ah hay’ad caalami ah ay wacyigalin ka bilaawday deegaanka sanadkii 2016.

Fahiima ayaa xustay in qaar saaxiibadeed ka mid ah oo loo gudday fircooni ay u soo qaadato tusaale marka ay wacyigelinta samaynayso.

“Aniga waan ka duwannahay gabdhaha kale ee saaxiibaday ah ee aan aqaano kuwaa fircooniga ah, ma dareemo in aan caadada ku dhibtoodo, halka saaxiibaday kale ay ku dhib qaban caadada,”ayay tiri Fahiima.

Maryan Cismaan oo ah hooyada dhashay lix caruur ah kuna nool deegaanka Biyo-macaan ee degmada Gabiley ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in laba hablood oo ay dhashey in aysan guddin.

Waxay sheegtay in ay garwaaqsatay dhibaatada uu leeyahay gudniinka kaddib markii laga wacyi geliyay.

“Waalidka waagii hore, waxaa ku qasbi jiray in ay gabdhaha fircooni u gudaan jahlinimo iyo diinta oo aysan sida ay tahay u qaadan. wacyigalintaan naloo soo sameen jiray waxay iga badashay fikirkii ahaa in aan inantayda u gudo fircooni,” ayay tiri Maryan iyadu qudheedhu ah qof loo soo guday fircooni.

Madaxa arrimaha bini’aadanimada ee haayada Action Aid, Xaashi Cabdilaahi ayaa sheegay in 7500 oo qof oo ku nool deegaannada kala ah Biyo macaan, Taysa, Ijaara, Qoyta, Beer iyo Inna-afmadoobe  oo ka kala tirsan gobolada Togdheer iyo Maroodijeex ay ka wacyigaliyeen fircooniga tan iyo markii uu barnaamijkan ka bilaawday 4 sano.

“Bulshooyinkaas lixdaas deegaan ku nool waxay nagu dheheen waan joojinay gabi ahaan in aan awlaadeena u gudno gudniinka fircooniga ah,” ayuu yiri Xaashi.

Previous Post

IDAACADA MAANTA AXAD 21 JULLY 2019

Next Post

Howlo bani’aadannimo oo lagu xusuusan doono Hodan Naalaaye

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Howlo bani’aadannimo oo lagu xusuusan doono Hodan Naalaaye

Howlo bani'aadannimo oo lagu xusuusan doono Hodan Naalaaye

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo