Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Digniinaha la xiriira cimilada ee Raadiyow Ergo oo qoysas ku nool sool ka badbaadshay daadad

Radio Ergo by Radio Ergo
July 19, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Digniinaha la xiriira cimilada ee Raadiyow Ergo oo qoysas ku nool sool ka badbaadshay daadad

Axmed Cusmaan oo reerkiisa ka raray dooxo kadib markii uu dhagaystay digniinaha la xiriira cimilada ee Raadiyow Ergo/ Faarax Dubbad/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Axmed Cusmaan oo ku nool tuulada Holhol oo ku dhex-taalo dooxada Jidiinka-dodhada ee gobolka Sool wuxuu reerkiisa ka raray dooxada markii uu fariin digniin ah oo ku saabsanayd daadad laga cabsi qabay in ay ku soo rogman karaan dooxada uu ka dhagaystay RaadiyoErgo 27-kii bishii May ee sannadkan.

Raadiyo Ergo ku sheegay in ay ka sareyn doonaan qararka webiyada iyo dooxooyinka Soomaaliya.

Tugga Waxara-ciyarashe oo u dhow gurigiisa waxaa buux-dhaafiyay daadad ka dhashay roobkii guga oo halkaas si wanaagsan uga da’ay.

Axmed iyo in ka badan boqol qoys ayaa ka cararay guryahooda markii ay maqleen saadaasha roobka.

“Maalintaas waxaan dhageysanaayay Raadiyo Ergo oo aan maalinle u dhageysto. Waxaa isoo jiidatay markii aan maqlay saadaasha roobabka oo dadka deegaankeenna uga digaysa in ay ka fogaadaan dooxooyinka oo daadad ay la dhalan karaan,” ayuu yiri Axmed oo toddobo sano ka mid ahaa dhageyseyaasha ku xiran Raadiyow Ergo.

Maalmo yar un kaddib markii Axmed iyo dadka dariska la ahaa ay ka guureen guryahooda waxaa dooxada Waxara-ciyarashe ay sameysay daadad xoog leh ku fatahay deegaannada u dhow.

Dadka qaar ayaa iska daga-tiray digniinta ay maqleen kuwaa oo ku markii dambe ku go’doomay deegaannada ay daadadku saameeyeen.

“Waxaan ogahay qoys ku xayirmay deegaanada fatahaadda ka dhacday isbuuc kaddib markii aan digniinta maqalnay, isbuucaas kaddib waxaa soo bedbaadiyay in ka badan boqol qof oo dadka deegaanka ah oo u gurmaday,” ayuu yiri Axmed.

Axmed ayaa dib xusuustay daadad xoog leh oo dooxada ka dhacay sannadkii 2004 kuwaa oo ay ku dhinteen konton neef oo ari ah, sidoo kale baabi’isay hanti.

Wuxuu sheegay in xillagaas aysan u suuragal ahaan jirin helista wararka saadaasha roobka iyi digniinaha.

 

Previous Post

IDAACADA MAANTA JIMCE, JULLY 19 2019

Next Post

Dad barakac ahaa oo ganacsiyo ay sameysteen ka shaqaaleysiiyay dadka deegaanka Buuhoodle

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Dad barakac ahaa oo ganacsiyo ay sameysteen ka shaqaaleysiiyay dadka deegaanka Buuhoodle

Dad barakac ahaa oo ganacsiyo ay sameysteen ka shaqaaleysiiyay dadka deegaanka Buuhoodle

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo