Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Digniinaha la xiriira cimilada ee Raadiyow Ergo oo qoysas ku nool sool ka badbaadshay daadad

Radio Ergo by Radio Ergo
July 19, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Digniinaha la xiriira cimilada ee Raadiyow Ergo oo qoysas ku nool sool ka badbaadshay daadad

Axmed Cusmaan oo reerkiisa ka raray dooxo kadib markii uu dhagaystay digniinaha la xiriira cimilada ee Raadiyow Ergo/ Faarax Dubbad/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Axmed Cusmaan oo ku nool tuulada Holhol oo ku dhex-taalo dooxada Jidiinka-dodhada ee gobolka Sool wuxuu reerkiisa ka raray dooxada markii uu fariin digniin ah oo ku saabsanayd daadad laga cabsi qabay in ay ku soo rogman karaan dooxada uu ka dhagaystay RaadiyoErgo 27-kii bishii May ee sannadkan.

Raadiyo Ergo ku sheegay in ay ka sareyn doonaan qararka webiyada iyo dooxooyinka Soomaaliya.

Tugga Waxara-ciyarashe oo u dhow gurigiisa waxaa buux-dhaafiyay daadad ka dhashay roobkii guga oo halkaas si wanaagsan uga da’ay.

Axmed iyo in ka badan boqol qoys ayaa ka cararay guryahooda markii ay maqleen saadaasha roobka.

“Maalintaas waxaan dhageysanaayay Raadiyo Ergo oo aan maalinle u dhageysto. Waxaa isoo jiidatay markii aan maqlay saadaasha roobabka oo dadka deegaankeenna uga digaysa in ay ka fogaadaan dooxooyinka oo daadad ay la dhalan karaan,” ayuu yiri Axmed oo toddobo sano ka mid ahaa dhageyseyaasha ku xiran Raadiyow Ergo.

Maalmo yar un kaddib markii Axmed iyo dadka dariska la ahaa ay ka guureen guryahooda waxaa dooxada Waxara-ciyarashe ay sameysay daadad xoog leh ku fatahay deegaannada u dhow.

Dadka qaar ayaa iska daga-tiray digniinta ay maqleen kuwaa oo ku markii dambe ku go’doomay deegaannada ay daadadku saameeyeen.

“Waxaan ogahay qoys ku xayirmay deegaanada fatahaadda ka dhacday isbuuc kaddib markii aan digniinta maqalnay, isbuucaas kaddib waxaa soo bedbaadiyay in ka badan boqol qof oo dadka deegaanka ah oo u gurmaday,” ayuu yiri Axmed.

Axmed ayaa dib xusuustay daadad xoog leh oo dooxada ka dhacay sannadkii 2004 kuwaa oo ay ku dhinteen konton neef oo ari ah, sidoo kale baabi’isay hanti.

Wuxuu sheegay in xillagaas aysan u suuragal ahaan jirin helista wararka saadaasha roobka iyi digniinaha.

 

Previous Post

IDAACADA MAANTA JIMCE, JULLY 19 2019

Next Post

Dad barakac ahaa oo ganacsiyo ay sameysteen ka shaqaaleysiiyay dadka deegaanka Buuhoodle

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Dad barakac ahaa oo ganacsiyo ay sameysteen ka shaqaaleysiiyay dadka deegaanka Buuhoodle

Dad barakac ahaa oo ganacsiyo ay sameysteen ka shaqaaleysiiyay dadka deegaanka Buuhoodle

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-OCT-2026

IDAACADDA 06-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo