Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dad barakac ahaa oo ganacsiyo ay sameysteen ka shaqaaleysiiyay dadka deegaanka Buuhoodle

Radio Ergo by Radio Ergo
July 19, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dad barakac ahaa oo ganacsiyo ay sameysteen ka shaqaaleysiiyay dadka deegaanka Buuhoodle

Yuusuf Cumar Maxamed, milkiilaha foornada/ Khadr Cawl/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Yuusuf Cumar Maxamed, 14 sano ka hor wuxuu barakac ku yimid magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, isagoo aan xilligaas waxba ka aqoon dadka iyo deegaanka oo uu ku cusbaa.

Hase yeeshee maanta wuxuu ka mid yahay shaqo-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee magaalada. Waxaa u shaqaysa 14 qof oo ka hawlgasha foorno rootiga samaysa oo uu milkiilaheeda yahay. 

Yuusuf oo loo yaqaanno Suufiyow waa 36 uu qoyskiisu ka kooban yahay 7 qof. Wuxuu markii hore dagaallo ka socday dartood uga soo barakacay magaalada Muqdisho.

Billowgii wuxuu ka shaqayn jiray makhaayadaha oo uu cunto kariye ka ahaa, marna wuxuu ka xamaali jiray bakhaarrada, si uu wax ay cunaan ugu helo xaaskiisa iyo labo carruur ah oo uu ula barakacay halkaas, maaddaama aan gargaar laga bixin jiray xerada uu degay ee Suweeto. 

“Caqabad waa kugu imaanaysaa, adoo guriga aad ku dhalatay jooga ayay caqabad imaan kartaa, laakiin haddii uu qofku gacmaha laabto oo uu dhaho waxaad tahay barakace meel ma gaarayo. In aad fekerto oo horrumar hiigsato ayaad kaga gudbi kartaa caqabad walba,” ayuu yiri Yuusuf sharxaayay caqabadaha ka horyimid intii uu ahaa barakac. 

Intii uusan foornada iibsan shan sano ka hor, wuxuu ka ahaa shaqaale. Lacag uu isaga urursaday oo $2000 auu haystay, intii ka dhinnaatay oo ahayd $1000 waxaa loogu qoray deyn ahaan ilaa uu markii dambe wada bixiyay. 

Yuusuf oo qoyskiisa uu hadda uu deggan yahay guri uu isagu leeyahay oo uu ka iibsaday xaafadda Waaberi ee magaalada Buuhoodle ayaa xusay in dadka deegaanka ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen, wax culeys ahna uusan kala kulmin la qabsigooda iyo dhexgelistooda. 

Intii uusan guriga iibsadan ayuu ka guuray xerada barakaca, wuxuuna degay guri kiro ah oo bishii uu ka bixiyo 500,000 oo shilin Soomaali ah oo xilligaas u dhigantay $30, maaddaama aysan u qorsheyseyn in uu dib ugu noqdo Muqdisho, nolosha xeradana uusan u arkeynin mid u leh mustaqbal isaga iyo carruurtiisaba.

Hadda waxay qoyskiisa ku jiraan kuwa heerka dhexe, marka la eego nolosha dadka Buuhoodle. Afar ka tirsan carruurtiisa waxay ku jiraan waxbarasho hoose-dhexe iyo dugsi Quraan, kulligoodna isaga ayaa ka bixiya lacagta.  

Waxaa sidoo kale dadka horrumarka gaaray ka mid ah Cabdillaahi Nuur Macallin oo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ka soo barakacay sanadkii 1994-kii.Balse Buuhoodle wuxuu soo degay 2004 isagoo 10 sano ku dhowaad ku noolaa Boosaaso.

Wuxuu ku shaqaystaa farsamada gacanta gaar ahaana guryaha oo uu saaro jiingadaha. Inkastoo 8 sano ka hor uu ka soo guuray xerada barakaca ee Suweeto oo billowgii uu deggenaa guri kiro ah, haddana 2012 ayuu qoyskiisa oo ka kooban 10 qof u iibiyay guri.

“Buuhoodle waxaa iigu dhashay 4 ciyaal ah, waana deganahay hadda hanti baan ka samaystay alxamdulillaah, waa meel aan la qabsaday oo deegaankayga rasmiga ah weeye maanta dadkii deegaanka aan ugu imid ayaan la mid ahay,” ayuu yiri Cabdillaahi. 

Waxaa jira in ka badan 50 qoys oo kasoo baracakay gobolada koonfureed ee dalka xilliyo kala duwan oo hadda deegaan rasmi ah ku leh Buuhoodle, kuwaas oo hanti iyo guryo kala duwan ka samaystay xilli ay wali jiraan dad ku nool xeryihii barakacayaasha oo la aasaasay 1995kii.  

Dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Buuhoodle ayaa nolol ahaan ku tiirsan xoogsi. Raggu waxay ka shaqeeyaan dhismayaasha, makhaayadaha, xamaaliga iyo shaqooyin kale oo hoose, dumarka ayaa dhankooda ka shaqeeya guryaha iyo nadaafadda meheradaha waaweyn. 

Magaalada Buuhoodle waxaa hadda ku yaala labo xero barakac, kuwaas oo kala ah kaamka Suweeto oo ay degan yihiin 65 qoys. Waxay dadkaas ka hareen qaar dadka deegaanka dhexgalay iyo kuwo dib ugu noqday gobolladii ay ka soo barakaceen.

Sidoo kale waxaa magaaalada ku yaal xerada Shangale oo ay degan yihiin qoysas ku xoola beelay abaarihii u dambeeyay ee dalka ka dhacay. 

Carruurta qoysaska deggan kaamka Shangale waxay waxbarasho lacag-la’aan ah  ka helaan dugsi hoose-dhexe oo ay dhiseen jaaliyadaha dibadda ee deegaanka kasoo jeeda, kaasoo ku yaalla xaafadda Tuulo-barwaaqo oo dhacda galbeedka Buuhoodle, halka carruurta Kaamka Suweeto ay wax-ka-bartaan iskuul ku yaalla xaafadda Shaxda ee dhanka xadka Itoobiya. iskuulkaas oo lacag-la’aan ah waxaa maamusha dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

Previous Post

Digniinaha la xiriira cimilada ee Raadiyow Ergo oo qoysas ku nool sool ka badbaadshay daadad

Next Post

IDAACADA MAANTA SABTI 20 JULY 2019

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post

IDAACADA MAANTA SABTI 20 JULY 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo