Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Walaac laga muujinaayo dabargo’ ku yimaada fardaha ku nool geyiga Soomaalida

Radio Ergo by Radio Ergo
June 20, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Walaac laga muujinaayo dabargo’ ku yimaada fardaha ku nool geyiga Soomaalida

Daahir Maxamed Jaamac (Dhahar) oo ka mid ah fardoolayda Xingalool ee gobolka Sanaag/Sawir/Maxamed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Daahir Maxamed Jaamc Dhahar oo ka soo jeeda qoys dhaqan jiray fardaha ayaa ka digay dabar-go’ ku yimaada fardaha ku nool dhulka Soomaalida.

Isaga oo ku jooga faras midabkiisu yahay xamar oo ka mid ah laba faras oo uga haray 11 faras oo uu horay u dhaqab jiray ayuu sheegay in qoyskiisa oo ka soo jeeda fardoolay qasaaro wayn ka soo gaartay abaarihii isxig-xigay ee geyiga Soomalida ku dhuftay.

“Fardaha noloshooda waxay ahayd cawskii dureemada ee dooxoyinka ka bixi jiray, cawskaasna waa la waayey, Xingalool waxa ku noolaa shan sano ka hor 100 faras, haddana waxaa ka jooga 30 aan tamar badan lahayn,” ayuu yiri Daahir oo la hadlay Raadiyow Ergo.

Daahir waxa uu xusay in uu uga guuray farduhuu lahaa deegaanka markii uu xolihii kale u raray Badhan.

Fardaha ka dhintay faraskii ugu danbeeyeyna wuxuu ka bakhtiyey bishii Abriil ee sanadka.

“Sida xoolaha kale fardaha raashin lama siiyo, mana jirto daryeel kale oo aan u awooday, taasina waxay keentay in aan uga guuro dooxada ay daaqi jireen oo aan biyo iyo baad toona lahayn, markay caatoobaanna waraabuhu cuno intay ka ordi kari waayaan” ayuu ku cataabay Daahir oo ka tiiraanyaysan dabargo’ ku socda fardihiisa.

Sida uu Daahir u sheegay Raadiyow Ergo kumayaal fardood ayaa ku noolaa deegaankiisa wixii ka horeeyey sanadkii 2000, haddana lixdan faras ayaa ku harsan bariga gobolka Sanaag.

Daahir waxa uu hadda laba faras oo keliya ku haystaa deegaanka Sibbaaye oo ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, labaduba waa lab, waana fardo ku dhow 20 jirro, mana ahan kuwo uu rajo ka qabo in ay usii tarmaan.

“Fardaha tafaasiishooda waxaa ka mid ah faras ku joog ama jaraha hay , Caynaan Fardod nin yaqaan ayaa ka weydiyaa, Fardaha waxaa loo haystaa xarrago qurux, gabadh markii aad guursanayso intaas oo geela iyo faras ayaad ka bixinaysaa, soo dhoweynta madaxda. Sidoo kale sahanka ayey muhiim u ahaayeen markii roob meel durugsan ka da’o. Haddase rajadaasi iga dhamaatay,” Daahir oo hadda haysta labo fardood keliya ku calaacalay sidaas.

Cali Diiriye Faracade oo 80 jir dhaqan yaqaan ah, ahna nin weligii fardo soo dhaqayey ayaa Ergo u sheegey in fardaha ahaayeen kuwa xoolo la dhaqdo ugu qiimaha badan, wax kastoo qaaliyana ay goynayeen.

“Wakhti hore fardaha waxay qayb ka ahaayeen nolosha dadka, xoolahaa lagu dhaqayey, geela lagu ilaalinayey, lagu raacayey, laguna badi goobayey, intii gaadiidku yimidse xaragada iyo qurxinta goleyaasha ayaa loo isticmaalaa, welina baahidaasi waa uu leeyahay faraska” ayuu yiri Cali oo ku nool magaalada Badhan.

Cali wuxuu sheegay in hadda dadku xoolihii calafka ay ka helayaan samata bixintooda la daala dhacayaan, taasina meesha ka saartay xanaanadii la siin jiray fardaha. Ka sokow in ay sii gabargo’ayaan fardaha, hadana waxaa la kala siistaa celcelis ahaan lacag $2500 ilaa 4,000

“Waana qayb xoolaha ka mid ahayd oo muhiim ah haddii ay meesha ka baxanna waxaa lumaya wax badan oo dhaqanka nolosha ku tiirsanaa sida xaragadii guurka iyo xil qabkii xoolaha kale” ayuu yiri Cali.

Sanaag oo keliya maaha balse gobollada Sool iyo Nugaal oo ay farduhu cammirijireen ayaan Iyana haatan lagu arag midhadh mooyaane sida uu Ergo u sheegay Cismaan Faarax Guuleed oo ka mid ah fardooleydii hore ee degmada Taleex ee gobolka Sool oo ay isna u soodeegeen geenyo iyo faras oo kaliya.

“Fardaha Taleex baa ugu wacnaa, laakiin inta gaadiidku ku batay, wax weyn baa hoos u dhacay. Hadda aagga Taleex ilaa 50 neef ayaa ku nool, annaga waxaan lahaayn ilaa 20 haddase faras iyo geenyo bes ayaan ogahay,” ayuu ku faahfaahiyan Cali.

Dr Cali Askar waa dhaqtar xoolaad oo ku nool magaalada Xingalool ayaa sheegay in fardaha yihiin kuwo u nugul haraadka iyo daaq la’aanta, biyahana ay ka qadaan laba maalmood, ayna ka daaq badan yihiin xoolaha oo habeeniyo maalinba ay donayaan in ay helaan caws, haddii ay waayaanna tamarta ka dhamanayso.

“Xannaano xoolaha waxa u ah inta innaga xanaanada in oo ah cunto biyo, cudurrada oo laga ilaaliyo dhaqaale haddii ay waayaanna meesha waa ka baxayaan, daawadu waa wax ku haya oo kaa qaadaysa lakin cunto waxkama tarto’.

Gaadiidka casriga ah ee baabuurta oo batay ayaa iyana sababaha kale oo loo illoobay fardaha qeybka ah.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, KHAMIIS 20-06-2019

Next Post

IDAAACADA MAANTA JIMCE 21 JUNE 2019

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post

IDAAACADA MAANTA JIMCE 21 JUNE 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo