(ERGO) – Roobka ayaa ah il-biyoodka keliya ee ay ku tiirsan yihiin dadka ku nool degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.
Ceelal gacan-ku-qod ah oo biyahooda ay qaar dhanaan yihiin, qaarna qaraar ayaa ku yaalla, kuwaas oo aanay dadku cabin.
Inkastoo roobabku ay yaraadeen sanadihii u dambeeyay, haddana mar kasta oo uu u da’o waxay dadku xareedda ku keydsadaan barkado iyo waro ilaa 13 gaaraya oo qaarkood iskaa-wax-u-qabso lagu qoday saddexdii bil ee u dambeysay.
Malaaq Maxamed Isxaaq Gambar oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degmada Buurhakaba ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay dadku isxilqaan ku qoteen toddobo warood iyo labo barkadood.
Ma ahan kuwo lagu qoday makiinado waaweyn, hase yeeshee sida uu tilmaamay dadka ayaa gacmahooda ku qoday iyagoo adeegsanaya garweyn, yaanbo iyo marteelaha dhagaxa lagu jabiyo.
“Hadda kolley xoogaa biyo ah ayaa noogu jira, aad baan ugu faraxsannahay, laakiin waxaan ka cabsi qabnaa bilo dhow inay biyaha go’aan. Roobka gu’ga ayaa nagu yaraa, runtii biyaha hadda aad bay noogu yar yihiin, haddii intaan deyrta la gaarin ay biyaha sidaas nooga go’aanna waxaa biyo loo doonanayaa 7 km. Dadka jiirikaanno ayay wataan gawaari ma haystaan, booyado ma haystaan, jiirikaan 7 km inaan laga soo qaadi karin waad la socotaa adigu,” ayuu yiri Malaaq Maxamed.
Saddex bil ka hor waxaa Buur-hakaba ku yaallay labo waro oo ahaa kuwo jirey tan iyo dowladii dhaxe ee Soomaaliya iyo hal barkad oo sanado ka hor ay hay’ad hirgelisay, laakiin nooma suuragelin inaan helno cid magaca hay’adda noo xaqiijisa.
Bishii April ee sanadkii hore oo aheyd wakhtigii ugu danbeyey ee waraha biyo u galaan islamarkaana roobkii kan ka horeyey ay heleen ayaa keyd ahaan u heleen biyo mudo bil ah la is ticmaalayay.
Sababta keentay in ay dadka deegaanku barakado iyo waro cusub qotaan ayaa ah baahi dhanka biyaha ah oo ay qabeen sanado badan.
Degmada oo ballaaratay, dadkeeduna ay bateen ayaa sababi jiray in dhaqso loo dhameysto biyaha keydka ah ee ka hara roobka aan badneyn ee da’ayay dhowrkii xilli-roobaad ee u dambeeyay.
Hadda waxay rajeynayaan in barkadaha iyo waraha cusub ay meesha ka saari karaan haraadkii iyo barakaca ka dhalan jiray biyo-yarida, sida uu Raadiyo Ergo u sheegey Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah dadka hormuudka u ahaa hirgelinta waraha cusub ee dheeraadka ah.
Wuxuu xusay in dadaalkan ay u sameeyeen si wax looga qabto dhibaatada raadinta biyaha loo mari jiray wakhtiga jilaalka.
Dadku meelo fogfog ayay u lugeyn jireen, marar aan yareyna booyado biyaha lacag badan uga iibiya ayaa dadka ugu geyn jiray degmada.
Muddo lix bilood ah oo ka horreysay qodista waraha iyo barakadaha ayuu tilmaamay ay sameeyeen wacyigelin.
Ma jirto cid dadka deegaanka ka caawisay howshan sida ay Raadiyo Ergo u sheegeen odoyaasha arintan maamulayay, balse maamulka Degmada Buur-hakaba ayaa iyaga arintan kaga qeyb qaatey bixinta dhaqaalaha ku baxay dhismaha labo barkad.
Cabdullaahi Nuur Warsame wuxuu ka mid yahay qoysaska labaatan maalmood ka hor dib ugu soo noqday degmada Buurhakaba, kaddib afar bil oo uu barakac ku joogay Baydhabo iyo Daynuunaay.
Wuxuu qoyskiisa oo ka kooban lix qof ka raray degmada markii uu awoodi waayay inuu iibsado fuustada biyaha oo xilligaas Buurhakaba ka gaartay 100 kun oo shilinka Soomaali ah oo u dhiganta shan doolar iyo bar.
Dhaqaale ay gaari ku raacaan ma heysan qoyskiisa, sidaas daraaddeed labada jeer ee guurista iyo soo noqoshada wuxuu sheegay in ay ku guureen gaari-dameer ay iyaga lahaayeen.
Cabdullaahi oo nolosha qoyskiisa ku maareeya shaqooyin xoogsi ah, sidoo kalena beer ku leh meel 18 km u jirta Buurhakaba ayaa sheegaya in hadda ay cabaan biyo keyd ah oo u galay barkad yar oo guriga horey uga dhisneyd.
“Mar waxaa jirtay saddex bilood mise labo bilood iyo bar aan dagmada ka maqnaa. Xaalado badan ayaa iska jiro oo aad u cuslaa. Maadaama waro biyaha lagu kaydsado aysan jirin roobka uu iska di’i jiray. Haddana waro ayaa la qoday oo toddobo warood camal ayaa la qoday,” ayuu yiri Cabdullaahi oo walaac ka muujiyay in haddana mar kale ay magaalada ay wajahdo biyo yari.
Inkastoo hadda roobka gu’ga ee Buurhakaba ka da’ay uu yaraa haddana waraha waxaa galey sida ay odoyaasha iyo dadka magaalada sheegayaan biyo muddo lagu qiyaasay labo bilood ay dadku isticmaali karaan, balse guddoomiyaha degmada Buurhakaba Mustaf Axmed Maxamed ayaa sheegay in laga taxadarayo isticmaalka qaar ka tirsan barkadaha oo gudaha magaalada ku yaalla.
Waxaa lagu wareejiyey silig iyo ood si xoolaha iyo caruurta looga ilaaliyo. Waxaa loo sameeyay dad ilaaliya oo si nidaam leh ugu fasaxa dadka ka dhaansanaya.
Waxaa jira dad guryahooda barkado yaryar ku sameystay oo iyaguna haysta keyd aan badneyn oo biyo ah, waxaana uu maamulku ku talagaley in biyaha keydka ah aysan dadka kale la isticmaali karin ilaa ay baahidooda ka dhamaadaan.
Xilliyada Jilaalka la gaaro oo ah wakhtiga ay baahida biyaha aadka u dareemaan bulshada Buurhakaba ayaa waxaybiyo dhaansi u aadi jireen Toga Leheley oo Qiyaastii 20 KM u jira Degmada iyo ceelal kuyaala Deegaanka Daynuuney oo ah meesha labaad ay biyo ka doontaan oo iyadana KM dhan 30.
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee maamulka Koonfur-galbeed Cabdullaahi Isxaaq Maxamed oo Raadiyo Ergo u warramay ayaa sheegey in ay adag tahay gudaha magaalada in laga qodo ceelal biyo-macaan.
Sanadkii 2017 ayuu xusay in hal ceel oo tijaabo oo riig ah laga qodey xerada AMISOM ee degmada, balse ay biyihiisu dhanaan noqdeen. Waxay tijaabin doonaan haddii biyo macaan laga heli karo oo ceelal riig ah laga qodi karo duleedyada magaalada, balse nooma sheegin waqti cayiman oo ay tallaabadaas qaadi doonaan.
“Ceelal ku filan ma haysto deegaankaasi, ceelashiisiina dhanaan ayey noqdeen. Warooyin biyaha lagu keydiyo kaliya ayey ku nool yihiin. Dadka deegaanka oo warahaa ayey dadka biyaha ka cabaan, marka baraago sidaas ahna ma laha,” ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka.
Sida uu sheegay Cabdullaahi, in wasaaradda ay wado qorshe dagmooyinkaas, khaasatan Buur-Hakabo ay wax ka qabanayso.
“Insha allah muddooyinka soo socdana waraasaradda waxay wadaa qorshe lagu dhiso baraago, sida waraha biyaha kaydiyo iyo ceelal riig ah mustaqbalka,” sidaas ayuu balanqaaday wasiirka.









