(ERGO) – Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee maamulka Puntland oo jimcihii kulan kula qaadatay magaalada Garowe qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka ee gobolka Nugaal ayaa kala hadashay in aysan faragelin kiisaska la xiriira tacaddiyada haweenka gaar ahaan kufsiga oo ay u daayaan hay’adaha caddaaladda.
Inta badan kiisaska kufsiga ayaa loo dhammeeyaa si hoose iyadoo la kaashanayo odayaasha arrintaas oo dadka xuquuqda haweenka u ololeeya ay u arkaan inay sababto caddaalad darro ay wajahaan dhibbane-yaasha kufsiga.
Haddaba si aan wax badan uga ogaanno kulankaas iyo qodobbada ka soo baxay ayaa Leyla Cabdi Maxamed oo ka mid ah barnaamij soo saareyaasha Raadiyo Ergo waxay khadka taleefahnka ee magaalada Garowe kula xiriirtay Aamina Maxamuud Nuur oo ah agaasimaha waaxda ka hortagga tacaddiya iyo arrimaha jinsiga ee wasaaradda haweenka Puntland waxayna marka hore waydiisay sababta ay kulanka u qabteen.









