Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Somaliland: Xarumo caafimaad oo laga furay deegaanno miyi ah

Radio Ergo by Radio Ergo
May 23, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
New health centre opens for refugee returnees in Kismayu

Sawir kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar iyo toban kun iyo lix boqol oo qof oo isugu jira haween iyo carruur ayaa shantii bilood ee u dambeeyay ka faa’ideystay adeegyo ay bixiyaan xarumo caafimaad oo laga hirgeliyay deegaanno ka tirsan Somaliland.

Haweenka ayaa adeegyo isugu jira daaweyn, dhalmo iyo xannaanayn tallaal loogu sameeyay 65 xarumood oo la furay dhammaadkii sannadkii hore.

Xarumaha ayaa wasaaradda caafimaadka Somaliland waxay u dhistay si loo yareeyo baahiyaha hooyooyinka iyo carruurtu u qabaan goobo caafimaad oo lagu daryeelo waqtiga dhalmada, sida uu Raadiyaha Ergo u sheegay Maxamed Cabdi Xergeeye oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka.

Wuxuu xusay in haweenka deggan miyiga ay dhib badan ku qabeen helitaanka adeegyada caafimaadka ee yaalla magaalooyinka ku waa oo ay waddooyin qarjajeex u soo mari jiray.

“Adeegga ay wasaaradda caafimaadku bulshada u hayso ayay ku jirtay in xarumahan la dhiso, sidoo kale in kor loo qaado xarumaha caafimaadka ayaan wadnaa hadba meesha looga baahan yahay, dadku in ay ka faa’ideystaan oo deegaankooda ka helaan ayaa muhiim oo mashruuca horumarinta Somaliland ku xusan, taas ayaan ka duulaynaa”ayuu yidhi Xergeeye.

Xaliimo Daahir Cige, lixdii bishii afaraad ee sannadkan ayay ku umushay xarun caafimaad oo laga sameeyay bishii December ee sanadkii hore deegaanka Gargaara-beri oo magaalada Lughaya ee gobolka Awdal u jirta 35km.

Waa hooyada shan carruur ah oo markii u horreysay ku umushay xarun caafimaad.

Intii ay uurka lahayd waxaa xaaladdeeda la socday kalkaaliyeyaasha xarunta iyadoo adeegyada ku helaysay si bilaash ah.

Hase yeeshee hadda waxaa ay ka bogsatay xanuunkaasi hore u soo maray.

“Dhib badan ayaa nagu haysatay marka aan foolanayo, waddo la’aan iyo baabuur la’aan ayaa jirtay, mararka qaar awr ayaa la igu qaadi jiray, dhexda ayay fooshu igu qabanaysay, waan iska dhaafi jirnay marka cidna naga umulisa aan waayo, alxamdulilaah weeyi haddaanan midkii u dambeeyay dhibtaasi marin oo deegaankaygii la iiga furay cisbitaal,” ayay tiri Xaliimo.

Tan iyo markii xarunta looga furay deegaankeeda kama cabsi qabto in ay dhibaato u marto daryeel la’aan caafimaad.

Xarunta deegaankeeda iyo kuwa kalaba waxaa yaala dhammaan qalabka dhalmada iyo mashiinadii lagu cabbiro haweenka uurka leh.

“Mar dawo lana siiyo iyo mar lanala tacaalo waan iska fiicanahay imika, dhibtii nasoo mareysay waan ka kaaftoonay, adeeg caafimaad oo aanan haysan ayaanu haysanaa, wixii aan meel ka doonan jirnay ayaa deegaankayagii noogu yimiday,” ayay tiri Xaliimo.

Markii ugu horreysay ayay ilmaheeda ka tallaashay cudurka dabeysha oo 28-kii Abriil ee sannadkan mar uu tallaalku ka billowday deegaankeeda.

Xarumaha waxaa intooda badan laga hirgaliyay deegaanada miyiga ah ee aan u dhaweyn magaalooyinka, waqti badan ayay ku qaadan jirtay hooyooyinka inay helaan adeegyadan ay hadda helayaan.

Ayaan Maxamed Cabdilaahi oo ah hooyada lix carruur ah, markii u horreysay waxay 22-kii bishii labaad ee sannadkan carruurteeda daweyn iyo talaal uga heshay xarunta laga furay Ugaas Madow oo 90 km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Berbera.

Jadeeco ayaa kaga dhacday labo ka tirsan carruurteeda, waxaana dawayn loo seexiyay xarunta caafimaad ee laga furay deegaanka oo muddo toddobo maalmood ah ay ku jiraan.

Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in labo maalmood ama ka badan ay ku qaadan jirtay in inay hesho gaari ay carruurta ku qaaddo marka ay ka xanuunsadaan.

Gaadhiga deegaanka caanaha ka qaada ayay ku geyn jirtay isbitaalka Berbera ama Hargeysa.

“Carruurteydu tallaal may helin, qarfadaan ayaan ku noolaa, shantii bilood ayaan mar ka xaysan jiray haddii mid xanuunsado, labo habeen ayaan lasii dhaxayay, waxaan xooga saari uun inaan jadeecada ka tallaalo. Waxaan ku qabnay dhib, laakiin haddaba waan ka nasanayna baahidaasi jirta oo carruurtii uma baqayo, annigii ma cabsanayo oo dawadii waa bilaash, markii aan dhalaayay shanta carruur ah, dhiig joojin in la ii helo waxay igu qaadatay saddex maalmood, hadda aayar ayaan wareegaya oo aan ka soo qaadanayaa waxaan u baahdo,” ayay tiri Ayaan.

Xarumaha caafimaadka ee ay sameysay wasaaradda caafimaadka Somaliland waxaa ka howlgalaya siddeed boqol iyo afar soddon qof oo mihnadlayaal caafimaad ah ku waa oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo umulisooyin.

Xarunta ugu weyn ee hooyada iyo dhalaanka ayaa hadda dhismaheedu wuxuu ka socdaa isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa kaasi oo ay ku baxayso lacag gaadhayso saddex boqol oo kun oo doolar.

Dhismahan waxaa wasaaradda ka caawinaysa ha’adda qaramada midoobay ee UNFPA sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda caafimaadka.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka beeraha

Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 23-May-2019

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 23-May-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-SEP-2026

IDAACADDA 21-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo