Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Imtixaanka dowladda oo maanta dib uga bilawday Baydhabo

Radio Ergo by Radio Ergo
May 27, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Imtixaanka dowladda oo maanta dib uga bilawday Baydhabo

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Inka badan 31 kun oo arday ayaa maanta dalka oo dhan uga fariisatey imtixaanka shahaadiga ee ay qaadeyso wasaarada Waxbarshada ee xukuumada Fadaraalka Soomaaliya.

Imtixaanaadkan ayaa waxay kala dhacayaan  Gobalka Banaadir iyo Xarumaha Dowlad gobaleedyada dalka.

Magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel-gaalka ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu imtixaankan ka dhacayaa afar goobood.

Ammaanka goobaha imtixaanka lagu qaadayo ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay.

Ardayda imtixaanka dugsiga sare u fariisatay magaalada Baydhabo waxay tiradooda gaaraysaa 185 arday, sida uu i noo xaqiijiya, Saciid Yuusuf Maxamed oo ah kormeeraha guud ee wasaaradda waxabrashada Soomaaliya qeybta gobolka Bay

“Si deganaan ah ayaa maanta uu noogu furmay imtixaanka. Waana ku faraxsanahay,barnaamijkan ka soconaya xarumaha qaar ee magaalada Baydhabo. Maanta maadooyinka Soomali iyo Tarbiyada ayaa la galayaa. Waa imtixaan cusub maadama kii hore fashilmay, waana laga taxadirey sidii hore in ay wax u dhacaan,” ayuu yiri Saciid.

Ayadoo xalay waxaa baraha bulshada ay ku xiriirto ee internet-ka lagu faafiyay warqado la sheegayo in ay yihiin maaddooyinka imtixaanka ee maanta la qaadayo, ayuu kormeeraha wax kama jiraan ku tilmaamay in warqadaha imtixaanka la helay.

“Warqadaha waa been abuur,kuwan hada la sheegayo oo baraha bulshada lagu faafiyey fiidkii xaley waa kuwii hore waxna kama jiraan,arintii ku aadaneyd khadka internet-ka la jarayo waa arin u taala wasaarada marka iney jarayaan iyo kale waan arkeynaa,” ayuu yiri Saciid.

Dowladda ayaa horay u sheegtay in la jari doono internet-ka inta uu imtixaanku socdo, balse waxay u muuqataa in aysan taasi suurtagelin maaddaama magaalooyinka waaweyn uu internet-ku caadi u shaqeynayo.

Balse wasiirka Wasaarada waxabasharada Koonfur galbeed Cabdiraxmaan Cusmaan Malaaq ayaa sheegey in wax kasta la filan karo taas oo uu sheegey in mas,uuliyadeeda dowlada dhaxe qaadeyso.

“Cabashadii horey u jirtey waa la wada xaliyey hadda laakiin haddii mar kale qalad dhankeeda ka dhaco mas’uuliyada iyadaa qaadeyso. Anaga xageeda qaladka ma aheyn,” ayuu yiri wasiirka.

Qaar ka mid ardayda imtixaanka galaysay maanta walwalsan ka muujiyay in mar kale la xannibo imtixaanaadka ayaa ka codsaday in dowladda ay xaqiijiso hufnaanta imtixaanka.

Xasan Aadan Cali waa gudoomiyaha midowga iskuuladka gaarka loo leeyahay ee magaalada Baydhabo.

Xasan waxaa uu sheegey in cabashadii horey u muujiyeen wasaarada ka qancisay islamarkaana ay raali ka yihiin qabsoomida Imtixaankan oo ahaa mid horey loo joojiyey.

“Anaga hadii aynu nahay maamulada Iskuulada Baydhabo, wixii horey u dhacay cabasho ayaa ka muujiney. waxaan sheegney iney qalad aheyn in imtixaankii horey u socdey la joojiyo,balse wada hadal ayaa dhacey oo wasaaradaha waxbarashada iyo dowladda dhaxe,” sidaas ayuu Xasan u sheegay Raadiyo Ergo.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 27-MAY-2019

Next Post

Dhoobleey: 500 oo qoysas barakac ah oo la siiyay bacaha roobka

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Balacd:1600 oo qoys qoys ayaa ku barakacay dagaallo u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada dowladda

Dhoobleey: 500 oo qoysas barakac ah oo la siiyay bacaha roobka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo