Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobleey: 500 oo qoysas barakac ah oo la siiyay bacaha roobka

Radio Ergo by Radio Ergo
May 28, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Balacd:1600 oo qoys qoys ayaa ku barakacay dagaallo u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada dowladda

Sawir: kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas barakacayaal ah oo ku nool xerada Dan-waad ee magaalada Dhoobleey  oo uu saamayn ku yaashay roobka guga oo si fiican uga da’ay halkaas ayaa hadda waxaa ay heleen baco ay saartaan guryahooda oo ka  samaysan oo cooshado.

Qoyasaskaas waxaa ka mid ah Gammaalo Cali Aadan oo toddobaadki hore roob socday 12 saacdood uu saamayn lixaad leh ku keenay.

“Roobkaa daraadii dad nool ayaa nagga dhiman gaadhay. Xaafado noo dhow oo aan galno malahayn oo caruurtii waa qadhqadheen.  Sidaan ugu rafaadaayay oo marba meel maryo uga saarayey ayuu roobkii nagga qaaday,” ayay tiri Gammaalo oo la hadashay Raadiyo Ergo.

Labadii maalin ee ugu danbaysay dhoobley waxaa ka da’ay ilaa sadex roob oo lixaad leh,

Gamaallo oo ay seygeedii kala tageen ayaa ah qof-ka kaliya ee u shaqeeya sideed caruur ah oo kan ugu wayn uu yahay 12 Sanno jir.

Gammaallo wxay ka shaqaysaa dhar dhaqaal ah oo maalintii ay ka hesho lacag dhan 40,000 Soomaali ah oo u dhiganta 1.5 bar, taas oo ay ku maarayso nolasha reerkeeda.

Ayadoo ka hadlaysa sida ay wax ugu tareen nolasheeda bicihii la qaybiyay, ayay Hooyadan ayaa sheegtay  in qoyskeedda uu san wax saamayn ah uu san ku yeellan  roobabkii shalay iyo doraad ka da’aayey  dhoobley.

Waxayna intaas raacisay in wax alaaba aysan ka qoyin maadama ay ka mid ahayd dadkii la siiyey baha roobka celiya.

Dadka ay Gammaalo ayaa waxaa kale oo la siiyay maacuun, gogol iyo bustayaal.

Guud ahaan qoysaska la caawiyay ayaa ah 500.

Adeeggan ayaa waxaa bixiyay hay’adda UNHCR iyo Gudga qaxootiga Jubbaland sida uu inoo sheegay madaxa xafiiska gudiga dadka baracay iyo qaxootiga, Axmednuur Cabdi Maxamed.

Wuxuu sheegay in hay’adda  UNHCR iyo gudigga ay sameeyeen sahan ay ku ogaanayeen dadka ay hayso hoy xumada maadama hadda lagu gudda Jirro xiligga roobka,.

“Waxaan badanaa isticmaalna hadaan ruuxa baahidda uu qaabo iyo dadka sidda ay u kala daran yihiin. Waxaana aan soo xulnay dadkii ugu jilicsanaa qaasatan dadkii ugu danbeeyey ee imaada xeryaha barakacaaysha,” ayuu yiri Axmednuur.

Bishaaro Maxamed Cali oo ku nool xeradda Barakacayaasha Nasiib ayaa iyaduna waxaa ay ka mid tahay  qoysaska uu sida wayn u saameeyey roobka gugga oo ka da’aayey dhoobley.

Bishaaro ayaa sheegtay in roobka oo da’aayey muddo saacado ah uu sababay in uu daad soo galo gurigeeda.

“Intii uu roobku socday ayaan waxaan caruurta laba geed u sudhay meel taag ah oo aan bakado kor ka saaray halkaas ayaan roobka ka jirsanay,” ayay tiri.

Qoyska Bishaaro nolashoda waxaa ay ku tiirsan tahay xaabo ay u raadiso baadiyaha Dhoobley taas oo ay ka iibiso maqaayadaha cunnada ee dhoobley.

Waxaana maalintii ay ka heshaa 50,000 shilin Soomaali ah,taas oo ay ku maarayso nolasha farteedda caruurta ah.

Magaaladda Dhoobley ayaa waxaa ku nool 5150 oo qoys oo barakacayaal ah kuwaas oo ah dad beeralay ah iyo dad xoolo dhaqato ay saameeyeen abaarihii dalka soo maray.

Previous Post

Imtixaanka dowladda oo maanta dib uga bilawday Baydhabo

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 28-MAY-2019

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 28-MAY-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo