Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dowladda oo loogu baaqay inay dib u dhigto xilliga imtixaanka dugsiga sare

Radio Ergo by Radio Ergo
May 20, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dhuusamareeb: Iskuul $1 ah oo carruurta reer miyiga ku dhiirrigelinaya waxbarashada

Arday ku jirta fasal/Sawir keyd ah/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Go’aanka Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku joojisay isla markaasna ay ku doonayso in lagu noqdo imtixaanka dugsiyada sare ayaa sababay walaac weyn ku abuuray dugsiyada iyo dowlad goboleedyada.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa baabi’isay maadooyinka imtixaanka dugsiga sare ee horey loo galay kadib markii warqadaha imtixaanka lagu faafiyay baraha bulshada.

Wasiirka waxbarashada Cabdullahi Goodax Bare ayaa sheegay imtixaan cuusb oo 5 maalin soconaya la qaadi doono 27 bishan. Waxaa maalmaha imtixaanka la xanibi doonaa qadka Internetka, si gaar ah Facebook.

Madaxa Waaxda Imtixaanaadka ee dowlad-goboleedka Puntland Axmed Sahid ayaa sheegay in waqtiga yar ee la doonayo in lagu qabto imtixaanka cusub aysan suurtogal ahayn.

“Waan ka naxay marka aan maqlay in wasiirku sheegay in imtixaamada cusub la qaban doonaa 27 Maajo. Waa saddex iyo toban cisho. Waxaan ku fiican tahay in la yiraahdo 27 Juun,” ayuu yiri Ahmed Saahid.

Saahid wuxuu walaac ka muujiyay in imtixaanka cusub ay maamulaan isla dadkii maamulay kii hore. Wuxuu sheegay inay taas noqon doonto guuldarro kale.

“Tayadda imtixaanka cusub wuxuu noqon karaa mid liita waqtiga yar ee la qabtay awgeed,” ayuu yiri Saahid.

Qaar kale waxay su’aal geliyeen sababaha loo cuskaday joojinta imtixaanka oo dhan. Xasan Aadan oo madax ka ah Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada Baydhabo ee dowlad-goboleedka Koonfur-gableed ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in ay ahayd in dowladda federaalka ah ay baabi’iso keliya warqadaha imtixaanka ee su’aashu saaran tahay in ay baxeen.

“Ma horeba waxaan dhamaynay lix warqadood ilaa saddex maalmood,” ayuu yiri Aadan. “Dowladda waxaa fiican in ay bedel ku samayso warqadaha dhiman ee imtixaanka. Annaga cabashadayadu waa taas. Dowladdu waxay dooneysaa in ardaydu dib u galaan maaddo kasta oo ay hore u galeenba”

Aadan ayaa sheegay in dowladdu ay xaq u leedahay joojinta imtixaanka laakiin buu yiri waa in tahay mid tixgelin leh. Kuwa ku lugta leh dusinta iyo iibinta warqadaha imtixaanka ayay tahay in la baaro isla markaasna la ciqaabo.

“Waan samaynay doorkayagii diyaarinta carruurtan iyadoo loo marayo 12 sano oo iskuul ah. Sidaas darteed, waxaan xaq u leenahay in aan u cabano dowladda,” ayuu yiri Aadan.

Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa caddaysay in aysan sii socon doonin in ardaydeeda ay ka qaybgalaan imtixaanka guud ee qaranka.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada ee Hirshabeelle Mohamed Macalin Kulmiye ayaa ku baaqay in mustaqbalka la daadejiyo imtixaanaadka. Wuxuu sheegay in ay aqbalayaan wax ka bedelka ay jadwalka imtixaanka ku samaysay dowladda federaalku sannadkan, laakiin arrintaas ayaa noqonaysa markii ugu dambaysay dhinacooda. “Madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu sheegay in aysan dowladda federaalka kala sii qayb ahaan doonin marka ay timaaddo

imtixaanaadka sannadka dambe. Imtixaan gaar u ah ayaan qabanaynaa,” ayuu yiri Maxamed Macalin.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA AXAD 19-MAY-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 20-MAY-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 20-MAY-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo