Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo cudurka jadeecada ugu dhimanaya gobolka Mudug

Radio Ergo by Radio Ergo
April 17, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer miyi billaabay in ay dib u dhaqdaan xoolo muddo ka badan labo sano kaddib

kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xoolo dhaqato ku nool tuulooyinka Bajeela, Eldibir, Budbud, Xiingod oo ka tirsan degmada Hoboyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ariga uu kaga dhacay cudurka jadeecada.

Dadka ayaa sheegay in ariga ay ku arkeen calaamdaha cudurka jadeecada sida shuban, duuf, nabarro afka ka soo baxa, tabar darro.

Maxamed Nuur diiriye, oo ku nool miyiga deegaanka Bajeela 120 KM u jirta dagmada Hobyo ayaa sheegay in bishi March ee la soo dhaafay uu ku arkay xanuunkan arigiisa ayna ka dhinteen 20 neef 55 kale uu hadda hayo.

Hadda ariga qaba cudurkan ayuu ku daaweeyaa daawo aan dhaqatar u qorin oo ka uu ka soo gatay goobaha ganacsiga taas oo uu magaceeda ku sheegay ogos.

Xalki xabbo oo daawadaas ah ayaa laga siiyaa lacag 3 doollar oo u dhiganta 96 kun oo shilin Soomaali ah.

Daawadan oo ah mid neefka lagu duro ayuu sheegay in si tijaabo ah ay ugu billaabeen neefaf ari ah kadib marki ay fiicnaadeenna ay kuwa kale ku dureen.

Nolasha qoyskiisa oo ka kooban 7 ruux ah ayaa ku tiirsanaa ariga oo ka heli jiray caano, hilib iyo lacag intaba.

“Daawada Bajeela ayaa lagu gadaa oo Gaalkacyo iyo Muqdisho ayaa laga kala keenaa, nin ayaa ka ganacsado daawadana magaceeda Ogos ayaa la dhahaa, markii hore waa la tijaanayay kadib markii la arkay inay fiican tahay ayaa xoolaha laguwada duray,” ayuu yiri Maxamed Nuur diiriye

Maxamed Nuur, ayaa xusay in nolasha qoyskiisa ay hore ugu tiirsaneed xoolaha oo ay qalan jireen, caanana ay ka cabi jireen laakiin uu hadda ku dhacay cudur intii ay ka heli jireenna aysan ka heleen.

Maxamed, ayaa sheegay in reerka uu hada ku tiirsan yahay mudo bil iyo bar ah dukaan ku yaala Bajeela oo uu ka qaato raashinka deen kaga qaato uuna rajeenayo in markii xoolaha fiicnaadan uu siin doono deentiisa.

Cabdixabiib Xuseen Yuusuf oo gudoomiye ka ah urur maxalli ah oo ka shaqeeya arrimaha xoolaha iyo beeraha ayaa radio Ergo u sheegay in ay booqdeen qaar ka mid ah deegaannada cudurka uu ka dilaacay, ayna ku soo arkeen calaamadaha curkan lagu yaqaanno inkastoo aysan samayn baaris caafimaad.

“Wax yaabaha sababay cudurkaan waxaa kamid ah roobkii deyrtii oo da’ay oo xoolo badan isku soo guur guureen ayay ka kala qaadeen xanuunka jadeecada. Waxaa kaloo sababay in aanan mudo xoolaha la talaalin ,” ayuu yiri Cabdixabiib.

Cabdixabiib ayaa sheegay aanan la ogayn tirada rasmiga ah ee ariga u dhintay xanuunkan.

Xoolo dhaqatada ayaa sheegaya in cudurkaan uu neefka haynayo

shan maalmood uuna u dhimanayo. Cudurkan ayaa waxaa uu ka mid yahay cudurrada xilliga kulaylka iyo abaarta ku dhaca ariga.

Cali Xirsi Cawaale, oo deggan deegaanka Ceel-bidir oo 80KM u jirta magaalada Hobyo, boqol sodon neef oo uu lahaa ayaa sedexdii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa ka dhintay 40 ka mid ah halkan 70 kalena ay hadda la ildarn yihiin.

“Xooluhu way qandhanayaan markii ay qandhadaana daaqa ayay deenayaan sanka, afka, indhaha iyo naasaha ayay kasoo baxayaan rabro kadib waxaad ku arkaysaa inuu liito neefka,” ayuu yiri Cali.

Dr. Ahmed Abdalla, oo ah gudoomiyaha ururka dakhaatiirta xoolaha ee wasaarada xanaanada xoolaha Puntland ahna khabiir arrimaha xoolaha ayaannu wax ka waydiinnaday calamaadaha ay xoolo dhaqatudu sheegayaan in uu yahay curdurka jadeecada ee ariga ku dhaca. Wuxuu sheegay in cudurka xilligan uu hayo ariga uuna billowday billowga sanadkan uuna ka dhashay cimilada isbadalka.

“Calaamadaha ugu waaweyn ee aad ku arkayso waxaa weeyaan shuban,neefka oo dhiciya wuxuuna ku dhacaa riyaha iyo idadaha,” ayuu yiri Dr. Ahmed Abdalla

Dr. Ahmed Abdalla ayaa sheegay in xilligaan oo jiilaal lagu jiro oo ay xooluhu raadinayaan meelo ay ka helaan daaq, wuxuu xusay in tallaalo meelo kala duwan ka socdaan haddana ay jiraan goobo fog fog oo aan la gaari karin. xoolahaas oo aan talaalku gaarin ayaana mararka qaarkood qaadsiya xoolaha kale markay isugu yimaadaan goobaha xooluhu ka cabaan ama ay reeraha isku soo guur guuraan. Xoolaha ayaa cudurka ku kala qaada hawada iyo neefsiga.

Agaasimaha wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo beeraha Dr. Suleyman Maxamed Saalax ayaa inoo xaqiijiyay cudurka in uu jiro mudo laba bilood ah waxayna ku ogaadeen in ay usoo sheegeen howlwadeenada la shaqeeyo wasarada xanaanada iyo xoolaha.

“Waxaa looga hortagi karaa in dabagal lagu sameeyo cudurka, in laga talaalo xoolaha iyo in la ogaado xanuunka saameentiisa. ,” ayuu yiri Dr. Suleyman Maxamed Saalax

Talaalkii ugu danbeeyay ee deegaanada Bajeela iyo Ceel-dibir laga fuliyay waxay ahayd, bishii 12aad ee 2018 iyo bishii 1aad ee sanadkan 2019, sida uu inoo xaqiijiyay agaasimaha wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo beeraha Dr. Suleyman Maxamed Saalax.

Previous Post

Qoysas biyo la’aan uga barakacay deegaanka Quracjoome

Next Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO 17 APRIL 2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO 17 APRIL 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo