Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas biyo la’aan uga barakacay deegaanka Quracjoome

Radio Ergo by Radio Ergo
April 17, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Bay: Ceelal laga hirgeliyay tuulooyin biyo-la’aanta darteed looga barakici jiray abaar kasta

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Biyo yaraanta ka jirta Deegaanka Quracjoome iyo tuulooyin kale gaaraya ilaa 10-tuulo oo ka tirsan Gobalka Bakool ayaa waxaa ka dhashey Barakac,Cudurka shuban biyoodka iyo xoolihii oo dhamaanaya sida Ergo u sheegeen Mas,uuliyiin kormaar ku sameeyey xaaladan jirta

Tuulooyinka Sigta,Dhagaxtuur,Ceelkuusow,Axmed Keerey,Saansey,Aadan Koomaad,Abeesaale,Cigey,Dhaloosha iyo buurgaabo ayaa ah kuwa ugu daran dhibaatada laga soo sheegayo.

Tirada xoolaha dhintey ayaa lagu qiyaasey ilaa Shan boqol oo neef oo ari iyo lo u badan,halka 2500 qoys xoolaley ahna ka barakaceen tuulooyinkii ay deganaayeen sida uu Raadiyaha Ergo u sheegey Gudoomiyaha Deegaanka Quracjoome Cabdifatax Sheekh Maxamuud oo kormeer shan maalin qaatey oo ay soo gaba gabeeyeen 10-kii bishan April oo ay ku ogaanayeen saameynta abaarta.

“Saansey, Aadan Koomad ilaa dhaloosha,Waxay ahaayen meelaha aadka u dhoobnaayen bakhtiga xoolaha ariga iyo Lo,ada,marka kormeerkenna qayla dhaanta iyo barakaca dadka ayaa kordhayay,marka dadka haraad bay halis uga jiraan,” ayuu yiri Cabdifatax.

Dadka ayaa si adag ku helaya booyado biya ah oo laga soo dhaamiyo dhanka xadka Itoobiya,waxaana dhakhatiirta ay sheegayaan in shuban biyoodka dilaacey lala xariirinayo biyaha booyadaha ee la isticmaalayo oo aan nadiif aheyn.

Shuban biyood oo sabab u ah biyo yaraanta cariga ka jirta ayaa ka dilaacey Qurac joome iyo Tuulooyinka xaalada abaarta iyo biyo yaraanta laga soo sheegayo,iyadooana ilaa hada shan iyo ruux oo caruur ah la iil daran yihiin sida uu Ergo u sheegey Dr,Maxamed kaahiye.

“Halis weyn caafimaad ayaa ka dhashey,shuban biyoodyo ayaa aad dadka usoo ridanaya,sidoo kale busbuska ayaa aad dadka u hayaa oo nadaafa darada ka jirta sababtay,marka kuleylka iyo dhibaatada gaajada taala ayaa sababayo cuduro badan,” sidaa waxaa xaqiijiyay Dr, Maxamed kaahiye.

Cudurka shuban biyoodka dilaacey ayaa dhakhaatiru waxay ka cabsi qabaan in uu sii faafo oo dad horleh soo rito,maadama tuulooyinka xaalad adag oo biyo yaraan ah ka jirto islamarkaana dadka biyo aan nadiif aheyd is ticmaalin sababo ceelashii laga wada cabi jirey oo gurey.

Xabiibo Cabdi Cali qoyskeeda wuxuu ka kooban yahay lix ruux,waana xoola dhaqato,deegaankeeda saansey oo quracjoome u jira 40KM,waxay sheegtey labadii todobaad ee lasoo dhaafey in ay ka dhinteen 8 neef oo ka mid ahaa 15-neef ay dhaqan jirtey,islamarkaana nolosha qoyska ku tiirsanaa.

Xabiibo Waxay qabtey rajo ah in roobka wakhtigiisa ku imaanayo si xoolaha daaq fican iyo baad uga helaan,laakin roobka oo soo dib dhacey iyo mudo afar sano oo wax roob ahba helin xaalada heerkan gaarsiisey.

“Biyo la cabi karo malahan,kuwa la helayo waa qaraar ama wasakh halis badan keenaya,tabarta na heysana booyadaha biyaha nama soo gaaran hadii la Helena fuustadii waa 7 doolar labaatanle waa 3 doolar,halkee ka keeneysaa lacagba ma jirto,” ayay tiri Xabiibo.

Dadka tuulooyinka kunool aad ayay ugu adag tahay iney gaaraan booyadaha biyaha ee laga keeno meel 18Km u jirta Quracjoome,waxaa inta badan booyadaha ku eg yihiin Qurac joome oo dad ganacsatada ah inta ay lacago isku darsadaan soo dhaansadaan,fuustada biya ahna ka joogto qurac joome 7 ilaa 8 Doolar.

Qoysaska Xoolaleyda ah ayaa aadaya dhanka Xadka Itoobiya wabiyo kuyaala oo loo sheegey in biyo laga helayo halka kuwo kalena si ay daaq iyo baad uga helaan xoolahooda ka tiigsanaya dhanka Gobalka Sh/hoose ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Tuulada Sigta oo Quracjoome u jirta 50KM Maxamed Cabdulaahi Nuur wuxuu sheegey in Tuuladiisa ay kusoo hareen wax ka yer 10qoys horeyna ay u joogeen ilaa 230 qoys,waxayna dadka u barakaceen xoolihii oo dhamaanayay baad iyo daaq loo waayey kuleylka daran ee jira iyo wax gargar dhanka biyo aan heleyinin ceelashii ku tiirsanaayena wada gureen.

Wuxuu ii sheegey in isaga mooyee reerkiisa oo afar ka kooban ay galeen laba bari ka hor dhanka Xadka itoobiya iyagoo raadiyey biyo iyo daaq,wuxuuna ii sheegey in todobadkan dhamaanaya shan neef oo sedex ari ah iyo laba lo,a ah xerada dhaxdeeda uga dhinteen markii baad loo waayey.

“Daaq ma jiro roob afar sano kuma dhibcin deegaaankan,waxaa jilaalkan aad xoolaha u leynayo kuleyl hufo wata,waxaad maleysaa in dab aad saran tahay,marka xoolo way la,anayaan dadkaaba halis ku jira,” ayuu yiri Guddoome, Maxamed.

Isxaaq Cali Kaakow,qoyskiisa waa sideed ruux,wuxuu sheegay in mudada afarta sano abaarta dareemayaan ugu darneyd sanadkan markii uu bilowdey xooligii la dhaqanayay sheegey iney sii dabar go,ayeen,isagoo sheegey in tiro 30-neef oo ari iyo geel ah ku waayey isagoo hada 67 neef oo ari ah kuwana uu ka wal wal qabo,oo marka caruurta uu dhaley ula cararaaan oo daaq laga helayo.

“Dadka waxba isma dhaamaan,Cidii lugeyn karta kuleylkan qoysaskooda ayaa la baxayaan,kuwii xoolo u harsan dhanka itoobiya ayay galayaan,roob allaha noo keeno,hadii taas dhicin halis weyn ayaa imaaneyso,” ayuu sheegay Isxaaq .

Isxaaq Cali Kaakow wuxuu ka mid yahay Odoyaasha dhagaxtuur,waxaa uu sheegey in hadii roobkii la sugayay imaan maalhan halis badan ay ku jiraan bulshada xoolaleyda ah ee kunool Bari iyo Koonfurta Quracjoome,wuxuuna Maamulka Koonfur galbeed iyo Hay,addaha ka codsadey in tuulooyinka ceelal riig ah loo helo si xiliyadan oo kale bad baado u helaan dadka.

Dadka Tuulooyinka fog fog ku harsan ayaa maamulka quracjoome sheegey in hada maadama Booyadaha dhanka Itoobiya biyaha ka keenayaan aan la wada gaarsiin Karin,laakin intii karaankooda ah isku dayo sameyn doonaan.

Gobalka Bakool gaar ahaan Degaanada dhanka Bariga iyo Koonfurta waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu daran ee abaaraha kusoo noq noqonayeen maadama roobab aan ka da,in sanadihii ugu danbeeyey.

 

 

Previous Post

Jubbaland oo olole caafimaad ka bilaawday gobolka Jubadda Hoose

Next Post

Xoolo cudurka jadeecada ugu dhimanaya gobolka Mudug

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Reer miyi billaabay in ay dib u dhaqdaan xoolo muddo ka badan labo sano kaddib

Xoolo cudurka jadeecada ugu dhimanaya gobolka Mudug

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo