Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shilaabo: Dhallinyaro gurmad ay lacag ku jirto u qaybiyay qoysas barakac ah

Radio Ergo by Radio Ergo
April 16, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas soo barakacay oo aqallo looga dhisay Buulo-burte 28 April, 2016

Kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Maxamed Cabdi oo ah hooyo haysata afar carruur ah, waxay ka mid tahay 192 qoys oo ku nool xero barakac oo ku taalla degmada Shilaabo ee gobolka Qorraxay ee Dowlad Deegaanka Somali Itoobiya ayaa waxay ka faa’iidaysatay deeq isugu jirta lacag, raashin iyo biyo dhaamin la gaarsiiyay Degmada.

Xaliimo oo abaar ugu soo barakacday miyiga Shilaabo ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxay sheegtay in 25-kii bishii hore la siiyay 500 oo birta Itoobiya ah oo u dhiganta $16.66 ah, 25 kiilo oo sonkor ah, kiish bur ah, saddex liitar oo saliid ah iyo 25 kiilo oo bariis ah.

“Booyadu biya ah ayay noo shubeen, biyaha noloshayada oo dhan baa ku xiran wax biyaha ka wanaagsan oo naloo qaban lahaana ma jiraan, wax walba ayaan ku karsannaa, waan cabnaa, ciyaalka ayaan ugu qubeysannaa, dharka waan ku mayrannaa, marka haddana xilli kulul baa lagu jiraan, nolosheena aad bay u beddeleen,’’ sidaasi tiri Xaliimo oo la hadashay Raadiyo Ergo.

Xaliimo ayaa intaa ku dartay in biyo deegaanka ay ka heli jireen ay qaali noqdeen islamarkaana aanay awoodin inay iibsadaan.

Sida ay sheegtay Xaliima, qiimaha foostada biyaha ah ayaa ah 60 bir ilaa 70 taas.

Ceelka Dawacaale ee Shilaabo ayaa ah meesha kaliya ee dadka deegaanku biyaha ka helaan, hase ahaatee roobyarida darteed ma soo saaro biyo ku filan dadka iyo xoolaha ku nool deegaankaas.

Waxay tilmaamtay in iyada iyo dadka xerada la deggan ku tiirsanaayeen gurmadkan ka hor masaggo ay gargaar ahaan u siin jirtay dowladda shantii biloodba mar taas oo ay ugu dambeysay10-kii bishii hore.

Urur ay ku midoobeen dhallinyarada gobolka ayaa saddexdii toddobaad ee u dambeeyay ku howlanaa qaybinta deeqda.

Biyo dhaaminta oo weli ay dhallinyaradu wadaan, ayay xustay inay u ballan qaadeen inay sii wadi doonaan inta uu roobku ka da’ayo.

Roobkii dayrta oo aan ka di’in inta badan Dowlad deegaanka iyo roobkii gu’ga oo ka dib dhacay xilligii uu di’ jiray ayaa loo aanaynayaa biyo yaraan oo dadka iyo duunyaba saamaysay taas oo sababtay meelo badan oo dowlad deegaanka ka mid ah ay biyo yaraan ka dhacdo.

Guddoomiyaha ururka gurmadka sameeyay Maxamed Qorane Cumar ayaa sheegay in booyaddii siddeedaad ay gaarsiiyeen xerada dadku ku jiraan, iyagoo saddexdii qoysba isugu dara fuusto ay saddex maalin ku joogaan.

Waxaa biyaha oo ay ka soo dhaamiyaan ceel 25km u jira xerada ay dadka ugu shubaan jiirkaanno, foostooyin, shiraac iyo baco ay qoysaska qaar dhigtaan.

Mohamed ayaa intaa raaciyay in booyadda biyaha ah ay middiiba ku kacday 3,000 oo bir oo u dhiganta $100.

Wuxuu xusay in inta aanay gaarsiin deeqda dadka barakaca ah ay soo sahmiyeen xerada si ay u ogaadaan baahida ugu badan ee dadka haysa.

“Dhallinyaradu waxay arkeen dadka Buulo-ceydha ku jira inaysan ahayn dad haysta nolol ku filan, qeyla dhaantu waxay ka timid dadkii iyaga ka midka ahaa ee magaalada imaanayay baa dhallinyarada u yimid, iyagoo baa yiri war arrintaas baa na haysata idinkuna dhallinyarii iyo iftiinkii waddanka ayaad tihiin, waxaan rabnaa inaad dadka noo dhex martaan oo aad wax nala qabataan. Booyadaha biyaha ee aan gaarsiinnay hadda siddeed bay marayaan, hal maalin bay saddex booyad gaarsiiyeen, hal maalin oo ka dameysayna barnaaamijka way filiyeen,” ayuu yiri Maxamed.

Lacagta ay gargaarkan cunada iyo biyaha isugu jira ayaa waxay dhallinyaradu ka soo uruuriyeen ganacdatada iyo dadka degmada Shillaabo.

Waxaa gurmadka ku baxday lacag dhan 10,000 oo birta Itoobiya ah.

Cabdi Faarax Saleeban waa aabbe haysta 10 carruur, wuxuu sheegay in abaartu dhaafisay 200 neef oo ari ah iyo 30 geel ah sidaasna uu barakac u noqday. Tobon neef oo ari ah oo uga haray xoolaha waxaa baaddiyaha Shillaabo ku ilaaliya wiil uu dhalay.

Nolosha qoyskiisa ayuu sheegay Cabdi in aysan ahayn mid meel kale wax ka soo galaan marka laga tago waxa uu qaraabadiisa ka helo.

‘’Dadka waa iska qaraab tagaa, maalintii magaalada ayuu iska maraa, habeenkiina waa iska soo wada galaa, qolo qaraabaa iyo waxbaa maalintii wax laga soo hel-helaa, waxaas oo aan joogto ahayn baa dadku isaga nool yahay. Wax meel u saaran malaha, shantii qoys baa shantii bil mar la isugu daraa shamuuro,’’ waxaa sidaas Raadiyo Ergo u sheegay Cabdi.

Wuxuu sheegay in maciishadda magaalada ay tahay qaali oo waxa yar ee uu meelaha ka helo aysan u goyn in maalin galinkeed uu cidda raashin ugu soo gado.

‘’Maciishadda magaalada taallaa waa wax iska qaaliya oo doolarkii baa kacay baa la dhahaa, koombada sokorta ah waa labaatan bir, daqiiqdu waa ku dhowdahay, nolol saas ah oo ciriiri ah baa dadku isaga jiraa,” ayuu sheegay Cabdi.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, TALAADO 16 APRIL 2019

Next Post

Xoola-dhaqatada Puntland oo wajahaya xaalad cunno iyo biyo yari

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Xoola-dhaqatada Puntland oo wajahaya xaalad cunno iyo biyo yari

Xoola-dhaqatada Puntland oo wajahaya xaalad cunno iyo biyo yari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo