Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Somaliland: Qoysas gaaraayo 600 oo loo qaybiyay xoolo

Radio Ergo by Radio Ergo
April 26, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Reer-miyiga ay abaartu saamaysay oo sayladaha Galgaduud ka iibsanaya xoolo-dhaqaal ah

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cismaan Bootaan Maxamuud oo 49 sano jir ah, qoyskiisana ka kooban yahay 8 qof ayaa dib ugu laabtay miyiga kadib 15 neef oo ari ah oo ay siisay hay’adda Udiyaar-garowga Masiibooyinka iyo Kaydka Cunada Somaliland.

Hay’ada waxay sidoo kale siisay xooloho qoysas gaaraya 600 oo qoys oo ah dadkii ku xoolo beelay duufaantii Sagar ee dhacday sanadkii hore ee 2018-ka.

Cusmaan oo 29kii bishii March la siiyay ariga ayaa ku laabtay deegaanka Ceelshiiq oo tuulada Cabdi-Geeddi u jirtaa 65.

Cusmaan  ayaa lahaa laba tiro oo ari ah lakiin nasiib darro waxaa ka laayay duufaantii.

Wuxuuba kadib yimid tuulada Cabdi-Geeddi.

Deegaanka oo ah meel tuulo ah iyo xirfad kale oo shaqo oo aanan ka ahayn in uu yahay xoolo dhaqato uma aysan saamixin inuu reerkiisa u shaqaysto.

9-ka bilood uu Cabdi-Geeddi joogay, waxay nolashiisa ku tiirsaneed $103 oo raashin uu ku gato oo ay siin jirtay hay’adda Badbaadada Caruurta ee Save the Children, haddase, wuxuu dib u bilaabay nolashiisa miyiga.

“Walaal, waxaan rabaa inaan dib u bilaabo nolashaydii reer miyinimo. Aniga hadda, waxaan ahay nin tuuladiisii jooga  oo hadda waxaa ka shaqaystaa oo nolasha reerkayga ku biilaa 30 ilaa 40 lacagta somaliland ah oo aan ka helo xaabada oo aan soo guro,” ayuu yiri Cusmaan.

Gudoomiyaha Hay’adda Udiyaar-garowga Masiibooyinka iyo Kaydka Cunada Somaliland, Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in mashruucan xoolo qeybinta ah ka faa’ideysteen 600 qoys oo lasiiyay 9,000 oo neefaf ari.

Qoyskiiba waxaa lasiiyay 15 neef oo ari  ah halkii neefna.

Sida ay hay’addu sheegtay, dowladda ayaa xoolahaas ku soo iibisay lacag dhan $423,00.

Mashruucan waxaa laga fuliyay Gobolada  Salal, Awdal, Gibilay, Saaxil.

Xoolo qeybinta waxay socotay oo la soo gabgabeeyay 5tii bisha April ayaa waxay soo socotay tan iyo horraantii bishii Marso ilaa 5 April.

Xoolo qeybinta waxay ka dhacday deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal.

Dadka xoolaha lasiiyay ayaa qaar kamid ah u laabtay deegaanadii ay ka yimaadeen ee Gargaara iyo Cabdi-Geeddi 24-kii bishii March.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xoolahan qeyb ka yihiin qorshe ay hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo Kaydka Cuntada Somaliland ay ku taageerayso dadkii ku ceyrtoobay  duufaanti Sagar si ay dib ugu noqdaan deegannoodi iyo nolashoodi hore.

“ Anaga dadka aan ku celinay deegaanadoodii waxay ahaayeen dadkii xoolaha ku waayay duufaanta………” ayuu yiri Faysal.

Sidoo kale Aadan Cumar Maxamed ayaa dadkii xoolaha la siiyay.

Aadan oo ah ah 54 sano jir iyo qoyskiisana ka kooban 7 qof ayaa waxay heleen 15 neef ari ah 3-dii bishii April.

Wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay ariga la siiyay laakiin aysan intaa u badali karin boqol iyo labaatan neef oo ari ah oo kaga dhintay duufaantii Sagar.

“Riyaha la i siiyay waxay wax weyn ka tarayaan inaan nolashaydii miyiga ahayn aan sii wato oo aan noqdo xoolo dhaqato, arigaan ayaan ku dadaali doonaa inaan dhaqdo, waxaana uga maarmi doonaa nolashii barakaca ahayd (ee aan ku jiray),” ayuu yiri Aadan.

Aadan oo ku sugnaa Lughaya mudo sanad ah ayaa bishii April dib ugu laabatay deegaankiisi miyiga ee Gargaara oo waqooyi kaga beegan magaalada Boorama.

Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar

Previous Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 26-APR-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 27-APRIL-2019

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 27-APRIL-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo