(ERGO) – Dadka deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaamarki ugu horaysay ku guuleystay joojinta isticmaalka iyo ka ganacsiga bacda oo deegaanka iyo xoolaha ay dhibaato ku qabeen kadib markii shacabka iyo maamulka deegaankaas ay in muddo ah la daalaan dhacayeen xil u helidda adeegsiga bacda oo mudo ah ba laga isticmaalaayay tuulada iyo deegaanada ku hareeraysan.
Arrintan oo lagu dhaqaaqay shantii bishii hore ee Maarso ayaa waxaa dhaqangalinteeda iska kaashaday guddi ka kooban 25 xubnood oo isugu jira odayaal iyo dhallinyaro, kuwaas oo gacan ka helay maamulka, dadka deegaanka iyo qurbajoogta oo ka taakulaysay dhanka dhaqaalaha.
Caaqil Cabdirisaaq Axmed Cilmi oo xubin ka ah guddiga ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in arrintan ay ku suuragashay wacyigelin ay muddo sanad ah wadeen odayaasha, ururrada dhallinyarada, haweenka, culimaa’uddiinka.
Wuxuu xusay in midnimo iyo isku xirnaasho ay muujiyeen dadka Boocame ay horseedday in la xakameeyo isticmaalka bacaha.
“Waxaa loogu guuleystay waa la ganaaxay ciddii sidata, haddii ay dukaan tahay, haddii ay gaari tahay iyo haddii ay shakhsi tahay, ciddii deegaanka ah waa lagu ganaaxay, ciddii aan deegaanka ahayn waxaa la yiraahdaa la bax oo la soco, magaaladana ha dhigin. Ganaaxaas baa loogu guuleystay in qof walba uu cabsado mar haddii lacag laga qaadayo uu cabsado oo uu dib uga hakado,” ayuu yiri Caaqil Cabdirisaaq.
Xeer ay dadka deegaanka iyo maamulka ku heshiiyeen ayaa dhigaya in qofkii lagu qabto isaga oo bac isticmaalaya ama ka ganacsanaya la xiro xabsi u dhaxeeyo bil ilaa saddex bil, sidoo kalena la ganaaxo lacag $100 ah.
Hase yeeshee Caaqil Cabdinaasir ayaa tilmaamay inta aanan la dhaqan gelinin xeerka in dadka ka ganacsanaayay inta badan bacda laga codsaday in ay joojiyan isla markaana lacag ahaan loo qiimeynayo bacda ay haysteen.
Si ay joojinta u dhaqan-gasho waxaa ganacsatada laga qaaday wixii ay baco haysteen si loo gubo, iyadoo qof kastana loo celiyay lacag ku qiimeysan bacda uu haysto.
Lacag gaaraysa $2,200 oo ay dadku iska soo ururiyeen ayaa loo celiyay ilaa 17 qof oo ganacsato ah kuwaa oo aqbalay in ay joojiyaan ka gaanacsiga bacda.
Xamdi Maxamed Khaliif ayaa ka mid ah ganacsatada lacagta loogu beddelay bacda.
Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in loo celiyay lacag $40 ah oo loogu qiimeeyay kartoon iyo bar bac ah oo dukaanka ugu harsaneyd.
“Bacihii waa la ururiyay, waa la gubay, qofkii lagu arko ee dambe ee bac iibinaya waa ganaax iyo lacag laga qaadayo. .. Waxyar oo kiishash oo kale ah oo dheg leh baa na loo keenay,” ayey tiri Xamdi.
Sida uu sheegaayo Caaqil Cabdirisaaq , waxyaabo badan ayaa dhiirrigeliyay joojinta bacda.
Wuxuu sheegay in dadka deegaanka oo xoolo-dhaqato ah ay dhibaato badan kala kulmeen bacda.
Caaqilka aya xusay in marka ay xooluhu cunaan bacda ay caloosha uga maranto, kaddibna ay ku sababto caafimaad-darro mararka qaar keenta inuu neefku dhinto.
Waxaa sidoo kale ay tilmaameen in ay bacdu dhibaato ku keentay deegaanka iyo dhirta.
Dadku waxay bacaha ku qubaan dooxooyinka iyo waddooyinka, waxayna isku maraan geedka oo ay qallajiyaan.
Nabaad-guur ay bacdu sababtay ayaa ku dhacay dooxooyinkii ay xooluhu daaqi jireen.
“Dooxooyinkii ayaa isubedelay xaaluf bacdii geedkii ayay isku duubaysaa geedkii wuu qalalayaan.dhir badan oo deegaanku caan ku ahaa baa nabaad guurtay sida sarinkii, safaarkii, dhidinkii. geedkii qudhacahaa laamaha ayay iskaga maraysaa,” ayuu yiri Caaqil Cabdirisaaq.
Hase yeeshee waxaa tan iyo markii la dhaqangeliyay joojinta isticmaalka bacda deegaanka laga dareemay isbeddello ballaaran kuwaas oo ay ka mid tahay soo laabashada bilicda deegaanka.
Mursal Cabdi Boocamaawi oo ah guddoomiyaha Dallad ay dhalinyarada Boocame ku midaysan yihiin kuwaas oo qeyb ka ah ololaha ilaalinta deegaanka ayaa Radio Ergo u sheegay inay qayb wayn ka qateen dhanka wacyigelinta iyo nadiifinta dooxooyin ku yaal deegaankaasi oo bacuhu dhalan bedeleen.
Dooxooyinka ay howsha nadaafadda ah ka qabteen waxaa ka mid ah Laag carro, Baraaha iyo garba-diir oo dhammantood ky yaala deegaanka Boocame.
“Anaga ka dhalinyarro ahaan kaalinta aanu ku lahayn joojinta bacaha, waxay soo martay heerar kala duwan markii hore wacyigelin tallaabooyin-kaanu qaadnay waxaa kamid ahaa olole aanu ku nadiifinaynay dooxooyinka deegaanka ku yaal ee bacuhu dhibaatada ku hayaan. sidoo kale waxaan wada shaqayn la leenahay odayaasha, bacaha lasoo qabto anagaa goobo gaar ah ku gubno,” ayuu yiri Mursal oo la hadlay Raadiyo Ergo.
Maamulka deegaanka Boocame ayaa dadka deegaanka ka caawiyay dhaqan-gelinta jooojinta bacda.
Ku-xigeenka guddomiyaha Boocame ee maamulka Puntland, Axmed Cismaan Karaaf ayaa sheegay in ay maamul ahaan ka qeyb qaateen wacyigelinta dadka loogu muujinayay in bacda laga maarmi karo, halisna ay ku tahay deegaanka iyo xoolaha.
Maamulka ayaa sidoo kale sameeyay guddi gacan ka siinaya xarigga iyo qaadista lacagta ganaaxa ah.
“Lacagtaan maamulka ayaa qaadaya, bulshadu way la shaqeyneysaa, dabadeedna deegaanka ayaa wax loogu qabanayaa, lacagtaas waa lagu qabanayaa wacyigelintii baa lagu darayaa, kharajkii wacyigelinta ku baxayay baa lagu darayaa oo meelihii aan la gaarin baa kharaj looga dhiganayaa,” Axmed Cismaan ayaa sidaa u sheegay Raadiyo Ergo.
Axmed ayaa intaa ku daray in ay jiraan dad loo soo qabtay, loona xiray inay amarka u hoggaansami waayeen.
“Ilaa saddex, labo qof baa loo xiray, dadka markii la arkay inuu dadka soo jeestay oo maamulkii iyo dadka ay wada shaqeynayaan, dadkii ku indho-adkeysanayay waxay billaabeen inay dib isaga taagaan oo waxay go’aansadeen inay qaataan waxa maamulka iyo dadweynaha ay wadaan. … Hadda waa la sii daayay, wixii waa dhaqan-galeen waxaa la iska aqoonsaday in dadka wixii u xiranna la sii daayo, cid dambena aan lagu arki kareyn, bulshadiina sidaas ayay qaadatay,” ayuu yiri Axmed.
Dadka deegaanku Boocame ayaa labo sano ka hor ku guulaystay inay deegaankooda ka joojiyaan kooxo xaaluf ku hayay, kuwaas oo dhirta gubayay kaddibna dhuxul ka dhigayay.










