Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Togdheer: Arday ka baxay fasalka shanaad oo aan sii wadan karin waxbarashada

Radio Ergo by Radio Ergo
January 16, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dhadhaab: Arday ku waxbarasho beelay xiristii Ifo2

Photo| Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faarax Jaamac Cali, waa arday 20 jir ah oo sanadkii hore ee 2018 dhammeeyay fasalka shanaad ee dugsiga dhexe, laakiin sanadkaan ma haysto fasal uu waxbarashadiisa ku sii wato.

Wuxuu shantaas sano waxbarashada ku soo qaatay geed hoostiisa. “Dhagax ayaan ku fariisan jiray, waanse ku qanacsanaa inaan wax ku barto, laakiin dhibka hadda jira waa meel aan u sii dhaafo ayaananba haysan oo fasal ma jiro,” ayuu yiri Faarax.

Wuxuu ka mid yahay 20 arday oo dhammesay waxbarashada fasalka shanaad, kuwaas oo aan haysan fasal ay wax ku bartaan, sababtoo ah geedka ay ardaydu wax ku hoos bartaan ayaa buux dhaafay oo aan lahayn fursad kale oo ay ardayda u gudubtay fasalka lixaad wax ugu bartaan.

Faarax wuxuu ku nool yahay tuulada Ceel-la-helay, 92 km dhanka bari kaga beegan magaalada Burco. Tuuladu ma laha adeegyada aas aasiga ah ee warbarashada iyo caafimaadka.

Siddeetan arday ah ayaase wax ku barta geed hoostiisa. Geedkan oo ah kan keliya eek u yaalla tuulada ayaa ardayda wax lagu baraa labo elin maalintii, waxayna fasalki oo ka kooban 20 arday wax bartaa hal saac iyo 45 daqiiqo. Ardayda ayaa isugu jira 30 gabdhood iyo 50 wiil.

Cali Carab Yuusuf oo ka mid ah macallimiinta wax bara ardaydaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inuusan jirin wax dhisme ah oo ardayda wax lagu bari karo oo ku yaalla tuulada, sidaas darteedna ay sanadkii 2012-kii hindiseen in geedka hoostiisa ay wax ugu dhigaan ardayda.

“Degaankani waa dhul qallalan, geedo badan ma lahan, geedkaan oo galool ah ayaana ah midka keliya ee hadda kuyaalla meesha. Shan fasal ayaan ku dhignaa oo ardayda ay isu beddelaan gelinka hore iyo kan danbe, halka fasalkii lixaad ardaydii u gudubtay aan wakhti loo hayn,” ayuu yiri Cali.

Carruurta geedka hoostiisa wax ku barta ayaa ka soo jeeda qoysas ku soo barakacay abaarti iyo kuwo horay deegaanka u degganaa. Tuulada waxaa ku nool 500 oo qoys oo 350 ka tirsan ay yihiin dadka miyiga ka soo barakacay.

Xaliimo Faarax Xasan waxay ka mid tahay waalidiinta ku nool tuulada oo carruurta ay halkaas wax ugu bartaan. Siddeed ka tirsan 12 carruur ah oo ay dhashay ayaa geedka hoostiisa wax ugu barta.

“Carruurtu si wanaagsan ayay wax noogu bartaan, wax lacag ahna ma nalaga qaado. Carruurteyda kan u sarreeya wuxuu dhigtaa fasalka shanaad, kan u hooseeyana fasalka koowaad,” ayay tiri Xaliimo.

Waalidiinta iyaga ayaa carruurtooda u iibiya agabka waxbarashada sida buugaagta iyo qalimada, mana laha dhar gaar ah oo ay carruurtu wax ku bartaan.

Saddex macallin ayaa wax bara ardayda, waxaana ay wasaaradda waxbarashada ee Somaliland mushahar siisaa hal macallin oo keliya, labada kalena waxay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Saraar ee Somaliland Jaamac Muuse Faarax oo jooga degmada Caynaba ayaa Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay in ay og yihiin duruufta ay wax ku bartaan ardayda tuulada Ceel-la-helay, sidoo kalena ay jiraan 13 tuulo oo kale oo ka tirsan Saraar oo 1,500 oo arday oo ku nool ay wax ku bartaan geeda hoostood.

“Muhiimaddu waa in waxbarashadu socoto duruuf kastaba ha jirtee. Waxaan isku daynay uin macallimiinta qaarkood aan mushahar siinno, kuwa kalena waan ku howl jirnaa,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Wuxuu xusay in wasaaradda Waxbarashada ay u gudbiyeen sidii fasallo loogu dhisi lahaa, laakiin weli aysan suurto gelin dhaqaale la’aan jirto darteed.

Previous Post

Biyo yaraan daran oo ka jirto in ka badan 40 tuulo oo ka tirsan Dhuusomarreeb

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Reer miyi billaabay in ay dib u dhaqdaan xoolo muddo ka badan labo sano kaddib

QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-OCT-2026

IDAACADDA 04-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo